Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Arday ku waxbarasho beelay xiristii Ifo2

Radio Ergo by Radio Ergo
June 21, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Dhadhaab: Arday ku waxbarasho beelay xiristii Ifo2

Photo| Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Arday gaareyso 11,500 oo kamid ah 16,000 oo wax ka baranayey xerada Ifo2 ee xeryaha qaxootiga Dhadhaab, gobolka waqooyi-bari Kenya ayey heysataa xaalad waxbarasho la’aan ah tan iyo wixii ka dambeeyey markii la xiray xeradan bishii May ee sanadkan.

Helitaan la’aanta waxbarasho ee ardaydan, ayaa ugu wacan tahay kaddib markii iskuullada ku yaalla xerada Ifo oo ah xerada qaxootiga ugu badan ee laga soo raray Ifo2 ay degan yihiin ay buux-dhaafeen.

22 kun oo qoys, oo laga soo raray Ifo2 ayaa intooda badan waxay degeen xerada Ifo, inkastoo ay jiraan qaar kamid ah qaxootiga oo iyaguna la dejiyey xerada kale ee Dhagaxley.

Keliya 4500 oo kamid ah ardaydii wax ka baran jirtay dugsiyada hoose/dhexe ee Ifo2 ayey u suurtagashay, in ay waxbarashadooda sii wataan oo ay ku biiraan iskuulllo ku yaalla xeryaha Ifo iyo Dhagaxley, sida uu Raadiyo Ergo u xaqiijiyey ku xigeenka madaxa waxbarashada Dhadhaab ee hay’adda Qaramada Midoobey ee qaxootiga (UNHCR), Saleebaan Yarow.

Saleebaan, ayaa sheegay in tirada hadda ku jirta fasallada labo-laab ay ka badan tahay tiradii loogu talagalay. Waxaa uu tilmaamay in ciriiriga fasallada ka sokow ay sidoo kale macallimiinta iyo agabka waxbarashada sida buugaagtu ay ku yar yihiin,

Ardayda aan fursadda u helin in ay dib ugu laabtaan waxbarashada oo dhammaantoodba ku jiray dusgiga hoose/dhexe ayaa hadda waxba baran, waxaana kamid ah laba cunug oo uu dhalay Maxamed-nuur Aadan Kosow oo ah aabaha lix carruur ah.

Wuxuu kamid yahay dadkii ka soo guuray Ifo2, wuxuu hadda degan yahay xerada Ifo. Labadiisa carruurta ah ayaa kala dhiganayey fasalka koowaad iyo labaad ee dugsiga hoose, balse haatan waa kuwo guri joog ah, oo aan weli helin iskuul. Waxaa uu sheegay in uu soo wada-arkay iskuullada Ifo, hase yeeshee ay wada-buuxaan.

3,200 oo kamid ah, ardayda waxbarashadooda sii wata ayaa ku kala biiray afar iskuul oo kamid ah siddeedda dugsi hoose/dhexe ee ku yaalla Ifo, halka 1,300 oo kalana ay ku biireen dugsiyo ku yaalla xerada Dhagaxley.

Iskuulka hoose dhexe ee Horyaal ee Ifo waa iskuulka tirada ugu badan ee ardaydii wax ka baran jirtay 10-ka iskuul ee ku yaallay xeradii la xiray  ay u soo wareegeen, waxaa dhigan jirtay 1,440 arday,  waxaana ku biiray 922 arday markii sanad-dugsiyeedka labaad ee iskuullada dib loo furay billowgii bishii May.

Cali Maxamed Shakuul, oo ah maamulaha dugsigan, ayaa sheegay in iskuulka oo ka kooban 14 fasal ay wax ka dhigaan 61 macallin, wuxuuna xusay in fasallada qaarkood ay ku jiraan wax ka badan 100 arday, iyadoo tirada loogu talagalay ugu badnaan ay aheyd 40 arday.

Ciriiriga ka jira fasallada awgeed, kuraasta loogu talagalay saddex arday ayaa hadda waxaa ku fariista shan arday, ardayda qaarkood markii ay kuraas waayeen waxay fariistaan dhulka,

“Waxaan dhisnay shan teendho oo dheeraad ah oo ardaydu fasallo ahaan ay wax ugu bartaan” ayuu yiri Cali.

Ardayda ku jirtay fasalka siddeedaad oo iyagu u diyaar-garoobaya imtixaanaadka ay ugu gudbayaan dugsiga sare ee la filayo in la qaado dhamaadka bisha Okootbar, ayaa culeyska ugu badan hadda dareemaya, iyagoo aan haysan wakhti iyo fursado ay macallimiinta wixii baahi waxbarasho oo ay qabaan kula wadaagaan iyo in ay wakhtigii loogu talagalay ku dhameeyaan manhajka maadooyinka.

Faa’isa Cabdulqaadir ayaa kamid ah ardaydaas. Waa 16 jir ah, waxay kamid aheyd ardaydii wax ka baran jirtay dugsigii hoose/dhexe ee Horseed ee ifo2, fasalka 8-aad ee  iskuulka Horyaal ayey ku soo biirtay bishii May. Waxay sheegtay in xilliga ay ku jirta fasalka aysan xitaa casharrada si fiican u fahmin oo macallinka xiisadda leh uusan ardayda oo dhan wada-gaarsiin karin hadalka, ciriiriga ka jira awgiis. 96 arday ayaa fasalkeeda dhigata.

Dhibaatada waxbarasho ee heysato ardayda qaxootiga, ayaa imaneysa, iyadoo shalay la xusay maalinta caalamiga ah ee qaxootiga adduunka oo meelaha laga maamuusay ay Dhadhaab kamid tahay

UNHCR waxay sheegeysaa, in ay ka codsatay sanduuqa xannaada carruurta ee UNICEF in ay gacan ka geystaan helista fasallo iyo macallimiin dheeraad ah, haddase si xal deg-deg loo helo ay teendhooyin dheeraad ah ka dhisayaan gudaha iskuullada, si carruurta aan weli ku noqon iskuuladii fursad loogu helo.

Previous Post

Qaniinyada abeesada oo ku badan degaanka Xagal oo ka tirsan Berbera

Next Post

Qiimaha xoolaha

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Qiimaha xoolaha

Qiimaha xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo