Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Galgaduud: Beeraley markii u horreysay suuq geeyay dalagyo ay tacbadeen

Radio Ergo by Radio Ergo
July 12, 2018
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Galgaduud: Beeraley markii u horreysay suuq geeyay dalagyo ay tacbadeen

Photo|Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Cabdinaasir Cali Xaashi waa nin beeralay ah, toddobaadkaan wuxuu keenay suuqa degmada Guraceel 30 kiilo oo basbaas ah, 40 kiilo oo barbarooni ah, 45 kiilo oo baamiye ah, 30 kiilo oo yaanyo ah, iyo 300 oo xabbo oo qare ah, wuxuuna ka helay lacag 300 oo doolar.

Cabdinaasir oo 45jir, wuxuu leeyahay lix carruur ah, wuxuu sheegay in lacagta qudaarta ka soo gasha uu qayb ku bixiyo kharahaadka shaqaalaha beerta, biyaha iyo biilka reerkiisa oo deggan Guraceel.

Waxa uu beertiisa ku warabiyaa toddobadkiiba 150 foosto oo biyo ah waxaana uga baxdo lacag dhan 180 dollar Cabdinaasir ayaa beertan reerkiisa ka siiya masarufka iyo lacagta waxbarashada oo 3 carruur ah oo wax u barta waxa uga baxda 30 doolar halka 150 dollarna reerka uu u siiyo biil ahaan.

Wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyey ee beer ka bilaabay deegaanka Guraceel isagoo beertaan oo ay hadda ku beeran yihiin dalagyo kala duwan iyo geed mirood ku maal geliyey 7 kun oo dollar, wuxuu Guraceel ka tegay 6 sano ka hor, isagoo ganacsi u aaday wadanka Angolo oo uu ka soo noqday sanadkii hore dhamaadkiisii, wuxuu sheegay in markii uu indha indheeyay deegaanka uu go’aansaday in wax soo saarka beeruhu yihiin il-nololeed bannaan una baahan in laga faa’iidaysto.

“Markaan sahaminaayay ciidda waxaa jiray aqon yahanno beero oo ku sugan Muqdisho aan marba talo waydiinayay, iyagaana talooyin i siinayay ciidda ku habboon beerashada iyo dalagyada ku bixi kara, aniguna tijaabin abuur ayaan ku sameeyey meelo kala duwan, sidaas ayaanan halka hadda beerta ii ah aan ku go’aansaday inaan beer ka dhigo” Ayuu yiri Cabdinaasir.

Diyaarinta beertan oo Guraceel u jirta 6 km kana xigta dhinaca galbeed oo uu bilaabay xilligii abaarta ayuu sheegay inuu tijaabooyinkii uu samaynayey uu biyaha uga soo iibsanayey ceelka matoorka ah ee Guraceel, booyadda 150 foosto ahna laga siinayey 30 dollar, markii gu’gu da’ayse uu biyo ka helay baliyada, haddana uu u qodayo ceelkii beerta uu ku waraabin lahaa.

Waxaa hadda beertiisa ka shaqeeya 7 qof oo 5 ka mid ah ay yihiin ah dadkii abaaraha ku soo cayrtoobay ee ku nool xeryaha barakaca, labo ka mid ah dadkan ayaa ah rag beeraha wax ka yaqabn oo uu ka keenay gobolka Sh/dhexe mid ayaa qaata 250 dollar halka kan kalena uu qaasto 170 dollar 5 kale ayaa midkiiba uu qataa 55 dollar

Beerta uu sameeyey waxay tusaale u noqotay dadka degmadaas, iyaddoo hadda deegaankuu beerta ka hir geliyey ay ku yaalaan 15 beerood oo qoysas kale hir geliyeen xilliga gu’ga, wixii ka soo baxayna loo soo iibgeynayo gudaha magalada.

Cismaan Fiidow waa 75 jir, hadda wuxuu maalin kasta soo iib geeyaa qare, isagoo digir uga soo baxday beerta oo 50 kiish ahi ay guriga u rasaysan tahay, waana dadka ku daydan Cabdinaasir, beertana ka hir geliyey degaankaas.

Cismaan wuxuu ahaa barakace ku nool gudaha Guraceel, wuxuu lahaa 350 ariya, 265 neef ayaana abaartii uga dhimatay.

“Xoolihii 50 ka mid ah arigii hal mar ayaan xaraashay, waxaana la iga siistay 560 dollar, , kadib ayaan go’aansaday inaan ku bilaabo tacabka beeraha” Ayuu yiri Cismaan.

Cismaan wuxuu wiigii ku waraabinayey beerta 50 fuusto oo biyaha oo ay uga baxdo 10 dollar wuxuuna ii sheegay in isaga iyo carruurtiisaba ay dareemayaan wax soo saar bilow fiican ah markale uu sii laba jibaari doono.

“Beerta waa higtar iyo wax yar waxaa ii soo go’ay 50 kiish oo digir ah iyo 500 oo xabo oo qare ah oo aan suuqa keenay la igana siistay 750 dollarna la iga siistay” Ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in hadda uu digirta uu raashin ahaan qoyskiisa ugu isticmaalayo, halka qaar kalane uu iibsaday, 30 neef oo arigiisii uga hartayna uu hadda ku dhex tabcado beerta, uuna siiyo daaqa cawska ah ee uu beerto.

Beerahaan Guraceel waxay wax dadka degmadaasi hadda kaga kaaftoomeen dalaygadii beeraha ka soo baxayey ee looga keeni jiray degmada Beledweyne oo u jirta 110 km.

Safiyo Yaxye waa hooyo 35 jir ah, waxayna gudaha Guraceel ku leedahay dukaan ay ku iibiso khudaarta, horay waxay ugu safri jirtay Beledweyne oo gaarigu ka qaadanayay 20 doolar sii socod iyo soo socod, iyadoo ku maqnaanaysay 24 saac.

Safiyo oo qoyskedu ka kooban yahay 7 qof, hadda waxay subaxii ku sugtaa dukaankeeda oo loogu keeno qudaarta ka soo go’da duleedka magaladay ku nooshahay.

“Iibinta qudaarta 5 sano ayaan ku jiray, waxaa iga haray qiimihii gaariga, Beledweyne fatahaad ayaa ka jirtay oo qudaarta qaali ayay ahayd, tan ayaa hadda ka jaban, 70 doolar oo aan la safri jiray hadda laban laab qudaar ah ayaan dukaankayga la iigu keenaa” Ayay tiri Safiyo.

Waxay sheegtay in qiimaha qudaarta ay hadda u jaban tahay dadka magaladuna ku helaan qiima wanaagsan, iyadoo sheegtay in kiiladii baamiyaha ee laga soo siin jiray hal doolar iyo bar hadda ay ku hesho wax hal dollar ka yar, qudaarta kale oo dhanna ay ka jaban tahay tii Beledweyne laga keenayay.

Dadka xoolo-dhaqatada ah ee degaanada beeraha laga hir geliyey ku hareeraysan ayaanse iyagu soo dhoweyn tacabka beeraha iyagoona ku doodaya in ay degaanka ku yihiin nabaad guur, xooluhuna ku yaacayaan beeraha taasina dhibaato abuurayso.

Axmed Cabdullaahi Muxumed oo ah khabiir dhanka beeraha iyo xoolaha ayaa qaba in ay wax mar walba dhaca tahay in marka beeruhu meel ku cusub yihiin ay la kulman caqabado dadka xoola dhaqatada ah uga timaadda maadama xooluhu ay beerta meel kore ka arkan cagaarkeeda sidaasna ku beegsadaan.

“Dadka beeraleyda ah waa inay sameystaan qorshe ay dadka degankaas uga dhaadhicinayaan arrinta beeraha iyo faa’iidada ku jirta, sida inay daaqa u beeraan, si ay usoo dhoweeyaan haddii beeraleydii iska abuurtan beer iyagoo aan dadka wacyi gelin waxaa imanaya isku dhac” Ayuu yiri Axmed

Wuxuu sheegay in wax beerashada deegaanka looga baahan yahay, ayna muhiim u tahay haqab-beelka cuntada gudaha, maamulkuse u baahan yahay inuu u kala sameeyo jihayn, oo xoolahana dhinaca la daajiyo beerahana deegaanno gaar ah loogu tala galo.

 

Previous Post

Sool: In kabadan 800 oo arday oo ku waxbarasho beelay colaadda Tukeraq

Next Post

Muqdisho: 15 carruur ah oo shuban ugu geeriyooday Dayniile tan iyo bishii Juun

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Muqdisho: 15 carruur ah oo shuban ugu geeriyooday Dayniile tan iyo bishii Juun

Muqdisho: 15 carruur ah oo shuban ugu geeriyooday Dayniile tan iyo bishii Juun

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo