Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Togdheer: Dhul seerayaal laga sameeyey oo muran dhaliyay

Radio Ergo by Radio Ergo
July 11, 2018
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Togdheer: Xoolo-dhaqato ka cabanaya daaq la’aan, dhulkii daaqa lahaa oo la ootay darteed

Photo| agagaarka tuulada Gaatama/Sidiiq Yuusuf/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Faadumo Cismaan Jaamac, waa xoolo-dhaqato ku nool tuulada Ina-afmadoobe oo 30 km Waqooyi ka xigta Qoryaale. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in xooleheeda ay daaq la’aan hayso, ayna ugu wacan tahay dhulkii daaqa lahaa oo la ootay.

Sidoo kale marka ay xoolaha soofiso oo wax ay cunaan soo waayaan ay dib guriga ugu soo noqdaan, maadaama dhulkii banaanaa ee aan la oodan ay daaqii ka dhammeeyeen xoolaha deegaanka. Mararka qaarna waxay u daaq geeyaan masaafe aad uga fog tuulada si ay daaq ugu helaan xoolahana uga fogeeyaan meelaha la ootay, laakiin meelahaas xoolaha faadumo kama soo helaan daaq ku filan.

Waxay xustay in xoolaha la wax yeelleeyo marka ay galaan seereyaasha la ootay, taas oo ah dhibaato kale oo ay sheegtay inay ka dhalatay daaqa la ceshiimeystay.

“Dadkan dhulka xirtay xoolaha way naga laayaan waxaanay xoolihii nagu soo noqdaan iyaga oo geesaha laga jebiyey ama dhagax lagu tuuray oo uu dhaawac qabo, waxaana labadii isbuuc ee hada u danbeysay iga bakhtiyey laba neef oo nabaradaa u dhintay,” ayay tiri Faadumo tiri.

Faadumo oo abaarti ku waysay 120 neef oo ari ah ayaa ka walaacsan in 40-ka neef ee u haray ay daaq la’aan uga dhamaadaan.

Lix iyo toban tuulo oo ka tirsan deegaanka Qoryaale oo 80 km u jira degmada Burco ee gobolka Togdheer, ayay dadka ku nool ka cabanayaan daaq la’aan haysata xoolohooda, kaddib markii qaar ka tirsan xoolo-dhaqatada deegaanku ay seereyaal ooteen. Muddo saddex bilood ah ayay taagan tahay arrintan sida ay Raadiyo Ergo u sheegeen dadka deegaanka.

Tuulooyinka Dhakool, Fadhi-xun, Ina-qawle, Ina-afmadoobe, Gaatama, kirir, kal-qudhun iyo kuwo kale oo ka tirsan Qoryaale ayaa ka mid ah meelaha seereyaasha laga sameeyay. Dadka ku nool tuulooyinkaas waa xoolo-dhaqato hadda uun ka soo kabtay abaar halkaas ka jirtay saddex sano.

Jaamac Xaashi Xandulle waa 56 jir deggan tuulada Ina-afmadoobe, wuxuuna ka mid yahay dadka seereyaasha ootay. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in abaarti la soo dhaafay ay uga dhinteen 237 neef oo ari ahaa iyo labo awr oo reerku ku guuri jiray. Sidaas darteedna ay ku kaliftay inuu seero ka ooto dhul la wada leeyahay.

Jaamac ayaa sababta uu u dooday dhulkan ku sheegay inaanu lahayn xoolo uu dhaqdo, isla markaana ay u joogaan xoolo yar oo aan qoyskiisa ku filnayn. Bedelkeedna uu door biday inuu dhulkan uga raadiyo nolol maalmoodkooda.

Wuxuu sheegay inuu ogyahay in oodashada dhul loo wada siman yahay ay tahay sharci-darro, laakiin uu xal u arkay sidaas inuu sameeyo, isaga oo xusay in arrintan uu u arko mid uu xaq u leeyahay.

Xoolo-dhaqatada aan sameysan daaq-ceshiimeysiga qaarkood waxay ku khasbanaadeen inay xoolahooda la guuraan si ay daaq ugu helaan, maadaama meelaha ay joogaan inta badan dhul daaqsimeedki la ootay.

Cabdullaahi Nuur Jaamac ayaa ka mid ah xoolo-dhaqatada ka guuray halki ay deganaayeen. Wuxuu xoolihiisa la degay buuraley galbeed ka xigta tuuladiisii Gaatama, oo Qoryaale dhanka bari uga beegan 25 km. Raadiyo Ergo ayuu u sheegay in labo bilood ka hor uu halkan yimid, markii uu daaq xoolihiisa u waayay.

Dhulka buuraleyda ah ee uu hadda u guuray lafteeda ayuu sheegay Cabdullaahi in durbaba la isku dayayo in la ooto, taas oo ah walaac kale oo uu ka qabo in mar kale uu xoolihiisa daaq u waayo. Cabdulaahi kama mid noqon xoolo-dhaqatada isku dayay inay seera ootaan.

Dhanka kale odayaasha tuulooyinka laga sameeyay seereyaasha ayaa cabsi ka qabo in arrintan ay amni darro ka dhex dhaliso xoolo-dhaqatada daaqa ceshiimeystay iyo kuwa aan xoolahooda daaqa u haysanin. Dadka ootay seereyaasha waa reer-guuraa hubeysan.

Tuulada Ilka-cadeys, waxay arrintaan seera-oodashada ah ka jirtaa muddo labo bilood ah, waana wax ku cusub oo aan horay looga aqoon, sida uu sheegay Nuur Xirsi oo ka tirsan odayaasha deegaanka.

Dadka sameynaya seereyaasha ayaa sidoo kale xaalufinaya dhirta waaweyn ee kale si ay ugu ootaan seeraha, sida uu Raadiyow Ergo u sheegay guddoomiyaha Qoryaale Cabdiqani Muuse Dirir. Wuxuu sheegay in dhul badan oo daaqsin ah la xirmaystay oo arrintaas ay sameeyeen xoolo-dhaqato doonaya inaysan xoolahooda calaf u waayin haddii roob yaraan ay dhacdo.

Sanadkii 2013-kii ayay dad xoolo-dhaqato ah oo dega deegaannada hoostaga Qoryaale sidan oo kale seereyaal u ooteen, waxaana xilligaas ka dhashay dagaal dhex maray xoolodhaqatada, taas oo markii dambe ay burburiyeen ciidamada booliska gobolka iyo kuwa deegaanka. Ma jirin wax dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaalka xoolo-dhaqatada ee dhacay xilligaas.

Previous Post

Mudug: Qoysas abaaraha ku soo cayroobay oo nolol-maalmeedkooda ka hela dhismaha waddo u dhexeysa Hobyo iyo Gaalkacyo

Next Post

Barakacayaal nolol maalmoodkooda ka raadsada dhismaha waddo isku xirta Hobyo iyo Gaalkacayo

Related Posts

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
Next Post
Barakacayaal nolol maalmoodkooda ka raadsada dhismaha waddo isku xirta Hobyo iyo Gaalkacayo

Barakacayaal nolol maalmoodkooda ka raadsada dhismaha waddo isku xirta Hobyo iyo Gaalkacayo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-JUL-2026

IDAACADDA 07-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUL-2026
July 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUL-2026
July 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo