Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhalinyarada ka tahriibaysa xeryaha Dhadhaab oo soo kordhaysa

Radio Ergo by Radio Ergo
July 27, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Dhalinyarada tahriibaysa oo ku badan xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab

Nadiifo Cabdi Saalax oo ku nool Dhagaxley wiilkeediina Liibiya loogu haysto madax furasho/Sawir/Axmed Cabdilaahi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) Nadiifo Cabdi Salaax waa hooyada Bishaar Maxamed Dhuubow oo ah wiil 20 jir ah oo 4ta Abril ee sanadkan ka tegay xerada Dhagaxlay, si u gaaro dalka Liibiya, Bishaar oo dhiganayay fasalka labaad ee Dugsiga sare ee Tawakal kuna yaal Dhagaxley, wuxuu 23kii May hooyadii Nadiifo kala soo hadlay dalka Liibiya.
Nadiifo oo hor fadhisa guri yar oo dhoobo ka samaysan oo ah gurigii uu seexan jirey wiilkeedii tahriibay ayaa sheegtay in Bishaar hadda uu gacanta ugu jiro kooxaha ma gefayaasha ee wax tahriibiya, isagoo qaba dhaawacyo xabado ah oo ay ku dhufteen, wuxuu ka jaban yahay lugta midig, waxaa kale oo habeen kasta loo geystaa ciqaab kala duwan, iyagoo dalbanaya sagaal kun oo dollar oo madax furasho ah.
Nadiifo waxay bishaar aabihiis kala tageen iyada oo leh uurkiisa 3 bilood, iyada ayaana soo korisay, waxay soo gashay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab 2008, isagoo markaas wiilkeedu 10 sano jir ahaa, hadda waxay haysataa 7 carruur ah oo ay nin kale u dhashay.
“Lacag aan ku bixiyo ma hayo, wiilkana dhibkiisa iyo jirdilkiisa afar iyo Labaatan saac intaa la I soo Waco ayaa la i maqashiiyaa,” Ayey tiri Nadiifo
Wiilkeedu wuxuu ka mid yahay dhalinyaro 100 kor u dhaafaya oo tan iyo bishii Janaayo ee sanadkaan ka tahriibay saddexda xero qaxooti ee Dhadhaab Kenya, iyagoo u tahriibay dalka Liibiya si ay halkaa uga sii gudbaan dalalka reer Yurub oo ay is leeyihiin waxaad ka heli kartaan nolol dhaanta tan xeryaha Dhadhaab, siday sheegtay Xabiibo Cabdiraxmaan Mursal oo ah gudoomiyaha xerada qaxoootiga ee Dhagaxlay oo ay ka tahriibeen 45 ka mid ah dhallinyartaasi.
Xabiibo ayaa u sababaysay tahriibkaan badan ee ka jira xeryaha fursadihii dib u dejinta qaxootiga loogu samayn jirey dalka Mareykanoo oo joogsaday bishii Janaayo 2017, markaasoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay in qaxooti ay kuwa Soomaalidu kamid yihiin laga mamnuucay in ay Mareykanka soo galaan.
“Dhallinyarada qaxootiga ma helaan waxbarasho jamacadeed marka ay dhameeyaan dugsiyada sare iyo iyagoo aanan shaqooyin helin, sidoo kale kuma qanacsana barnaamijka dib u celinta qaxootiga dib loogu celinayo Soomaaliya, iyadoo qaar badan oo ka mid ahi ku dhasheen xeryaha oo aysan weligood arag wadankoodii” Ayey tiri Xabiibo.
12 ilaa 17-kii July waxaa Xerada qaxootiga ee Dhagaxlay ka tegay 8 dhallinyaro oo dhiganayay dugsiyada sare ee Dhagaxlay, iyadoo oo uu fududeeyey qof dadka tahriibiya oo ku xiran shabakadaha dadka geeya Liibiya, waxaana dhamaantood laga soo qabtay jidka u dhexeeya Garisa iyo Nairobi, soo qabashadooda waxaa fududeeyey laamaha amaanka oo kaashanaya waalidiinta carruurta dhalay.
Waxaa la saaray maxkamad afar ka mid ah, iyadoo lagu eedeeyey inay tahriibayeen, markii la hubiyey sharciyadooda qaxootinimo waxaa lagu xukumay 20 kun oo shillin, waxaana 26kii July dib loogu celiyey xeryaha markii waalidkood ay ka bixiyee lacagihii lagu xukumay.
Xaiimo Diiriye Shaalle waa hooyada Cabdiwahaab Maxamed Cabdi oo 20 jir oo isagu ka mid ah afarta weli ku xiran Garisa, waxay sheegtay in ay 12 July ay weyday Cabdiwahaab, saacado kadibna ay is heleen waalidiin kale oo iyana raadinaya dhalinayaro kale oo ay wada dhiganayeen dugsiga sare ee Dhagaxley.
“Waxaan markiiba war gelinay laamaha amaanka maqnaanshaha wiilkayga, weligayna ma filayn inuu tahriibayo” Ayey tiri Xaliimo.
Cabdiwahaab Maxamed Cabdi oo ku dhashay xeryaha Dhadhaab 1998 ayay hooyadii Xaliimo sheegtay in uu yahay agoon uu aabihii geeryoodey isaga oo markaa jirey 6 bilood oo keliya, ayna xeryaha soo gashay 1992, iyadoo ka soo carartay dagaaladdii sokeeye ee Kismaayo ka socday.
“Maxkmaddu waxay ku ganaaxday 120 kun, waxaan hadda soo daynsaday lacag 150 kun oo aan u sii dhiibayo dad ka soo daynaya xabsiga” Ayey tiri Xaliimo.
Xabiibo Cabdiraxmaan Mursal oo ah gudoomiyaha guud ee Xerada qaxootiga ee Dhagaxlay ayaa sheegtay in dhacdooyinkan cusub ee tahriibka ay sii cakirayaan xaaladda qoysaska qaxootiga maadaama aan dadka qaxootiga ahi awoodin tobanaanka kune e dollar ee tahriibka iyo madax furashada ugu baxaya dhalinyarta.
26kii July ayaana waxaa isugu yimid kulan ay isugu yimaadeen waalidiinta, hogaamiyayaasha xaafadaha xerada Dhagaxley iyo gudoomiyaha loogana arrinsanayo sidii loola tacaali lahaa, iyo in dhalinyarada la wacyi geliyo, waalidiintuna ay xiriir dhow la sameeyaan laamaha amaanka si ay markay waayaah wiilkooda ay u war geliyaan, iyadoo ay jiraan waalidiin aan iyago sheegin ilmahooda tahriibay welina ka maqan.

Previous Post

Dhegeyso barnaamijka Gobaad

Next Post

Qiimaha xoolaha

Related Posts

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Next Post
Qiimaha xoolaha

Qiimaha xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-MAY-2026

IDAACADDA 16-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-MAY-2026
May 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo