Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Barakacayaal nolol maalmoodkooda ka raadsada dhismaha waddo isku xirta Hobyo iyo Gaalkacayo

Radio Ergo by Radio Ergo
July 11, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Barakacayaal nolol maalmoodkooda ka raadsada dhismaha waddo isku xirta Hobyo iyo Gaalkacayo

Sawir/Keydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Hinda Cali Cawaale oo 50 jir ah, waxay kamid tahay haween cuntada u kariya shaqaale dhisa waddo isku xirta magaalooyinka Hobyo iyo Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo qiyaastii isu jira 260 km. Cunto bisil iyo mid cayriin ah oo ay ka hesho maamulka dhisaya wadada ayay ku maaraysaa nolosha caruurteeda oo lix ah. Raashinka bisil ayay ku heshaa si maalinle ah, gaar ahaana maalmaha ay shaqayso, halka raashinka cayriina la siiyo maalmaha kale.

Hindo malaha xirfad ay ku shaqeyso, fursada keliya ee ay caruurteeda cunto ugu heli kartayna ay ahayd inay halkan cunto ka kariso, si nolosha qoyskeeda ay ugu deberto. Raadiyo Ergo ayay u sheegtay in shaqadan ay ku soo biirtay bilowgii 2017-dii, xilligaas oo ay u bilaabatay nolosha barakaca.

Hadda waxay joogtaa deegaanka Lulubshe oo 10 km u jira tuulada Wisil oo Koonfur-bari qiyaastii Gaalkacayo uga beegan 200 km. Waxay kamid tahay qoysaska sida joogtada ah ula guur-guura shaqaalaha wada dhismaha wadada. Waxay Ergo u sheegtay inay ku nooshahay aqal Soomaali ay hadba ka ag dhisato meesha ay shaqaaluhu deegaamaystaan.

Sanad iyo afar bilood oo ay shaqadan haysay, ayay Hinda sheegtay in ay uga baxday diiftii iyo baahidii ay ka qaadeen abaarta, isla markaana hadda aanay ka welwelin helista raashin ay caruurteeda siiso. Waxay kaloo shaqadan u aragtaa inay tahay mid dan-guud ah oo deegaankaba anfac u yeelanaya.

Abaarta dhowrkii sano ee la soo dhaafay ka jirtay qeybo kamid ah gobolka Mudug ayay ku wayday 200 oo neef oo ari ah oo ay ku dhaqan jirtay deegaanka Saqiiro oo u dhexeeya Wisil iyo Hobyo oo kawada tirsan gobolka Mudug.

Hinda ayaa ka tirsan 57 qoys oo xoolo-dhaqato ahaa, kuwaa soo abaarta ku cayroobay, noloshooduna hadda ay ku tiirsan tahay, karinta raashinka iyo ka shaqaynta nadaafadda oo ay u qabtaan shaqaalaha wada dhismaha wadada. Dadkan ayaa u badan haween wata caruur agoon ah iyo kuwa ay aabayaashood kala tageen.

Xoghaya guddiga dhismaha wadada Nageeye Dhoolla-yare ayaa Ergo u sheegay in guur-guuritaan shaqaalaha wadada ay caqabad ku noqotay qaar ka tirsan qoysaskan, gaar ahaan kuwa caruurta haysta. Wuxuu intaas ku daray in guddiga dhismaha wadada ay isla garteen in qoysaska carruurta aan geeddiga geil karin xilli kasta lagu caawiyo xoolo nool si ay ugu negaadaan deegaanka. Ilaa 13 qoys ayuu Nageeye sheegay in la siiyay 108 neef oo ari ah, kuwaas oo qeyb ka ah xoolo uu guddigu ka helay dadka deegaanka.

Kuma eka oo keliya haweenka, dadka noloshoodu ku tiirsan tahay wadadan. Laakiinse waxaa jira rag qoysaskan ka tirsan oo iyaguna ka qeyb qaata dhismaha wadada, sida uu Ergo u sheegay Nageeye. Wuxuu intaas ku daray in 15 haween ah oo caruurta wata ay bilowgii howshan ku biireen sannadkii 2016-kii, xilligaas oo wadadu ay maraysay deegaanka Wisil.

Ragga shaqada ka helay wadada waxaa kamid ah Shire Maxamed Hilowle oo shaqadiisu tahay gurista ciida iyo dhaqaga lagu dhisayo wadada. Qoyskiisa loo lix ka kooban ayaa ku tiirsan shaqada oo uu maalintii ka helo $3. Qoyskiisa ayaa sidoo kale hela raashin bisil oo si maalinle ah uga helaan guddiga wadada.

Laba boqol oo neef oo ari ah ayuu ku dhaqan jiray miyiga Wisil. Xoolahaas ayaa dhammaantood ku le’day abaartii deegaanka ka jirtay. Bilowgii sanadkii 2016-kii ayuu qoyska Shire ku soo barakacay deegaanka Wisil.

Markii uu waayay gargaar ayuu u tegay guddiga wadada oo uu waydiistay shaqo. Afar bilood kaddib wuxuu ku biiray qoysaska ku tiirsan raashinka ay ka helaan dhismaha waddadaas.

Previous Post

Togdheer: Dhul seerayaal laga sameeyey oo muran dhaliyay

Next Post

Barnaamijka Beeraha

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shaqo la’aan ku dhacday dad xeryaha Gaalkacyo ka samayn jiray wacy-galin bulsho

July 23, 2026
Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose
Caafimaadka

Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose

July 21, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Haween barakac ah oo qoysaskooda uga saaray nolol xumo haysay xirfado ay ku shaqaystaan

July 20, 2026
Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin
Wararkii u Danbeeyay

Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin

July 16, 2026
Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug
Beeraha Iyo Xoolaha

Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug

July 15, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qorshe lagu horumarinayo Muqdisho oo shaqo la’aan biday barakac iyo danyar

July 14, 2026
Next Post
Waraysi: Faadumo Jibriil oo ka waramaysa timir ay ku beertay deegaanka Durduri ee gobolka Sanaag

Barnaamijka Beeraha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 26-JUL-2026

IDAACADDA 26-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 26-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-JUL-2026
July 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-JUL-2026
July 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-JUL-2026
July 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-JUL-2026
July 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-JUL-2026
July 22, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo