Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Sool: In kabadan 800 oo arday oo ku waxbarasho beelay colaadda Tukeraq

Radio Ergo by Radio Ergo
July 12, 2018
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Carruurta qaxootigii ka noqday Dhadhaab oo waxbarasho ka helay Kismaayo

Photo|Keydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdicasiis Cumar oo ah arday 14 jir oo dhiganayay fasalka sideeddaad ee dugsiga hoose/dhexe ee deegaanka Tukeraq ee gobolka Sool ayaan galin imtixaankii sanad-dugsiyeedka 2017/2018. Dugsigiisa ayaa u xirmay colaad u dhexeysa Somaliland iyo Puntland oo ka jirta deegaanka.

850 arday oo ku waxbarasho beelay colaadda ayay ka mid yihiin Cabdicasiis iyo saddex la dhalatay oo iyaguna dhiganayay dugsiga hoose ee deegaanka.

Tuulada Hadhwanaag oo 45 km bari ka xigta Tukaraq ayay barakac ku yihiin qoyska Cabdicasiis muddo labo bilood ah.

Amran Xasan Maxamed oo ah Cabdicasiis hooyadiis ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay inay ka walaacsan tahay waxbarasho la’aanta soo food saartay ubadkeeda, gaar ahaan Cabdicasiis oo sanadkaan ay u dhammaaneysay fasalka u dambeeya ee dugsiga dhexe.

Tuulada ay u barakaceen malaha dugsiyo ay carruurteeda ka sii wadan karaan waxbarashada. Inkasta oo qoyska Cabdicasiis ay ka soo tageen dhammaan wixii hanti ah ay lahaayeen haddana kama soo tegin buugaagtii uu wax ku baranayay. Wuxuu niyadda ku hayaa in mar un uu heli doono fursad uu ku galo imtixaankii dhaafay.

Shan dugsi oo ku yaalla Tukeraq iyo tuulooyinka Higlo, God-qaboobe iyo Faliidhyaale ayaa waxaa ardaydii wax ka baranayay looga saaray cabsi ka dhalatay waxyeello ka soo gaarta colaadda u dhexeysa labada dhinac.

Ardaydaan ayaa qoysaskoodu ula barakaceen deegaannada Kursudubay, Daldhac, iyo Hadhwanaag. Laakiin waxaa jira qaar ka tirsan qoysaska oo aan ka bixin deegaanka. Dadkaas waxaa ka mid ah Seynab Cali Ciise oo labo wiil oo ay dhashay oo sanadkaan dhammeyn lahaa fasalka afaraad ee dugsiga sare ay hadda waxbaraho la’aan yihiin.

Seynab ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in labadeeda wiil ay maalintii u daawasho tagaan ciidamada deegaanka jooga, taas oo ka dhalatay waxbarashadii ay ku mashquuli jireen oo meesha ka baxday isla markaasna ay uga cabsi qabto inay ku biiraan ciidamada iska soo horjeeda.

Colaadda ayaa sidoo kale saameysay 23 macallin oo bareyaal ka ahaa dugsiyada xirmay, waxayna dhammaantood qoysaskooda ula barakaceen deegaanno ka baxsan halka ay ciidamadu isku hor fadhiyaan.

Maxamuud Mire Nuur oo ka mid ah macallimiintaas waxna ka barayay dugsiga sare ee Tukeraq oo uu 13 sano macallin ka ahaa ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inay tahay markii ugu horreysay noloshiisa ee uu deegaankiisa ka barakaco.

Qoyskiisa ayuu ula barakacay tuulada Hadhwanaag halkaas oo ay ku haysato shaqo la’aan, iyadoo 5 ka mid ah carruurtiisa ay ku waxbarasho beeleen.

Dugsiga sare ee uu Maxamuud macallinka ka ahaa waxaa wax ka baranayay 70 arday oo 24 ka tirsan ay u fariisan lahaayeen imtixaanka shahaadiga oo qabsoomi lahaa 30-kii bishii Juun ee la soo dhaafay.

Guddoomiyaha waxbarashada deegaanka Tukeraq Maxamed Faysal, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in xilligaan aanay suuragal ahayn in ardaydu ay galaan imtixaankii sanad-dugsiyeedka. Wuxuu tilmaamay in guddiga wax barashada ee deegaanku uusan awoodin inuu imtixaan ka qaado dhammaan ardaydii dugsiyadu ka xirmeen, maaddaama ay qoysaskooda ula barakaceen deegaanno kala duwan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ardayda waxbarashada ka baaqatay ay dib fursaddaas u heli karaan marka la kala qaado ciidamada deegaanka isku horfadhiya.

Colaadda Tukeraq, waxaa ku barakacay 12,500 oo qof sida uu sheegay xiriiriyaha arrimaha gargaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Peter de Clercq, oo horraantii bishaan July mar uu Garoowe joogay warbaahinta kula hadlay.

 

 

 

Previous Post

Beeraley markii u horreysay dalagyadii u soo go’ay u suuq geeyay Guraceel

Next Post

Galgaduud: Beeraley markii u horreysay suuq geeyay dalagyo ay tacbadeen

Related Posts

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Next Post
Galgaduud: Beeraley markii u horreysay suuq geeyay dalagyo ay tacbadeen

Galgaduud: Beeraley markii u horreysay suuq geeyay dalagyo ay tacbadeen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-MAY-2026

IDAACADDA 16-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-MAY-2026
May 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo