Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Ceel-afweyn: Waxbarashada iyo nolosha oo caadi ku soo noqday sagaal bil kaddib

Leyla Abdi Mohamed by Leyla Abdi Mohamed
August 13, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Yemen oo deeq waxbarasho u ballanqaadday Soomaaliya

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Kun iyo shan boqol oo arday ayaa waxbarashadooda dib ugu soo laabtay kaddib sagaal bil oo ay uga maqnaayeen dagaal u dhexeeyay labo qabiil oo ka jiray degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag. Waxay ardaydu dhiganayeen afar iyo tobon iskuul oo ka tirsan dugsiyada waxbarashada Somaliland oo dib loo furay 11-kii bishan.

Sagaal dugsi oo kale ayaa weli xiran kuwaas oo ay saldhig ka dhigteen ciidamada militeriga Somaliland oo ku kala dhex jiray labada qabiil. Waxaan weli waxbarashadii dib ugu soo laaban 3,100 arday oo qoysaskoodu weli barkac ku maqan yihiin sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Guddoomiyaha degmada Ceel-afwayn Cabdiraxiim Yuusuf. Wuuxu xusay in agabkii waxbarashada ee dugsiyadaa uu burbur kasoo gaaray degitaanka ciidamada.

Maxamed Faarax Cumar laba wiil oo uu dhalay oo labo iyo toban sano jir ah iyo Sagaal jir ah ayaa ka tirsan carruurta ku waxbarasho waayay dagaallada ka jiray Deegaanka. 6-dii bishan ayay waxbarashada fasalka afaraad oo ay ka gudbi lahaayeen sanadkan dib ugu noqdeen kaddib dugsiyada oo la xiray 13 Dicembar 2017.

Maxamed ayaa tilmaamay inuu ku faraxsanyahay in caruurtiisu ay dib ugu noqdaan dugsiga. Wuxuu xusay in waxbarashada hakadka ka gashey ay dib u dhigtay balse ay sii wadanayaan maaddaama dib loo furey dugsigii ay dhigan jireen.

Saddexdii Agoosto ayay qoyska Maxamed oo toddobo qof ka kooban ku soo noqdeen wuxuu sheegay in toddobo bil uu la deganaa walaalkii oo ku nool magaalada Ceerigaabo oo 90Km u jirta Ceel-afweyn.

Heshiis kowdii bishan laga gaaray colaad ka jirtay deegaanka ayaa kusoo celisay Ceel-afweyn oo ay uga carareen dagaalka bishii January 12-keedii.

Shan kun oo qoys oo ka barakacay deegaanka ayaa waxaa dib ugu soo laabtay 2,500 oo qoys, iyadoo weli qoysaska aan soo laaban ay la maqan yihiin carruurtii iskuullada u dhigan jirtay.

Heshiiska labada qabiil ayaa suuro-geliyay in noloshii deegaanka ay dib u soo noqotay ilaa iyo markii uu dhaqan galay labadii bishan aynu ku jirno ee Agoosto. Ergo siddeed iyo toban maalmood u fadhisay xallinta khilaafka qabiillada oo ka koobneyd culimo, wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland, siyaasiyiin iyo odayaasha dhaqanka ayaa soo afjaray colaadda.

Goobaha muhiimka ee dib u furmay toddobaadkii hore waxaa ku jira labo isbitaal iyo saddex MCH oo xirnaa muddo sagaal bil ah. Dhammaan shaqaalaha caafimaadka ayaa ka barakacay deegaanka markii dagaaladu ka dhaceen gudaha Ceel-afweyn sida uu Raadiyo u sheegay Isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Sanaag Dr. Naasir Cabdiraxmaan Maxamed.

Wuxuu sheegay in 7-dii bishan ay xarumaha caafimaadka gaarsiiyeen dhammaan qalabkii ay ku shaqeynayn lahaayeen, isagoo xusay in afar dhakhtar iyo 32 kalkaaliye caafimaad ay ka tageen xarumahan markii colaaddu bilaabatay, sidaasna ay u xirmeen xarumuhu.

Toddobaadka ay xarumuhu furnaayeen waxaa adeegyo caafimaad u soo doontay 240 qof sida laga diwaangaliyay xarumaha hadda furmay, kuwaan oo adeegyado caafimaad aan helin muddo siddeed bil ah. Dr Naasir ayaa tilmaamay in xarumaha caafimaadku ay u baahanyihiin qalabeyn si adeegyada dhib yaraan loogu qabto bulshada.

Dhammaan kaabayaashii bulshada sida suuqyadii qudaarta, raashinka iyo dharka ee deegaanka ayaa sidoo kale furmay, waxaana ay dadku si caadiya uga adeegayaan faras magaalaha oo muddo ay xaalad deg deg ah ugu jiray ciidamada millatariga markii colaaddu jirtay taas oo keentay in kaabayaasha dhaqaalaha la wada xiro isku socodka magaaladuna joogsado.

Sahra Axmed oo ka mida hooyooyinka ku nool Ceel-afweyn oo meherad ganacsi ku laheyd magaalada ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in muddada ay ka xirneyd meheradeedu ay waysay il ay dhaqaale uga raadiso caruurteeda oo ku tiirsanayd shaqada ay iyadu qabato balse hadda ay dib u furatay. Waxay xustay in maalmo adag oo dagaaladu ay sababeen ay soo mareen oo cuno yari, waxbarashada la’aan iyo adeeg caafimaadba ay ku waayeen.

Previous Post

Shabeellaha dhexe: Cayayaan baabi’yay dalagyada biyaha roobka ku baxa

Next Post

Muqdisho: Bukaannada dhimirka ee daawayntu u socoto oo ehelladooda loogu baaqay inaanay xarumaha caafimaadka ka saarin

Related Posts

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Barakicin qasab ah oo nolol xumo galisay qoysas laga saaray xeryaha Baydhabo

September 10, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 9, 2026
Next Post
Dadka qaba xanuunnada dhimirka oo ku dhibaataysan gobolka Sool

Muqdisho: Bukaannada dhimirka ee daawayntu u socoto oo ehelladooda loogu baaqay inaanay xarumaha caafimaadka ka saarin

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 18-SEP-2026

IDAACADDA 18-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 18-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-SEP-2026
September 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-SEP-2026
September 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-SEP-2026
September 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-SEP-2026
September 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo