Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Beeralayda Shabeelaha dhexe oo helay qalab cayayaanka ay uga hortegayaan

Radio Ergo by Radio Ergo
June 18, 2018
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Qalab cayayaanka beeraha looga hor tegayo oo la siiyey beeralayda Shabeellaha Dhexe

Qaar ka mid beeralayda Jowhar oo dhegeysanaya sanqarta qalabku bixinayo/Sawir/Maryan/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) Yacquub Buule waa 48 jir, 15 carruur ah dhalay, waa beeralay ku nool deegaanka Banaaney oo waqooyi bari 3km ka xiga degmada Jowhar, wuxuu qalab cusub oo cayayaanka looga hor tago ku xirayaa 1 higtar oo beer ah, ayna ugu beerayd geley iyo digir, ugana badbaaday fatahaaddii webiga shabeelle sameeyey bishii May  ee sanadkaan.

Intaan u badbaaday waxaa khatar ku haya cayayaan dirxi ah oo geleyda sabuulka, caleemaha iyo bulka sare ka cunaya, kuna cusub deegaanka, cayayaankaan noociisa ayuu sheegay inuu beerta ku arkay markii ugu horaysay xilligii gu’ga ee 2017.

Wuxuu sheegay in xilligaas oo ay shan higtar ugu beerayd geley, mesego iyo digir uu ka baabi’iyey cayayaanku, wuxuu sheegay inuu u maleeyey diirato, uuna u isticmalay suntii diiratada laakiin ay waxba ka tari wayday, waxbana kamuusan goosan, laguna yeeshay 13 milyan oo shillin oo ahayd lacagihii ku baxay makiinadda iyo falka.

“Dirixigaanimadaxa ayuu bar ku leeyahay, diil-diilimo ayuu leeyahay, waana ka waaweyn yahay diiratadii aan naqaanay” Ayuu yiri Yacquub.

Wuxuu sheegay inuu isku dayey dhowr goor inuu buufiyo, laakiin ay waxba ka tari wayday suntii, beertana uu si fudud ku baabi’inayo.

Qalabkaan waxaa keentay hay’adda cunnada iyo beeraha qaramadda midoobay ee FAO, wuxuuna qayb ka yahay barnaamij shan sano soconaya oo ay ku caawinayso beeralayda yar yar ee dunida si ay uga gaashaantaan waxyeelada uu geysanayo cayayaankaan oo afka qalaad lagu yiraahdo FAW (FAll Army Worm), waxayna gobolka Shabeellaha Dhexe u tababartay rakibistooda 12 qof, oo iyagu tegaya beeraha, qalabkaan waxay soo marsiisay wasaaradda beeraha iyo waraabka ee maamulka Hirshabeelle.

Amiin Muqtaar oo ka mid ah dadka loo tababaray, wuxuu sheegay inay bilaabeen inay gudaha beeraha ku rakibaan 15 bishii May ee sanadkaan.

“Qalabkaan wuxuu ka samaysan yahay waxyaabo kala gedisan, waxaa dhexda ugu jira cinjir  cod bixinaya, codka cayayaanka oo dhami wuu ku soo ururayaa,  labadii todobaadba mar in la bedelo ayuu rabayaa cinjirkas yar ee codka bixinayaa” Ayuu yiri Yacquub.

Wasiirka beeraha iyo waraabka maamulka Hirshabeelle Xasan Axmed Muuday ayaa Radiyo Ergo u sheegay in qalabkaan ay ugu tala galeen inay ku ogaadaan cayayaanka cusub ee soo gelaya Soomaaliya.

“Qalabkaani waxa aan ka rabno waxaa weeye inaan dhediga cayayaankaan cusub ku qabano, waayo wuxuu dhalaa habeenkii, ilaa 2000 oo ukumood ayuuna dhalaya, ukumahaasina waxay ku qaan gaarayaan 7 ilaa 10 maalmood, kadibna wuu dilacayaa oo beertii oo dhan ayuu baabi’inaya, si fududna beeraha kale ayuu ugu gudbayaa, isagoo habeenkii jari kara qiyaas dhan 100 km” Ayuu yiri Muudey.

Wuxuuse sheegay in cayayaankaan lagu sheegay galbeedka Afrika. Beeralayada ayaa sheegaya in cayayaankani labaddii fasal ee la soo dhaafay uu ka baabi’iyey dalagyadii ay beerteen.

Siday FAO sheegayso, cayayaankaan waa dirxi asal ahaantiisa ka yimid gobollada kulaylka ah ee qaaradda Laatiin Ameerika, waa dirxi ka roon roon diiratada, wuxuuna si ba’an u wax yeeleeyaa dalagga, siiba geleyda, marka uu iyada bur buriyana wuxuu u gudbaa dhamaan noocyada kale ee dalagyada oo ay ka mid yihiin bariiska, mesegada, qasabka iyo khudaarta kaleba. Waxaana markii ugu horaysay qaaradda Afrika lagu arkay galbeedka bishii Janaayo 2016, isagoo si fudud ugu fiday gobollada kale ee Afrika, Soomaaliya wuxuu soo gaaray xilligii gu’ga ee 2017.

Wasaaradda beeraha iyo waraabka Hirshabeelle ayaa sheegtay in qalabkaan uu ku soo wada xeroonayo  cayayaanku, ayna isagoo nool u gudbinayaan FAO si ay baaritaan ugu samayso, una ogaato sunta ku haboon ee beeralayda loo soo gudbin karo.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Previous Post

Dhageyso wararka qiimaha xoolaha ee Maanta

Next Post

Bakool: Dadkii ka barakacay abaaraha oo dib ugu laabanaya deegaanadooda

Related Posts

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 22, 2026
Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland
Beeraha Iyo Xoolaha

Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland

June 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Next Post
Bakool: Dadkii ka barakacay abaaraha oo dib ugu laabanaya deegaanadooda

Bakool: Dadkii ka barakacay abaaraha oo dib ugu laabanaya deegaanadooda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-JUN-2026

IDAACADDA 25-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-JUN-2026
June 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-JUN-2026
June 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-JUN-2026
June 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-JUN-2026
June 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-JUN-2026
June 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo