Wax soo saarka timirta ayaa markii ugu horreysay ka soo go’ay gobolka Nugaal, Ilaa 8,000 oo geed ay iskaashatada beeraleydu ku sheegeen timirta beeran, miraha hadda soo go’ayna dhirtiisa waxaa la beeray shantii sano ee ugu danbaysya.
Xasan Yuusuf Kaarshe oo ah gudodomiye ku xigeenka iskaashatada beeralayda gobolka Nugaal ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in tan iyo dabayaaqadii Luulyo ay beeraleydu suuqyada keeneen dallagyada timirta.
“Hadda ilaa 2500 oo geed oo timir ah oo mirihii ka soo baxay laga guranayaa, geedaha kalena wakhtiyada soo socda ayey bislaanayaan, waayo wakhtiyo kala duwan ayaa la beeray, sidaas ayeyna u kala danbaynayaan” ayuu yiri Xasan
Wuxuu sheegay in hadda markay suuqyada soo gashay ay beeralaydii arkeen in timirtu miraha kale ee beeraha gobolka ka soo baxaya ay ka qaalisan markay suuqa timaaddo oo beeralayda dhaqaalo ka fiican dalagyada aysan ka helayn ka soo gelayso.
Suuqyada Garoowe ayaad ku arkaysaa timir watada cuburyadeedii oo dhooban, iyadoo dadku ka jecel yihiin timirta gudaha ka soo baxday tii laga soo dhoofinayey wadamada carabta, qiimo ahaanna ay ka sarayso. Dadka ayaa aad u iibsada goobaha Super-markedada oo kale, waxaadna arki karaysaa in dad badani ay sitaan adeeg ahaan.
Kiilada timirta gudaha wadanka ka soo go’da waa $2.5, halka timirta carabta laga keeno ay suuqyada ku taal $2.
“Timirta gudaha dadku waxay ku jecel yihiin waa miro oo kale, malahan miid badan oo dheecaamaysa, wax badan ayuuna qofka ka cuni karaa, sidaas ayey ku jecel yihiin dadka, oo horayba Boosaaso ayey markay soo baxdo dadka qaar uga dirsan jireen.” Ayuu yiri Xasan.
Beeralayda Nugaal ayaa u badan kuwa ka faa’iidaysta waraabka iyo xilli roobaadka. Laakiin timirtaan ay beertay ay sheegeen inay u leedahay faa’iido ah u adkaysi abaaraha iyo isbedellada kale ee cimilada ay keento, taas oo baabi’isa qudaarta mararka qaar.
Waa geed-mirood, weliba waxaa iyadda u dheer in ay xidadada la baxdo oo hadii xididku biyaha hoose u gaaro, aysan abaartu waxba ka tarin xilli walba. Laakiin hadeer biyo badan bay cabtaa.
Kaarshe ayaa sheegay in timirta aysan biyo badan u baahnayn, markastoo ay biyo yaraan la kulantana ay wax dhalisteedu sii kororto, timirta hadda soo go’day in meelaha qaarkood in geedkiiba laga guray 70 kiilo iyo wax ka badan. Haddii ay biyo la’aan la kulanto wax dhalisteedu sii kororto, maxaa laga wadaa?
Meeshaan waxaa laga wadaa timirtu hadii ay biyo yaraani ku dhacdo, waxaa hoos dhacaya wax dhalisteeda, sidaas baysan timirtii la filayay u soo go’in sanadkii hore oo ahaa xili abaar laga soo baxay.
“Markay hadda soo go’day ayaa dadku arkeen wax tarkeeda dhaqaale, geedkeedana abaar looga biqi maayo inay disho, wakhti dheer oo boqolaal sano ahna way taagnaanaysaa.” Ayuu yiri Xasan
Dadku gargaar iyo taageero ay markii ugu dambaysay ICRC bixisay ayay ku heleen timirta kuna beerteen, sidaas adligeed, dabcan hadda ayay sheekooyinkoodii inoogu sheegeen in ay heleen wax soo saar lagu noolaan karo, lacag adagna laga heli karo marka uu soo go’o, isla markaasna leh cimri dheer iyo adkaysi abaareed.
“Nugaal waxay ka soo go’day oo hadda socota meesha la yiraahdo Jibbagalle, shimbiraaley iyo meesha la yiraahdo Caano-yaskax” Ayuu yiri Kaarshe.
Cabdixakiin Sheikh Axmed wuxuu ku jiraa beeralayda Caano-yaskax, waxaa u beeran 46 geed oo timir ah, wuxuu markii ugu horaysay ilaa 100 kiilo oo timir ah , kiiladiina laga siistay $2.5.
Wuxuu sheegay in beertiisa oo cabirkeedu yahay 3 higtar, nus higtar ka mid ah ay ku beeran tahay timirtu, halka intakalena dalaygo kale oo khudaar u badani ku beeran tahay,
“Waxa ka soo baxay geedahaan timirta ah ayaa qarashka beerta oo dhan iyo wixii qoyska cuni lahaayeenba iiga soo baxeen, runtii inaan sii balaariyo geedaha oo gaarsiiyo ilaa boqolaal ayaan doonayaa” Ayuu yiri Cabdiraxmaan.
Docda kale, Cabdixakiin wuxuu raadiyo Ergo u sheegay in timirtaan oo 3 sano u beerayd, caqabado dhowr ah ay ka mid tahay fahamka dabeecadda loo baxnaaniyo timirta iyo qaabka loo wajaho marka ay soo go’do ay qabsadeen, wuxuu kaloo sheegay in ay khasaare u geystaan shimbiro iyo daanyeer u dhuunta beerta dabadeedna baabi’iya timirtan, loona bahan yahay in laga wardiyeeyo maalintoo dhan.
Luul Cumar oo ah hooyadda Saggaal carruur ah oo ay keligeed koriso, waana beeralay degan dooxadda Shimbiraaley ee bariga gobolka Nugaal, halkaas oo Garowe u jirta ilaa 50 km. Luul ayaa ka mid ah dadka xilligaan miraha fiican u soo go’een.
Beerteeda oo ilaa lix higtar ah oo ay ku abuuran yihiin dallagyo kala duwani, waxaa ka mid ah 80 geed oo timir oo ay beertay shan sano ka hor, kuwaas oo soo go’aya bishan gudaheeda, waxayna dooneysaa in ay kabto dhaqaalaha yar ee ay hore uga heli jirtay qudaarta taas oo ay ku taageerto nolosha qoyska oo ay iyadu masuul ka tahay, maadama ay carruurtu agoon yihiin, sida ay u sheegtay Raadiyo.
“Anigu hadda dukaan baan ku leeyahay Garowe halkaas baan ku iibiyaa timirta iyo wixii beertayda ka soo go’a, dadka suuqleyada ah baan u qaybiyaa, wixii soo harana iyadaan ku dhex iibiyaa,” ayay tiri
Xasan Yusuf Kaarshe, gudoomiye ku xigeenka Iskaashatada beeraha gobolka Nugaal ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in qorshaha beeralayda uu yahay in timirtu ay suuq wanaagsan ka hesho suuqyada Puntland oo dhan, isla markaasna ay sidoo kale u iibgeeyaan suuqyada koonfurta, bartamaha iyo woqooyiga dalka, balse si arrimhaas loo gaaro wuxuu sheegay in loo baahan yahay in beeralayda laga taageero in ay helaan ceelal biyood iyo tababaro.
“Geedkaan timirta la yiraahdo si ay ugu filaanto wadankeenna, waxaa loo baahan yahay in gacan laga helo xagga maamulka iyo hay’adaha, meelo biyo la’, abaar baa dhacda si looga hortago, laakiin hadii abaarti ku dhacdo bahaashaan, xataa hadii ay dhasho miro yar bay dhalaysaa, tusaale geedku wuxuu dhalaa 75 kiilo 150 kiilo qaar baa dhala, laakiin 10 kiilo bay dhalaysaa haddii ay abaari jirto iyo biyo weydo,” ayuu yiri Kaarshe
Hay’adda ICRC ayaa ilaa 70 kun abuurka timirta ah waxay ka bixisay inta badan gobollada Puntland ee timirtu ka bixi karto Shantii sano ee ugu dambeeay, sida ay beeralaydu sheegayaan, taas oo geedaha oo yar yar oo talaal ahaan ah laga keenay wadamada Khaliijka.
Beeralaydan timirta goosanaysa ayaa sheegtay in ay caqabado ku noqdeen aqoon darro ka haysata dabeecadeha iyo xanaanada timirta u bahan tahay, sida cudurada looga ilaaliyo, , facalkeedii iyo markay dhashaba oo ay rabto in dabaysha laga ilaaliyo, waxayna dadka u bahan yihiin tababaro dheeraad ah oo beerashada timirta ah, taasoo qayb ka qaadanaysa









