ERGO – Labo boqol siddeetan iyo labo bukaan oo dhimirka ka xanuunsan ayaa ehladoodu ka saareen xarunta dhimirka Xabeeb ee magaalada Muqdisho tan iyo bilowgii sanadkan. Dadkan oo aan ka bogsan xanuunka haya ayaa ehladooda garteen inay ka saaraan xarunta kaddib markii ay arkeen inay soo caafimaadayaan, iyadoo aanu maamulku fasaxin, daawada iyo baxnaanintuna aysan u dhammaan.
Maamulka xarunta ayaa cabasho ka muujiyay in bukaannada ay eheladooda ka saaraan xarrunta, dibna loogu soo celiyo muddo yar kaddib iyadoo ay ku qaadato waqti dheer inay si buuxda u soo kabtaan.
Maamulaha xarunta Cabdiraxmaan Cali Cawaale (Xabeeb) ayaa sheegay in dadka iyagoo ay daawo u socoto haddii laga saaro xarunta ee haddana xanuunka dartiis dib loogu soo celiyo ay sababeyso in daawayntiisa ay u bilaabato sida qof cusub oo kale. Muddada qofka cudurka dhimirka laga daawaynayo ayaa ah mid ku xiran hadba waqtiga ay hayso, sida uu sheegay maamulaha xarrunta.
Xabeeb ayaa tusaale u soo qaatay in haddii uu qofku labo bil isagoo daawadu u socoto laga saaro xarunta, saddex bilna uu moogaado muddada lagu daawayn karo ay noqonayso in dib loo soo bilaabo waqtigii hore loogu sheegay in lagu daweyn karo.
Bukaannada dib loogu celiyay xarrunta waxaa kamid ah Cali Cabduqaadir Nuur oo afar iyo labaatan jir ah, muddo labo sano ah ayuu ka xanuunsanayaa dhimirka. Labo bil oo uu ku jiray xarunta ayaa laga saaray bishii labaad ee sanadkan, kaddib markii hooyadiis u aragtay in wiilkeeda uu bogsaday , waxaana lagu soo celiyay bishii afaraad, tani oo ka dhigan in labo bil oo uu guriga ku sugnaa uu dib ugu noqday xanuunkii hayay.
Muslimo Qaasim Hilowle oo ah hooyada Cali ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in wiilkeedu ka codsaday inuu la midoobo qoyskiisa, maadama uu isbadal iyo caafimaad dareemayo, sidaasna ay ku qaadatay go’aanka ah inay xarunta ka bixiso.
Muslimo ayaa xustay in intii uu wiilkeedu xarunta ku jiray uu dhaqaatiirta caawin jiray marka ay baxnaaninayaan bukaannada kale, isalamarkaana ahaa qof kaftamaya, qoslaya. Waxay sheegtay inuu waydiistay inuu doonayo inay u guuriso, mustaqbalna uu dhisto.
Cali intii uu guriga joogay, hooyadiis waxay sheegtay inuu ahaa mid toosan dhaqan ahaan, jir ahaan iyo maskax ahaanba hase ahaatee bishii afaraad toddobadeeda ayuu bilaabay inuu dareemo cabsi iyo welwel, arrintaas oo keentay inay dib ugu soo celiso xarrunta isla bishaas. Waxay xustay in isagoo dharkiisa wato uu qubaysanayay, uuna waydiin jiray inay qaad siiso.
Cali oo sanadkii 2016-kii isagoo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu xanuunku ku dhacay ayaa bishii Disembar ee sanadkii 2017-kii la keenay xaruntan si loogu daaweeyo.
Sida uu maamulka xaruntu sheegay qofka bukaanka ah ee cudurka dhimirka laga daawaynayo wuxuu u baahan yahay inuu si joogto u qaato daawada, dejinta maskaxda, nafaqada iyo ka warqab joogto ah, intaas haddii uu waayana uu cudurku ka sii dari karo.
Xarunta oo la aas-aasay sanadkii 2005-tii ayaa bukaannada ay dadkoodu keenaan ka qaada lacago kala duwan oo ku xiran hadba sida xaalada bukaanku ay tahay, halka dadka laga soo qabto waddooyinka ay xaruntu si bilaash ku daawayso mudada ay ku jiraan.
Cabdiraxmaan Cawaale ayaa ugu baaqay waalidiinta inaanay halis gelin nolosha bukaannada, wuxuuna uga digay inay cisbitaalka ka saaraan iyagoo daawayn loo wado taasi oo uu yiri waxaa ka dhalan karta qatar ah in cudurku aanu ka bogsoon oo daawadu jirku barato hadhowna wax ka tari wayso.