Beeraleyda roobku ugu baxo dalagyada ee tuulooyinka hoostaga degmooyinka jowhar iyo Mahadday ee galbeedka gobolka shabeelaha dhexe ayaan roobkan goosan dalagyadii ay beerteen kaddib markii uu baabi’yeen cayayaanka malabisada iyo diiratada.
Dhul-beereedkan oo ku yaalla ilaa tabon tuulo oo middii ay ku taallo 1,500 oo hektar beero gaaraya ayaa cayayaanka beeraha baabi’iyay waxa uu ahaa mid soo jireen ah inkastoo hadda ay ku soo biireen cayayaanka kabajaata iyo diiratada oo dhameeyay sisinta oo ugu badan dalagyada ay u soo dhalan lahaa beeraleyda oo markii ay beerteen bil kaddib cayayaanku dul dagay.
Beeralay la soo xiriiray Raadiyo Ergo ayaa sheegay in muddo ay sugaan in roob wanaagsan uu ka da’o deegaannadooda marka ay qarash galiyanna aysan xitaa ka helin lacagta ay geliyaan oo qaar ay dayn tahay.
Xuseen Maxamed Cismaan oo ka tirsan beeroleyda tuulada Jirixoow oo hoos-tagta magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegay in sanadkan uu beer ku beertay dalagyo isugu jira Sisin, Galey iyo Digir, Isagoo xusay in beertiisa oo la eg tobon hektar aysan waxba uga soo go’in oo cayayaan uu baabi’yay.
Xuseen oo qoyskiisu ka kooban yahay 11 qof waxay ku tiirsan yihiin beeraha iyo xoolaha, wuxuu tilmaamay in xoolihii uu lahaa oo gaarayay 300 ay abaarta kaddib uga hareen 50 neef oo ari ah , sanadkanna uu filayay inuu ka faa’iidaysto biyaha roobka oo dalagyo badan ay u soo baxaan. Bishii june ee sanadkan ayuu beertay dalagyada oo uu sheegay in uu galiyay lacag dayn ah oo ku dhow tobon milyan (shSo) oo weli lagu leeyahay, marka laga tago hal milyan oo uu iska bixiyay.
Xuseen ayaa xusay in cayayaanka aysan iyagu ka buufin beerta oo aanay awoodin lacagtii ay ku buufin lahaayeen maddaama abuurka xitaa ay daynsadeen balse dadkii buufiyay xitaa uu ka cunay beeraha.
Beeralayda dalagyadu ka qasaareen oo sisin u badan ma ahan mid ay ku tiirsan yihiin nolol ahaan ee waxay ka sameeyaan lacag ay ku noolaan karaan dhowr bilood, waxay suuqa ka joogtaa kiilada sisinta ah 18 kun halka masaggada galeyda iyo digirtuna ay ka joogaan 7 kun oo shilling soomalia ah, waxaana jirta in sisintu ay leedahay suuq oo waddamo kale loo dhoofiyo halka dalagyada kale aysan u gadmaynin haddii xitaa ay suuqa geeyaan.
Waxay abuurteen beeraha bishii May ee sanadkan iyagoo rajaynayay inay goostaan bishan August iyagoo u sababeeyay cayayaanka inuu yahay mid ku baahay beeraha oo aanay waxba ka qaban karin.
Maxamed Cali Afrax oo ka mid ah beerolayda tuulada Kaxarey oo gobolka shabeelaha dhexe ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in roobkii guga uu ku beertay beer shan hegtar ah.
Wuxuu xusay in uu soo gaaray sanadkan qasaaro la eg afar milyan oo shilling ka soomaaliga ah oo u dhiganta ($198) wuxuu filayay inay u soo go’aan 20 jawaan oo dalagyada uu beertay ah oo u badan Sisin haddase uu ka helay 3 jawaan oo masagga ah.
Maxamed ayaa sheegay in arrintaan ay sii murjisay isku xirnaasho la’aanta dhexdooda ah oo aysan maamulka dacwo u wada gudbin karin iyo dhaqaalo xumida oo keentay inay daawo sax ah ay iibsan waayaan si ay isaga buufiyaan cayayaanka.
Beeralayda aan la hadalnay ayaa si isku mid ah inoogu sheegay in cayaanka ka baabi’yay beerahooda uu u galay booskii abaaraha markii ay jireen inkastoo ay ugu sii daran tahay inay galeen qarash aysan ka soo kaban karin dhowr sano.
Xassan Axmed Muuddey wasiirka waraabka iyo beeraha maamulka Hir-shabeelle oo la xiriirnay si aan wax uga waydiiyno wax ay ka qabteen cabashada beeralayda iyo qorshaha cayayaanka ayaa sheegay inay ka warqabaan cayayaanka dhibaateeyay dalagyada beeraha.
Wuxuu sheegay in bishii June ay xafiis ka fureen magaalada jowhar kaas oo ay ka shaqaynayaa dhalinyaro ka soo baxay kulyadda beeraha kuwaas oo ka shaqaynaya sidii ay u tababari lahaayeen beeralaydo si ay cayayaanka uga badbaadaan.
Beeralayda oo ku jahwareersan daawooyinka ay isticmaalayaan si ay isga buufiyaan cayayaanka ayaan waydiinnay wasiirka wax ay ka maamul ahaan ka qaban karaa arrintaas isagoo xusay in marka la taba baro beeralayda ay ka caawin doonto inay helaan daawada saxda ah ee ay u isticmaali lahaayeen buufinta cayayaanka.
Wasiirka ayaan wax ka waydiinnay qorshaha dhow ee ay u diyaariyeen beeroleyda dalagaydu ka baaba’een inay ku caawiyaan.
‘’ Qorshe waan u diyaarinnay balse warbaahinta kama sheegayno, waxaan la xiriiraynaa guddoomiye-yaasha tuulooyinka ay joogaan beeralayda, iyagaana u sheegi doonnaa qorshaha aan u hayn.









