Xarrunta dhimirka Maandhaye ee magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa daawo la’aan ah tan iyo bishii Janaayo ee sannadkan, kaddib markii taageero ay ka heli jireen dad qurbo joog ah ay istaagtay. Isbitaalka waxaa hadda jiifa 15 qof oo shan ay haween yihiin. Waxaa sidoo kale ku xiran dad kor u dhaafaya 2,000 oo dawooyin iyo talooyin ugu yimaada. Warbixintan waxaa Burco ka soo diray Sidiiq Yuusuf Qalaf