Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Muqdisho: Ciidanka Asuulbta oo xarun daryeel u sameeyey Carruurta derbi jiifka ah

Radio Ergo by Radio Ergo
August 31, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Muqdisho: 200 oo carruur derbi jiif ah oo xanaano ka helo xarun ay hir geliyeen ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Carruurta oo ku jirta qaar ka mid ah fasaladay wax ku bartaan/Sawir/Munasar/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) Saabiriin Axmed Shariif oo 12 jir ah, waxay raashin iyo waxbarasho bilaash ah ka heshaa, xarrunta xanaanada agoonta ee Dr.Kadare oo ku taalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir. Muddo lix bil ah oo ay xaruntan ku jirto, waxaa nolosheeda wax iska bedeleen dhinacyada waxbarashada, xanaanada, hooyga iyo cunnada.
Saabiriin ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in mustaqbalkeeda ay ka rajo dhigtay, markii uu aabaheed ku geeriyooday qaraxii 14kii October 2017 ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho oo ku dhinteen dad ka badnaa 500 oo qof. Waxaa xarunta keenay nin ay saaxiibo ahaayeen aabaheed, iyadoo subaxii nolol maalmeedka u doonan jirtay magaalada habeenkiina ku soo noqon jirtay xero barakac oo ay ka degenaayeen agagaarka Ex-kaantarool Afgooye, iyada iyo hooyadeed oo ah qof bukaan ah oo hada la nool walaasheed oo barakac ku ah degaanka km13 oo duleedka magaalada ah.
“Subax hore ayay ahayd, markaas ayaan isgoyska debka imid annigoo ka fekerayay wixii aan cuni lahaa , derbina jiifa waxaa ii yimid nin ay saaxiib ahaayeen aabahay, wuxuu ii sheegay inuu i gaynayo meel waxbarasho iyo nolol wanaagsan aan ka helayo, anigana waan aqbalay,” ayay tiri.
Saabiriin hadda waxay dhigataa fasalka 2-aad ka tahay dugsi hoose oo ka dhaxdhisan xaruntan, waxay doonaysa inay mustaqbalka ay noqoto dhaqtar si ay wax u caawiso qofkasta oo xanuunsan.
Laga bilaabo 7:30 arroornimo ilaa iyo 12:00 duhurnimo waxay ku jiraan carrurta halkan joogta oo tiradoodu ay 200 tahay fasalada. Waxaana la baraa maadooyinka maadiga ah iyo kuwa diinigaba. Ilaa iyo lix fasal ayaa ka dhisan xeradan ay carruurtu ku jiraan, 15 macalin ayaana waxa ka bara, kuwaas oo isku bedela maalmaha iyo waqtiyada sidoo kalena kala qaabilsan maadooyinka.
Agaasimaha xaruntaan Xaliimo Cabdulle ayaa sheegtay in carruurtu ka hesho xarunta jiif, cunno, baaritaanno caafimaad iyo lebiskooda, ayna leeyihiin qolal ay wax ku bartaan.
Tirada ugu badan carruurta xanaanaynta loo samaynayo ee xarunta Dr.Kadare waa kuwo uu taliska Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ka soo ururiyay derbiyada magaalada laga soo billaabo tan iyo bishii june ee sanadkan, kuwaas oo waxyaabo muqaadaraad ah isticmaalayay.
Labo qaab ayuu talisku u waday howshan qaqabashada carruurta oo kala ah; in midkii qoyskiisu joogaan la waydiiyo inuu doonayo nolosha dhallaankiisa in la bedalo oo wax la baro ama uu isagu waxbarasho geeyo, iyo kii aan qoys u joogin oo si qasab ah loo geeynayay xerada xanaanada.
Yuusuf Cabdullahi Maxamed oo 13 sano jir ah wuxuu ka tirsan yahay carruurta derbi jiifka ahaa ee halkan uu keenay taliska asluubta, bishii saddexaad ayaa u socota oo uu xaruntan wax ka baranayo. Yuusuf wuxuu Ergo u sheegay in hooyadiis ay geeriyootay aabahiisna uu xaas kale guursaday dabeedna uu qaylo iyo garaacis joogto ah kala kulmay eedadiis taasina ay ku qasabtay inuu ka soo baxsado gurigooda uuna go’aansado inuu noqdo dibjir .
“Habeenkii derbiyada ayaan seexan jirey, subaxii waxaan u kalahi jirey gaari dhaqis si aan nolosha u maareeyo, wixii aan helo qayb kamid ah waxaan ku cuni jirey waxa kala sigaar iyo koolo ayaan ku gadan jirey, nolol aad u xun ayay ahayd marka hada loo eego, hada waxaan bartaa, dhogortayda waa soo iftiintay, igama muuqato diif laakiin markaas qofkii iga soo horbaxo mar haduu I eego markale indhaha iima celin Karin fildarada iyo duruufta iga muuqatay,” ayuu yiri.
Maalmaha Khamiista iyo Jimcaha caruurtan waa ay ka fasaxan yihiin waxbarashada, waxaana loo dalxiis geeyaa xeebta Liido, Jaziira iyo Daljirka Daahsoon si aanay ugu caajisin xerada. Dhanka kale hadii ay qalad ku kacaan caruurtani lama dilo, sida maamulka xaruntan inoo sheegay lagumana qayliyo, taasi bedelkeedse waxaa ciqaab looga dhigaa in laga reebo dalxiiska telefishinkana aanu daawan maalmaha fasaxa ay yihiin.

Previous Post

Laascaanood: Qiimaha quutal daruuriga oo aad kor ugu kacay

Next Post

Dhageyso wararka qiimaha xoolaha

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Dhageyso wararka qiimaha xoolaha

Dhageyso wararka qiimaha xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo