Agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha iyo waraabka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Dr. Maxamuud Maxamed Maxamuud, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in hay’adda cuntada adduunka ee WFP ay isla garteen in la ballaariyo mashruuc ay hay’addu ku iibsanayso wax soo saarka beeralayda Soomaalida.
Mashruucan oo soo billowday sannadkii 2014-kii, ayaa la filayaa in la gaarsiiyo meelaha ka fog webiga, isla markaana kor loo qaado heerka iyo tayada wax soo saar ee dalagyada kala duwan ee ka baxa gudaha Soomaaliya.
Musanar Maxamed Cabdi ayaa marka hore agaasimaha waydiiyay, halka uu marayo heshiiska ay kula jireen WFP.










