(ERGO): Ilaa 3,000 oo qoys oo Soomaali ah oo ka soo barakacay rabshadihii toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Jigjiga ee xarunta Dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya, kana soo tallaabay deegaannada Wajaale iyo Xarriirad ee xuduudda Itoobiya ku yaalla ayaa soo gaaray toddobaadkan magaalooyin ka tirsan Somaliland.
Degmada Wajaale waxay hoostagtaa magaalada Gabiley ee gobolka Maroodi Jeex, halka Xariirad ay tahay degmo ka tirsan gobolka Awdal.
Qoysaskan oo u badan haween, carruur iyo dad waayeel ah ayaa ka soo barakacay cabsi ay ka qabeen in rabshadaha ka dhacay Jigjiga ay sii xoogeystaan.
Rabshadaha Jigjiga ka dhacay ayaa ka dhashay markii ciidamada militariga dowladda federaalka ee Itoobiya ay galeen magaalada, iyagoo ay isku dhaceen ciidamada Dowladda Deegaanka Soomaalida ee Liyuu Booliis. Goobaha ganacsiga ee magaalada ayaa inta badan xirmay kaddib markii qaarkood la boobay, iyadoo xaalad deg-degga ahna lagu soo rogay magaalada wixii intaas ka dambeeyey.
Guddoomiyaha gobolka Gabiley, Maxamed Ciise, ayaa sheegay in qoyaskan deegaannada kale ee Dowladda Deegaanka ee ay ka yimaadeen ay yihiin Horfadhi, Gobyarey iyo magaalo-Qaran, waxayna dhammaantoood soo gaareen magaalooyinka Boorame, Hargeysa, Wajaale, Berber iyo Burco.
Waxaa uu Raadiyo Ergo u sheegay in maalintii 200 oo qoys laga diiwaangeliyo deegaannada xuduudda Somaliland ay la wadaagto Itoobiya
Hodan Samriye Maydhane oo ah hooyada afar carruur ah oo ka soo baracday Jigjiga waxay heysataa raashin iyo hoy ku filan iyada iyo carruurteeda. Guri walaalkeed leeyahay oo ku yaalla magaalada Hargeysa ayay timid maalintii Arbacadii ee siddeedii bisha, kaasi oo laga siiyay qol ay degto. Raashinka waxaa ay la cunaysaa hadba wixii laga kariyo guriga ay dulsaarka ku tahay.
Sababaha kale ee ay uga soo barakacday Jigjiga ayey ku sheegtay in suuqyadii laga adeegan jiray oo la xidhay saameynta rabshadaha awgeed. Waxay sheegtay Hodan in xaaladda nolosha qoyskeeda ee hadda ay wanaagsan tahay.
Ka hor intii aysan Hargeysa soo gaarin ayey ku xanibnaayeen xuduudda, kaddib markii ciidamada Liyuu Booliisk ay u diideen in ay usoo tallaabaan dhinaca Somaliland, sida Hoda ay u sheegtay Raadiyo Ergo. Laba kamid ah carruurteeda oo dhiganayey fasalka labaad ee dugsiga hoose/dhexe ayey waxbarashadu ka istaagtay.
Taliyaha laanta socdaalka Somaliland, Cabdirashiid Axmed Xasan ayaa isna xaqiijiyey in la diiwaangeliyey 600 oo qoys oo ka soo tallaabay xuduudda Wajaale. Waxaa uu intaas ku daray in aan wax jinsiyad ah la weydiin dadkaas markii ay Somaliland soo galeen.
Laanta socdaalku ayuu xusay in ay ku caawisay dadka soo barakacay gaadiid geeya goobaha ay ku sugan yihiin ehelladooda.
Xaliimo Muxumed Fure oo ah hooyo sideed carruur ah dhashey hadda waxaa ay muddo afar maalmood ah dul saar ku yihiin iyada iyo carruurteedaba qoys ay qaraabo yihiin c oo ku nool magaalada gabiley. Waxay tilmaantay in ay ka soo carareen rasaas ka socotay Jigjiga oo ay haleeli waayeen fursad ay ku soo qaataan dharkii iyo qalabkii kale ee ay raashinka ku karsanayeen.
Xaliimo ayaa sheegtay in raashinka ay la cunaan hadda qoyska ay ehelkooda ah ee ay la soo degeen, laakiin waxay xustay in aanan wakhti badan la sii joogi karin qoyskaas noloshooda oo adag awgeed.
Qoysaska ka soo barakacay Jigjiga waxay u badan yihiin dad ay ehellooda ku nool yihiin Somaliland, waxayse rajeynayaan in ay guryahoodii dib ugu laaban doonaan haddii xal laga gaaro wada-hadallo u socda mas’uuliyiinta dowladda federaalka ee Itoobiya iyo odayaasha dhaqanka Soomaalida oo ku aaddan sidii waxyaabaha rabshadaha keenay loo xalin lahaa.









