Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Muqdisho: Bukaannada dhimirka ee daawayntu u socoto oo ehelladooda loogu baaqay inaanay xarumaha caafimaadka ka saarin

Radio Ergo by Radio Ergo
August 14, 2018
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Dadka qaba xanuunnada dhimirka oo ku dhibaataysan gobolka Sool

Sawir/Ergo/keyd

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

ERGO – Labo boqol siddeetan iyo labo bukaan oo dhimirka ka xanuunsan ayaa ehladoodu ka saareen xarunta dhimirka Xabeeb ee magaalada Muqdisho tan iyo bilowgii sanadkan. Dadkan oo aan ka bogsan xanuunka haya ayaa ehladooda garteen inay ka saaraan xarunta kaddib markii ay arkeen inay soo caafimaadayaan, iyadoo aanu maamulku fasaxin, daawada iyo baxnaanintuna aysan u dhammaan.

Maamulka xarunta ayaa cabasho ka muujiyay in bukaannada ay eheladooda ka saaraan xarrunta, dibna loogu soo celiyo muddo yar kaddib iyadoo ay ku qaadato waqti dheer inay si buuxda u soo kabtaan.

Maamulaha xarunta Cabdiraxmaan Cali Cawaale (Xabeeb) ayaa sheegay in dadka iyagoo ay daawo u socoto haddii laga saaro xarunta ee haddana xanuunka dartiis dib loogu soo celiyo ay sababeyso in daawayntiisa ay u bilaabato sida qof cusub oo kale. Muddada qofka cudurka dhimirka laga daawaynayo ayaa ah mid ku xiran hadba waqtiga ay hayso, sida uu sheegay maamulaha xarrunta.

Xabeeb ayaa tusaale u soo qaatay in haddii uu qofku labo bil isagoo daawadu u socoto laga saaro xarunta, saddex bilna uu moogaado muddada lagu daawayn karo ay noqonayso in dib loo soo bilaabo waqtigii hore loogu sheegay in lagu daweyn karo.

Bukaannada dib loogu celiyay xarrunta waxaa kamid ah Cali Cabduqaadir Nuur oo afar iyo labaatan jir ah, muddo labo sano ah ayuu ka xanuunsanayaa dhimirka. Labo bil oo uu ku jiray xarunta ayaa laga saaray bishii labaad ee sanadkan, kaddib markii hooyadiis u aragtay in wiilkeeda uu bogsaday , waxaana lagu soo celiyay bishii afaraad, tani oo ka dhigan in labo bil oo uu guriga ku sugnaa uu dib ugu noqday xanuunkii hayay.

Muslimo Qaasim Hilowle oo ah hooyada Cali ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in wiilkeedu ka codsaday inuu la midoobo qoyskiisa, maadama uu isbadal iyo caafimaad dareemayo, sidaasna ay ku qaadatay go’aanka ah inay xarunta ka bixiso.

Muslimo ayaa xustay in intii uu wiilkeedu xarunta ku jiray uu dhaqaatiirta caawin jiray marka ay baxnaaninayaan bukaannada kale, isalamarkaana ahaa qof kaftamaya, qoslaya. Waxay sheegtay inuu waydiistay inuu doonayo inay u guuriso, mustaqbalna uu dhisto.

Cali intii uu guriga joogay, hooyadiis waxay sheegtay inuu ahaa mid toosan dhaqan ahaan, jir ahaan iyo maskax ahaanba hase ahaatee bishii afaraad toddobadeeda ayuu bilaabay inuu dareemo cabsi iyo welwel, arrintaas oo keentay inay dib ugu soo celiso xarrunta isla bishaas. Waxay xustay in isagoo dharkiisa wato uu qubaysanayay, uuna waydiin jiray inay qaad siiso.

Cali oo sanadkii 2016-kii isagoo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu xanuunku ku dhacay ayaa bishii Disembar ee sanadkii 2017-kii la keenay xaruntan si loogu daaweeyo.

Sida uu maamulka xaruntu sheegay qofka bukaanka ah ee cudurka dhimirka laga daawaynayo wuxuu u baahan yahay inuu si joogto u qaato daawada, dejinta maskaxda, nafaqada iyo ka warqab joogto ah, intaas haddii uu waayana uu cudurku ka sii dari karo.

Xarunta oo la aas-aasay sanadkii 2005-tii ayaa bukaannada ay dadkoodu keenaan ka qaada lacago kala duwan oo ku xiran hadba sida xaalada bukaanku ay tahay, halka dadka laga soo qabto waddooyinka ay xaruntu si bilaash ku daawayso mudada ay ku jiraan.

Cabdiraxmaan Cawaale ayaa ugu baaqay waalidiinta inaanay halis gelin nolosha bukaannada, wuxuuna uga digay inay cisbitaalka ka saaraan iyagoo daawayn loo wado taasi oo uu yiri waxaa ka dhalan karta qatar ah in cudurku aanu ka bogsoon oo daawadu jirku barato hadhowna wax ka tari wayso.

 

Previous Post

Ceel-afweyn: Waxbarashada iyo nolosha oo caadi ku soo noqday sagaal bil kaddib

Next Post

Goats die of disease in Galmudug as vets say they lack vaccine

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
blank

Goats die of disease in Galmudug as vets say they lack vaccine

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo