Abaartii dalka ku dhifatay ee jirtay sanadihii la soo dhaafay ayaa yareysay xoolihii loo iib gayn jiray suuqyada si loo qasho, taas oo keentay in dadku ay badelkii hilibka xoolaha cunaan hilibka kalluunka.
Magaalooyin Somaliland iyo Puntland ah ayay dadku billaabeen ka ganacsiga iyo cunista kalluunka, Sida uu warbixintaan ku faahfaahinayo weriyaha Ergo ee magaalada Burco Sidiiq Yuusuf Khalaf.










