Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Hargeysa: Dad ku dhintay roobab dabeyla wato oo ka da’ay Sallaxley iyo Aw-barkhadle

Radio Ergo by Radio Ergo
June 22, 2018
in Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Dadkii fatahaadda Beledweyne ku barakacay oo bilaabay inay dib ugu noqdaan guryahoodii

PhotolKeydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Laba qof ayaa ku dhintay 15 kalena way ku dhaawacmeen roobab dabeyla wato oo toddobaadkii hore ka da’ay deegaannada Salaxley iyo Aw-barkhadle oo Hargeysa kaga beegan dhanka Koonfureed. Mid ka mid ah labada qof ee geeriyootay wuxuu ahaa wiil afar sano jir ahaa. Dadka waxay waxyeellada ka soo gaartay roobka iyo dabeylaha is watay sida uu Raadiyow Ergo u xaqiijiyay guddoomiyaha hay’adda U-diyaargarowga Musiibooyinka iyo Keydka raashinka ee Somaliland, Faysal Cali Sheekh.

Dr. Cumar Cali oo ah agaasimaha isbitaalka deegaanka Sallaxley oo ay maamusho wasaaraadda caafimaadka ee Somaliland, ayaa sheegay in 11 qof oo qaba dhaawacyo iyo jajab ka soo gaaray guryaha dumay hadda lagu daweynayo isbitaalka.

Kow iyo Konton guri oo ka sameysnaa jiingado, qoryo iyo dhoobo ayaa sidoo kale ku dumey dabeylaha roobku watay. 31 guri oo ka mid ah waxay ku dumeen deegaanka Sallaxley oo 80 km Koonfur ka xigta Hargeysa, waxaana qoysaskii ay guryaha ka dumeen la dejiyay dugsiga hoose-dhexe ee deegaanka oo ardaydii wax ka baranaysay ay ku maqan yihiin fasaxii sanad-dugisyeedka, waxayna ardaydu dugsiyada ku laaban doonaan bisha Agoosto ee soo socota.

Aw-barkhadlana in ilaa 10 qoys ayaa ku barakacay markii ay guryaha ka dumeen, waxayna la nool yihiin qoysas eheladooda. Waxaa sidoo kale saqafkii uu ka burburay dugsiga hoose-dhexe ee deegaanka.

Roobka iyo dabeylaha is watay ayaa sidoo kale waxyeelleeyeen qeyb ka mid ah isbitaalka Sallaxley iyo dugsiga agoomaha ee deegaanka. 18 mehrado ganacsi oo jiingado ka sameysnaa ayaa sidoo kale burburay.

Dad lagu qiyaasay 5 kun oo qoys ayaa ku nool deegaanka Sallaxley, halka tuulada Aw-barkhadle ay ku nool yihiin dad gaaraya 500, oo qoys. Dhammaan dadka ku nool labadaas meel waa xoolo-

Guddoomiyaha hay’adda U-diyaargarowga Musiibooyinka iyo Keydka raashinka ee Somaliland, Faysal Cali Sheekh, ayaa sheegay in aysan jirin wax digniino ama saadaal muujinayso in roob dabeylo wato la filan karo in waqtiyadaas ka da’ayaan deegaannadaas, taas oo keentay in dadku ay kedis ku noqoto roobka dabeylaha watay.

“Mar keliya ayaa roobkii iyo dabeylo isku kaaya qabsadeen goor salaaddii maqrib ah, markii 10 daqiiqo uu da’ayay ayuu gurigii nagu soo dumay aniga iyo caruurtii”, sidaas waxaa tiri Aamina Maxamed Ciise oo ka mid ah dadka ku dhaawacmay roobka dabeysha watay ee ka da’ay Sallaxley.

Waxay ka jabtay adinka lugta midig, markii uu ku soo dumay aqalkeeda, waxaana dabiibayaa isbitaalka deegaanka oo dadka dhaawacyada ah loogu sameeyay adeeg caafimaad oo bilaash ah. Iyada iyo saddex carruurteeda ah ayaa ku jiray aqalka xilliga uu dumayay oo ahayd markii roobka iyo dabeyluhu ay billowdeen.

Dadka barakaca ah waxaa ka mid ah qoyska Aadan Cismaan Faarax oo 10 qof ka kooban. Waxaa ka dumay guri jiingad ka sameynaa, halkaas oo uu dhaawac ka soo gaaray labo ka mid ah carruurtiisa, kuwaas oo lagu daweeyay isbitaalka deegaanka Sallaxley.

Axadda soo socota ayaa la qorsheynayaa in loo dhiso guryo si dib-u-dejin loogu sameeyo dadka ay guryaha ka dumeen ee Sallaxley iyo Aw-barkhadle, waxaana qorshahaas sib-u-dejinta ah iska kaashana hay’adda U-diyaargarowga Musiibooyinka iyo Keydka raashinka ee Somaliland, iyo maamullada deegaannadaas.

Roobabkaan dabeylaha wato ayaa yimid iyadoo dabayaaqadii bishii hore ay duufaantii Sagar ku dhufatay deegaanno ku yaalla Awdal ayaa sababay dhimashada in kabadan 40 qof. Khasaaraha ugu badan ee duufaanta wuxuu ka dhacay deegaanka Gargaara oo 20 km koonfur uga beegan degmada Lughaya. Ilaa 800 oo guri ayaa halkaas ku burburay sida uu Raadiyo Ergo u xaqiijiyay Cabdullaahi Cali Nuur oo ah guddoomiyaha Lughaya.

Afar iyo afartan kun oo neef oo isugu jira Geel iyo Ari ayay sidoo kale dishay duufaanta sida uu Raadiyow Ergo u sheegay Isu-duwaha wasaaradda xannaanada xoolaha Somaliland ee gobolka Awdal, Daahir Muuse Xuseen.

 

Previous Post

Arday badan oo xaalad waxbarasho la’aan ku wajahaya Dhadhaab

Next Post

Boorama: Haween ka faa’iideystay daweyn bilaash ah ee xanuunka isku-furanka

Related Posts

Maraakiibta ka jillaabta xeebaha Bari oo galaaftay nolol-maalmeedka qoysas badan
Cunto-Yaraanta

Maraakiibta ka jillaabta xeebaha Bari oo galaaftay nolol-maalmeedka qoysas badan

June 26, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 22, 2026
Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
Next Post
Qiimaha khudaarta oo sare uga kacay Boosaaso

Boorama: Haween ka faa'iideystay daweyn bilaash ah ee xanuunka isku-furanka

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 26-JUN-2026

IDAACADDA 26-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 26-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-JUN-2026
June 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-JUN-2026
June 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-JUN-2026
June 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-JUN-2026
June 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-JUN-2026
June 22, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo