Labo kun oo qoys oo ku nool deegaanka Docol oo ka tirsan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, ayay haysaa biyo yaraan, kaddib markii uu cilladooday matoor biyaha ka soo saari jiray ceelkii ay ku tiirsanaayeen.
Muddo saddex toddobaad ah ayay biyo yaraantu ka jirtaa deegaanka, sida uu warbixintan ku faahfaahinayo weriyaheena Gaalkacyo Jibriil Cismaan Cilmi.










