Ciriiri badan ayaa laga dareemayaa suuqyada lagu kala iibsado xoolaha ee magaalada Buuhoodle. Xoolo-dhaqatada oo roob fiican u helay xoolohooda, ayaa ciiddan u arka fursad kale oo ay qiimo fiican ku heli karaan xoolaha. Sayladda magaalada Buuhoodle oo xoolo deegaanno kala duwan laga keenay loo iib geeyo, ayaa ganacsatada iyo dillaaliintu Raadiyo Ergo u sheegeen in kor u kac uu ku yimi qiimihii xoolaha la kala siisanayay
Warbixin arrintaas ku saabsan waxaa Boohoodle inooga soo diray Khadar Cawl Ismaaciil.










