Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Beledweyne: Dadka ka soo laabtay barakaca oo dayactiraya goobihi fatahaaddu burburisay

Radio Ergo by Radio Ergo
July 19, 2018
in Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Beledweyne: Guryaha iyo goobaha ganacsi ee fatahaaddu burburisay oo dib loo dayactirayo

Sawirrada keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Khaliif Shuuriye Xasan ayaa Talaadadii ay bishaan ahayd 17-ka wuxuu markii ugu horreysay fursad u helay inuu dayactir ku sameyo dukaan uu ku ganacsado oo fatahaaddii ka dhacday Beledweyne bishii Abriil ay saameysay.

Dabayaaqadii bishii Juun ee la soo dhaafay ayuu Khaliif dib ugu soo laabtay xaafadda Xaawo-taako ee magaalada Beledweeye oo uu ka barakacay labo bilood ka hor. Dukaankiisa ayay biyihii webiga ka soo fatahmay burbur u gaysteen, waxaa sidoo kale daxaleystay darbiyada dukaanka. 140 doolar ayuu ku bixiyay dayactirka dukaankiisa.

In Khaliif dukaankiisa uu dayactiro waxay suura gashay markii la hagaajiyay mid ka mid ah godadka waaweyn ee ku yaallay afka hore ee buundada xaafadda Xaawo-taako Sabtidi la soo dhaafay.

Dhallinyaro 60 ah oo ku nool magaalada ayaa si iskood ah isugu howlay inay dayac-tir ku sameeyaan godadka waaweeyn ee ku yaalla waddooyinka muhiimka ah ee magaalada, kuwaas oo xilligii fatahaaddu jirtay ay waxyeello ka soo gaartay dadka rayidka. 10 qof ayaa xilligaas ku dhintay godadkaas marki ay ku qaraqmeen.

Dayactirka oo billowday 13-kii bishaan July dhaqaalaha ku baxaya ayay dhallinyaradu ka aruuriyeen ganacsatada, gaadiidleyda gobolka iyo maamulka gobolka. Waxayna adeegsanayaan gaadiid carrada godadka lagu duugayo keena iyo cagafcagafyo howsha lagu fulinayo.

14 kun oo doolar ayay aruuriyeen ilaa 28-kii bishii Juun ee la soo dhaafay, sida uu Raadiyo Ergo u sheegayMaxamed Cabdullaahi Buraale oo ah guddoomiyaha dhallinyarada howsha waddo.

Waxa uu sheegay inay wadaan qorsheyaal ay maalmaha soo socda ku dayactirayaan waddooyinka magaalada ee fatahaaddu ay burburisay.

Dadkii horay uga barakacay Beledweyne ayaa ku soo laabtay magaalada labo bilood oo ay barakac ku ahaayeen duleedka magaalada kaddib. Waxay durba billaabeen inay dayactir ku sameeyaan guryahooda iyo goobahooda ganacsi.

Mulki Maxamuud Axmed waxay dayarctir ku sameysay guri 3 qol oo dhis ah oo fatahaaddu ay kala tagtay dhoobkii, dariishadihi iyo albaabadi, waxay sidoo kale dib u qodday hal mitir iyo bar musqul ah waxayna ku joojisay halkaas markii ay biyaha u dhaceen, waxaana dayactirka gurigeeda ay ku sameysay uga baxay 120 doolar.

Waxay gurigeeda oo ku yaalla xaafadda Buundoweyn ka maqnayd 38 maalmood, muddadaasna waxay dulsaar ku ahayd qoys ehelkeeda ah oo deggan qeyb aan biyuhu galin oo xaafaddaas ku taallo.

Duqa magaalada Beledweyne Cali Cabdiqaadir Sandheere, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in hay’adaha samafalka ee gobolka joogo ay kala hadleen sidii dadka barakaca ka soo laabtay ee aan awoodin inay dib u dayactirtaan goryahooda ay uga caawin lahaayeen inay dib u hagaajistaan huryaha gaar ahaan musqulaha oo fatahaaddu ay dumisay, laakiin weli wax jawaab ah aanay ka haynin.

Wuxuu intaas ku daray in caqabadda ugu weyn ay dadka barakaca ka soo laabtay ka haysato dhanka musqulaha oo biyihi ay ka dumiyeen.

Fatahaadda uu sameeyo webiga Shabeelle ayaa ku soo noqnoqta magaalada Beledweyne, mana jiro qorshe rasmi ah oo dadka deegaanka iyo maamulka ay ka leeyihiin wax ka qabashada dhibaatada ka dhalata fatahaadda.

Madaxa hay’adda NRC ee bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya Sayid Cali Cabdi Siyaad ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in xalka keliya ee saameynta fatahaadda Beledweyne ka dhacda looga hortagi karo ay tahay in shacabka magaalada ay isu taagaan sidii ay barakaca sanad walba ah uga baaqsan lahaayeen, una badbaadsan lahaayeen hantida uga burburta fatahaaddu.

Waxa uu ku baaqay in la sameeyo biyo-xireenno, sidoo kalena ay lagamamaarmaan tahay in dowladda iyo deeq bixiyeyaashu ay iska kaashadaan xal u helidda dhibaatada fatahaadda.

Previous Post

Beledweyne: Guryaha iyo goobaha ganacsi ee fatahaaddu burburisay oo dib loo dayactirayo

Next Post

Barnaamijka Gobaad

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post

Barnaamijka Gobaad

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-OCT-2026

IDAACADDA 07-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-OCT-2026
October 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo