Heshiis dhinaca dhoofka muuska ah oo ay wada gaareen waddamada Soomaaliya iyo Turkiga ayaa keenay in beeralayda muuska beeran jiray ee gobolka Shabellaha hoose mar kale dib u tabcaan, iyadoo saddex sano iyo bar la soo dhaafay oo uu hakad ku jiray dhoofka muusku aysan tabcin, iyadoo muus aan badnayn oo soo baxayayna ahaa mid gudaha loo isticmaalo. Heshiiskan ayaa dhacay 12-kii bishii Janaayo ee sanadlaan 2018.
Axmed Maxamed Mayoow oo ah milkiilaha dhul beereed 15 hektar ah kuna yaalla degmada Afgooye, waxaa sanadkan u beeran 7 hektar oo muus ah, muddo lix bil ayayna tacban yihiin.
Wuxuu sheegay in beerista muuska ay ku timid markuu helay war gelin uga timid shirkadda Somali fruit oo horey muuska u dhoofin jirtay oo u sheegay inay suuq u hayaan, waxayna wargelinta u timid bishii February ee sanadkan, waxaana u soo gudbiyay guddiga beeralayda Soomaaliyeed.
“Waxaan tacabka muuska iska daayay 2014-kii markii suuqii xumaaday, hadda dib ayaan u tabcay, waxaan billaabay simista ciidda bishii febaraayo, xubinta muuskana aan ku tirqay dhulka, waxaana ku baxday 7 kun oo doolar oo aan ku bixiyay abuurka, simisda ciidda, shaqaalaha iyo shidaalkaba, qiyaastii 25 tan ayaan ku xisaabtamayaa inay ii soo go’do sanadkan,” ayuu yiri Axmed.
Wuxuu sheegay in uu Muqdisho iska joogay, beertana uusan waxba ku tabcin ilaa mudadaas, lacagta uu hadda beerta ku tacbadayna uu ka soo dayn qaatay ganacsato ay qaraabo yihiin oo ku sugan suuqa bakaararha ee Muqdisho, sidoo kale wuxuu sheegay inuu hadda hawl geliyay 14 qof oo horay tacabka muuska uga shaqayn jirtay, kuwaas oo iyaguna shaqo la’aan ku ahaa gudaha degmada Afgooye.
“Guddiga beeralayda Soomaaliyeed ee iyagu hadda hawshaan muuska wada waxay keeneen daawooyin lagula tacaalo cayayaanka muuska cuna” Ayuu yiri Axmed.
Waqtigii webigu qalalnaa waxaya ahayd bilowgii 2017-kii, balse wuxuu ka faa’iideystay webiga oo dib u biyo keenay febaraayo, wuxuuna sheegay inuu beertiisa dhexdeeda ka dhistay berkad biyo badan uu ku keediyo taasoo uu webiga kaga soo jiido matoor, wuxuu kaloo intaas ku daray in hadda beeralayda deegaanku uu muuska u wada beeran yahay.
Beeralayda ayaa sheegaya inay bereen noocyo tayo wanaagsan oo muus ah oo ay ka mid yihiin, kodi, niina, banana iyo sandi kuwaas oo ah nuucyada ugu fiican ee loogu talagalay in loo dhoofiyo dibadda, waana noocyo arag, dhadhan iyo muuqaalkoodu wanaagsan yahay, abuurkoodana waa mid wadanka horay u yaalay.
Muuska ayaa ku baxa sagaal bilood, wuxuuna ahaa ka hor tan iyo 2015-kii dallagga labaad ee ugu badan ee wadanka dibadiisa loo dhoofiyo marka laga soo tago liin dhanaanta, iyadoona loo dhoofin jiray waddamad carabta, wuxuuna u istaagay markii ay xumaatay tayada muuska soo go’a iyo gaadiidka badda ee lagu qaadayo oo 20 maalmood ka badan badda ku sii jira, muuskiina suuqyada tago isagoon tayo wanaagsanayn.
Muuse Warsame Indhayare oo ka mid ah masuuliyiinta shirkadda dhoofisa muuska ee Somaali Fruits ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in sanadkan uu si toos ah u billaabanayo dhoofinta muuska, ayna ku war geliyeen beeralayadii muuska beeri jirtay suuqyada cusub iyo fursadaha wanaagsan ee dhinaca gaadiidka badda ah ee lagu qaadayo, ayna leeyihiin waddamada hadda qaadanaya muuska, taasna ay keentay in ay beeralayadii si wanaagsan u tabceen muuska.
Waddamadaasi ayuu tilmaamay inay la soo xiriireen oo ay si toos ah ugu gaynayaan, qaarkoodna ay soo dhiibeen daawooyinka cayayaanka muuska gala looga daaweeyo si loo helo tayo wanaagsan, ayna beeralayda gaarsiiyeen.
“Tiro sax ah beeralayda beertay uma sheegi karo, laakiin inta badan waan wacnay, qaarna beerahaan ugu tagnay si ay u tabcaan muus,” Ayuu yiri Muuse.
Wuxuu sheegay in beerihii muuska ee ku yaalay Buulo-mareer, Aw-dheegle, Mubaarak ilaa iyo Bariire ee gobolka Shabellaha hoose hadda la wada beeray, waxaanan rajaynaynaa inaan dhoofkiisa bilowno dabayaaqada bisha Oktoobar, caddada nagu filanna aan helno” Ayuu yiri Muuse.
Wuxuu intaas ku daray in caqabadihii gaadiid xumida ee ka jirtay dhoofka muuska hadda ay rajaynayaan in la xaliyo, ayna ka heleen dawladaha Talyaaniga iyo Turkigu inay soo dirsanayaan maraakiib leh qaboojiyayaal ku filan, muuska oo tayo wanaagsan lehna uu gaari doono suuqyada.
Shirkadan dhoofinaysa muuska oo horay ay uga shaqayn jirtay dad tiro dhan 97 qof oo isugu jira qeybaha kala duwan ee maamulka, shaqaalaha caadiga ah iyo kuwa qaabilsan kaxaynta gaadiidka, waxaana masuuliyiintu sheegeen inay u diyaarsan yihiin dhammaan qalabka fududeynaya dhoofka muuska, ayna shaqaalaha war geliyeen.
Cabduqaadir Cal Iidle isaguna waa mid ka mid ah beeralayda ay sanadkan uu tacban yahay muuska, waxaana uu abuur geliyay dhul 2 hektar ah oo ku iyana degmada Afgooye ku yaalla. Cabduqaadir oo la hadlay Raadiyo Ergo ayaa sheegay in hadda uu beertay muus.
“Wakhtigii hore ee dhoofka jiray dhaqaale fiican ayaa iga soo geli jiray, markii hadda aan maqlay in dib loo billaabanayana beertii oo dhan waan ku tabcay”ayuu yiri Cabdiqaadir. Wuxuu sheegay in abuurku uu horey ugu keydsanaa, haddana ay howshiisu u marayso meel wanaagsan, wuxuu sheegay in subax kasta la kormeero abuurka tacban, islamarkaasna daawooyinkooda iyo ka warqabkooda ay shaqaalaha ku howlan yihiin. Beeraha la deriska ayuu tilmaamay inay sidaas oo kale yihiin iyaguna.
Dhoofka muuska oo ah il dhaqaale oo xoog badan, beeralayduna u leh ahmiyad weyn ayaa horay waxaa u saarnaa caqabado waaweyn oo ay ugu horeysay waddooyinka oo xumaa ayna adkayd in la soo mariyo, iyo sidoo kale abaarahii iyo biyo guristii webiga oo iyana sii adkaysay wax soo saarkii beeralayda, balse tallaabadan cusub ee dib u bilaawga dhoofka muuska waxay markale wax ka bedeleysaa xaaladahani iyo quustii ay joogeen beeralayda Soomaaliyeed waxayna u tahay fursad kale oo ay ku hormarin karaan wax soo saarkooda ayna ka heli karaan qarash noloshooda wax ka bedela.










