Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Arday qaxootiga Dhadhaab ka socota oo fursado waxbarasho ka helay Kanada

Radio Ergo by Radio Ergo
August 24, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
16 arday qaxootiga wax ku baratay oo deeq wax barasho u aaday Kanada

Sawirrada kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) Maryan Maxamed Nuur oo 23 jir ah, waxay ku noolayd xerada qaxootiga ee IFO ee ku taal Dhadhaab Kenya, waxay macalimad ka ahayd iskuulka sare Sahal ee xerada Dhagaxley oo ay ka dhigi jirtay maaddoooyin kala duwan oo ay bilowday 2015 oo ah markii ay iskuulka dhammaysay, waxay sheegtay in wax ugu wayn ee ay ka faa’iday qaxootiga ay tahay inay waxbarato.

Waxay 21 bishaan ka duushay magaalada Nairobi, iyadoo u socota waddanka Kanada oo ay ka diyaarin doonto waxbarashda jaamacadda heerka koowaad.
Waxay fursadan waxbarasho ay ku ogaatay kaddib markii lagu soo dhejiyey waraaqo xayeesiin ah dugsiga ay macallinka ka ahayd. Waxay gashay imitixaan isugu jiray waraysi iyo qoraalka luuqadda kaddibna ay ka mid noqotay dadkii guulaystay.

Maryan iyo qoyskeeda oo 7 qof ah 2008dii ayay ka yimaadeen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada-hoose, waxay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ku nooleyd muddo 10 sano ah iyadoo rajeynaysa inay ku noolaato nolol ka duwan middii ay ku haystay xeryaha qaxootiga.
“Waxaan doortay caafimaaka inaan barto, anigaa doortay oo jeclaystay, waxaan rabaa inaan ku taqasuso qeybta haweenka, oo aan rajeynaayo in mustaqbalka wax badan u qabto dadkayga.” Ayey tiri Maryan.
Waxay xustay in markii ay baranaysay dugsiga sare ay ciriiri ahayd inay helaan nal ay wax ku aqristaan, oo ay toosh isticmaali jireen taas oo muujinaysay dhibka ay ka soo martay inay waxbarato si ay u soo gaarto halkay hadda marayso.
“Hooyaday ayaa igu caawisay in aan heerkan soo gaaro, waayo shaqada guriga oo inta badan gabdhaha ka mashquulisa wax akhriska aniga la ima diri jirin oo hooyada ayaa qaban jirtay” ayey tiri Maryan.

Waxay Maryan ka mid tahay 16 dhaliyaro ah oo ka mid ahaa dadka ku nool xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab oo deeq waxbarasho ka helay Kanada, 13 ka mid ahi waxay tageen 21ka Agoosto, todobaad kadibna saddexda kale ayaa soconaya.
Waxbarashadan lacag la’aanta ah oo ay maalgeliso dowladda Kanada ayaa sanadkiiba mar la soo dhejiyaa, si ay uga faa’idaystaan ardayda ka baxay dugsiyada sare ee qaxootiga ku nool.

Jibriil Isaaq Maxamed waa madaxa hay’adda Wild Trust ee xeryaha Dhadhaab, wuxuu sheegay in deeqdan waxbarasho ay soo codsadeen 42 qof, balse ay ku kala hareen imtixaanadkii la qaaday. Wuxuu tilmaamay in waxyaabaha lagu xulanayey ardayda ay ahaayeen in ardaygu yahay qaxooti ku noolaa xeryaha ugu yaraan 3 sano, in uu dhameeyey dugsiga sare, in willashu haystaan natiijada wixii ka sarreeya B+ , gabdhaha laga doonayo B- wixii ka sareeya.

‘’Tobon wiil iyo lix gabdhood baa sanadkan nasiib u helay inay waxbarasho ka helaan waddanka Kanada waa ardaydii helay buundooyinkii ugu fiicnaa, waxay hore ka billaabayaan waxbarashadooda” Ayuu yiri Jibriil.

Waxaa mashruucaan lagu bilaabay xeryaha qaxootiga sanadkii 2004-tii hal arday oo laga qaaday xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyadoo sanad walba la qaado hadba inta ay soo codsato dowladda Kanada.

Dhallinyaradaan ayaa marka ay dhameeyaan waxbarashada jaamacadda ee la siiyay waxay dooran karaan inay waddankaas joogaan ama ay dib ugu soo noqdaan wadankoodii.

Previous Post

16 arday qaxootiga wax ku baratay oo deeq wax barasho u aaday Kanada

Next Post

Baydhabo: Dadka ku shaqeysta bajaajta oo la yareeyay maalmaha ay shaqeynayeen oo saamayn ku yeelatay noloshooda

Related Posts

Somalia news, Latest news, Drought, Somali news, Mogadishu live news
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqato ku wajahaya Somaliland cunno xumo, go’doon iyo roob la’aan

August 7, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku hanti beelay colaad oo Muqdisho ku wajahaya nolol xumo

August 5, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo, hoy la’aan iyo dayac ku haysta Baladwayne qoys la barakiciyay

August 3, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shaqo la’aan ku dhacday dad xeryaha Gaalkacyo ka samayn jiray wacy-galin bulsho

August 2, 2026
Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose
Caafimaadka

Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose

July 21, 2026
Next Post
Baydhabo: Dadka ku shaqeysta bajaajta oo la yareeyay maalmaha ay shaqeynayeen oo saamayn ku yeelatay noloshooda

Baydhabo: Dadka ku shaqeysta bajaajta oo la yareeyay maalmaha ay shaqeynayeen oo saamayn ku yeelatay noloshooda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-AUG-2026

IDAACADDA 08-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-AUG-2026
August 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-AUG-2026
August 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-AUG-2026
August 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-AUG-2026
August 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-AUG-2026
August 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo