Taabit Cali Axmed iyo Isxaaq Maxamed Aadan waa walaalo dhinaca hooyada ah, waxay ku soo noqdeen Muqdisho Bishii Oktoobar 2016dii, waxay ahaayeen dadkii laga soo celiyey Yemen markii dagallaada ka dhaceen, waxay hadda ku leeyihiin xarun farsamada alaabta guryaha si wanaagsan loo sameeyo Baydhabo, waxay ka sheekaynayaan sida shaqadoodani u guulaysatay.
Warbixintaan waxaa Baydhabo ka soo diray weriyaha Raadiyo Ergo Muxiyadiin Xusni.










