Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Dadkii ku barakacay fatahaaddii Beledweyne oo dib ugu noqonaya guryahoodii

Radio Ergo by Radio Ergo
June 11, 2018
in Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Dadkii fatahaadda Beledweyne ku barakacay oo bilaabay inay dib ugu noqdaan guryahoodii

PhotolKeydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) Cabdullahi Cali waa 39 jir, wuxuu qodayaa hog laba mitir ah, isagoona jiingado dhulka yaal oo gurigiisa dumay ka harayna meel ku rasaynaya, wuxu ka mid ahaa kumanaan qoys oo ku barakacay fatahaaddii Beledweyne, haddase guryahoodii dib ugu soo noqday labadii todobaad ee la soo dhaafay.

Gurigiisa uu ku soo noqday 31 May, hadda waa mid burbursan oo aan lahayn biyo, musqul, mana taalo wax alaab ahi. Wuxuu ka koobnaa laba qol iyo bersad oo jiinkad ah, wuxuu Radio Ergo uga waramay waxay kula soo noqdeen hoygiisa.

Isaga iyo qoyskiisa waxay ku sugan yihiin barxaddii guriga oo dhinacyada ka yaalaan wixii ka haray gurigii dumay, kuna yaal laanta Buulada ee xaafadda Buundaweyn, wuxuu horay uga shaqayn jiray mootooyinka bajaajta oo uu kiraysan jiray, mudadii barakaca uu ahaa uma suurto gelin inu shaqaysto, taas oo sii adkeysay nolosha qoyskiisa oo markii hore quudan jiray sadax waqti balse mudadii labada bilood aheyd ay quudan jireen hal waqti

Qoyskiisa oo ka kooban 12 qof bishii Abril ayuu ka baracay fatahaadii, wuxuuna sheegay in mudadii uu gurigiisa ka maqnaa ay dulsaar ku ahaayeen qoys kale oo ay qaraabo yihiin oo ku nool qaybta taagga ah ee aysan biyaha gaarin ee xaafadda Hawl-wadaag, ayna siiyeen qol saddex mitir ah oo ay dhamaantood wada degeen. Wuxuu sheegay in  gurigii dhexdiisa ay boholo noqdeen, sidii ceelkii oo kale ah ay ka qodmeen.

“Inaan halkaan ku soo noqdo ayaa ii dhaanta dulsaarkii aan ahaa, haddana guriga inaan isku toos toosisto oo meel carruurtu ii gasho habeenki ka dhigo ayaan rabaa” Ayuu yiri Cabdillaahi

Wuxuu sheegay in gurigiisa oo uu dib u dhisto ay u bahan yahay lacag ka badan 1500 oo dollar, uusanna heli karin. Dhinaca musuqlaha ayuu sheegaya inuu hogga uu hadda qodayo oo laba mitir ah uu si ku meel gaar ah ugu isticmaalayo musuqul ahaan, maadama intaa ka badan aan la qodan karin oo wali ay biyaha ka fogeyn dhulka.

Wuxuu sheegay intuu barakaca ahaa in dad qaraabo ah oo qurbaha jooga ay bishiiba 100 dollar u soo dirayeen.

Cabdillaahi Cabdi Magan oo ah madaxa hay’adda Save The Children ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dhibaatada daadadku gaarsiiyeen Beledweyne ay muuqanayso markii biyihii ka baxeen magalada, ayna u bahan tahay qiimayn.

“Waxaa burburay guryihii carshaanta iyo jiingadda ka samaysnaa, musqulihii, ilihii biyaha, waxbarashadii, caafimadkii, jidadkii iyo ganacsigii, inay soo kabtaanna waxay qaadanaysaa sanooyin” Ayuu yiri Magan.

Wuxuuna intaas ku daray in iyagu aysan kula talinayan in dadku dhaqso dib ugu noqdaan guryahooda, ayna magaladu u bahan tahay in la buufiyo, ceelasha biyaha iyo musqulaha la dayac tiro.

Fartuun Cabdi iyadu 30 May ayey dib ugu soo laabatay hoygeeda oo ku yaalo xaafada Kooshin gaar ahaan laanta Kutiimbo, waxay u barakacday Ceeljaale oo ah halka dadka magaladu u barakaceen. Waxay ku noolayd mudadii barakaca aqal ka samaysan karoomo, waxayna sheegtay in laba goor ay heshay gargaar raashin oo isugu jira 50kg oo bur, bariis iyo sonkor ah.

Waxay hadda ku mashquulsan yihiin gufaynta iyo kebisidda gurigeeda oo laba qol oo dhagax ah, oo biyaha hoos ka qodeen, wax alaab ahise uma dhex ool oo waxaa qaaday daadkii.

“Kartoono ayaan ku seexannaa, weel wax lagu cunno ma haysano, waxaan u bahanahay bustayaal iyo marakaneecooyin” Ayey tiri Fartuun.

Waxayse sheegtay inay ku qanacsan tahay inay isaga dhex hoyato iyada iyo lix carruur ah oo ay dhashay, odaygeedii ayey sheegtay inuu dhintay laba sano ka hor.

Saxadda ayaa dhibaatada ugu daran ee hadda ka taagan magaaladd, dadkuna waxay samaysanayaan musqulo ku meel gaar ah.

Sheekh Xuseen Cismaan oo ah madaxa arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay fatahaaddii Beledweyne  ku barakaceen 40kun oo qoys, badidoodiina hadda soo noqonayaan, iyadoo aysan jirin wax ugu imanayaan guryahoodii.

“Meesha loo barakacay ee Ceeljaale waa meel ciriiri badani ka jiro, dadku hoy kuma haystaan, taas ayaana khasbaysa inay dadka ku noqdaan guryahoodii si kastoo ay u burbursan yihiin” Ayuu yiri Sheekh Xuseen.

Dadka soo noqday ayaa sheegaya in dhibaatada kale ee soo baxday ay tahay cabirkii guryaha oo lumay, ayna isku dhex darsameen, tanoo dhalin karta muran hor leh iyo is qab qabsi ka dhasha lahaanshaha dhulka, waxaana wax yaabaha yaabka leh ka mid ah guryaha qaar oo darbiyadooda laga soo qaaday meelo u jirto ugu yaraan qiyaas ahaan 1km.

Waxaa sidoo kale dadka soo laabanaya qaar kood ay wajahen caqabado ah biyaha oo ku haray xaafadahooda sida xaafadaha Bundaweyn iyo Xaawo-taako kuwaas oo bilaabay iney dhaqaalo ay iska aruuriyaan si ay isaga saaraan biyaha, iyagoo adeegsanaya matooro bamka biyaha tuuraa ku rakiban yihiin.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in lagu noqday xaafadaha Buundaweyn, Kooshin iyo Hawlwadaag dadkii ka barakacay ku soo noqdeen, mase sheegin tiro rasmiya oo weli aan soo noqon, waxaana weli aan lagu soo noqon xaafadda Xaawo-taako.

 

Previous Post

Sheeko ku saabsan guurka xeryaha barakacayaaasha ka dhaca

Next Post

Dhegeyso Barnaamijka Dhaqtarka Raadiya

Related Posts

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
Next Post
Dhegeyso Barnaamijka Dhaqtarka Raadiya

Dhegeyso Barnaamijka Dhaqtarka Raadiya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-JUL-2026

IDAACADDA 07-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUL-2026
July 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUL-2026
July 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo