Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haweenka xeryaha barakaca Baydhabo oo ay ammaan-xumo soo food saartay

Radio Ergo by Radio Ergo
July 3, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Ammaan darro soo wajahday xeryaha barakaca ee Baydhabo

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Safiyo oo aan ahayn magaca saxda ah ee haweenay dhibane ah oo 26 jir ah, ayaa la jiifta isbitaalka magaalada Baydhabo, dhaawac ka soo gaaray dhowr meelood oo jirkeeda ah. Kaddib markii 22-kii bishii hore ee Juun, qof hubaysan uu ku weeraray aqal ay ka deggan tahay xerada barakaca ee Tawakal 2 Diinsoor oo ku taalla duleedka magaalada.

Haweenaydan oo ah xaas saddex carruur ah leh ayaa codsatay in aan magaceeda qarino, cabsi ay ka qabto in dhibaato intaas ka badan loo gaysto, maadaama amniga xeryaha uu liito.

Safiyo waxaa ku yaalla saddex dhaawac oo toorey ah. Kan ugu culus ayaa kaga yaalla qaybta kore ee naaska bidix, waana dhaawac ay la gashay koomo kahor intaan la keenin isbitaalka, iyadoo hadda xaaladeedu ay soo fiicnaanayso.

Xilligii uu weerarku dhacayay lama joogin saygeedu, wuxuuna ku maqnaa deegaanka Daynuunaay oo Baydhabo bari uga beegan qiyaastii 30km, halkaas oo ay markii hore ka soo barakeceen, si uu usoo indha indheeyo beer ay halkaas ku lahaayeen oo ay roobabkii Gugu heleen.

Waxaa ku adag inay neefsato, iyadoo ay ku xiran tahay qalab ka saacida qaadashada iyo soo celinta neefta. Walaasheed ka weyn oo xilliga weerarku dhacayay iyaduna ka maqnayd guriga ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay, in ninka falka gaystay uu ku guulaystay in si dhuumaalaysi ah uu ku galo guriga, kaddibna uu xiro halka laga galo aqalka.

“Wuxuu isku dayay inuu kufsado, markay iska caabiday oo laba dhaawac uu gaarsiiyay ayuu qaatay alaabo aqalka u taallay. Markuu sii baxayay ayay qaylisay, intuu kusoo laabtay ayuu tooray saddexaad ku dhuftay,”. Ayay tiri.

Mudadii ay jiiftay isbitaalka oo ay heshay dareyeel caafimaad oo bilaash ah, ayaa horseeday in dhaawacyadii ay qabtay ka soo kabanayso.

Waxay kamid tahay 120 haween ah oo tan iyo bishii Janaayo ee sannadkan la kulmay tacaddiyo kala duwan oo intooda badan loogu gaystay gudaha xeryaha barakacayaasha ee magaalada Baydhabo, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay agaasimaha Wasaaradda Gargaarka iyo Masiibooyinka Koonfur-galbeed Liibaan Sheekh Shucayb. Ammaan-darida xeryaha ayuu sabab uga dhigay maadaama oo ay ku yaallaan meel ka baxsan magaalada, isla markaana aanay ka ogdhowayn saldhigyo ciidan.

Taciyaddiyada loo gaysto haweenka kuma eka oo kaliya dhaawacyo, laakiinse waxaa jira kuwo la kufsaday, sida haweenaydan oo iyana codsatay inaan magaceeda la shaacin sababo ammaankeeda la xiriira awgeed. Nin xilli habeenimo ah oo ku beegan kowdii bishii Juun ugu soo dhacay gurigeeda, ayay sheegtay in uu  tooray ku cabsi geliyay, iyadoo intaas ku dartay in markii dambe ay kusoo baxeen labo dhalinyaro ah oo ka bad baadiyay in uu dhibaato kale usii geysto.

Waa hooyo toddobo caruur ah oo agoon ah ku haysata xerada barakaca ee Buula-gomor.  Waxay ka codsatay hay’adaha xuquuqda aadanaha u dooda in xad gudubka loo geystay wax looga qabto.

Haweenka xeryaha deggan ayay sheegtay in badankoodu ay qariyaan kufsiga loo gaysto, taas oo sii xoojisay in ay kordhaan tacaddiyada haweenka ka dhanka ah. Waxay tilmaamtay in ay door biday in ay dhibaatadeeda dadka kale la wadaagto, si wax looga qabto ammaan-darida xeryaha ka jirta.

Haweenaydan ayaa labo sano iyo bar kahor uga soo barakacday abaar ka jirtay deegaankii ay ku nooleyd ee Buush-madiina oo hoos tagta degmada Buurhaka.

Previous Post

Kismaayo: kor u kac laga dareemayo qiimaha qudaarta

Next Post

Halka ka akhriso xubinta qiimaha xoolaha oo laga soo diray Mudisho

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Next Post
Xoolo-dhaqato ka walaacsan cudurro xoolaha ay u dhimanayaan

Halka ka akhriso xubinta qiimaha xoolaha oo laga soo diray Mudisho

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 26-MAY-2026

IDAACADDA 26-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 26-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-MAY-2026
May 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAY-2026
May 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAY-2026
May 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAY-2026
May 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo