Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Cuna yari ka jirta xarunta dhimirka ee Baydhabo oo saamayn ku yeelatay bukaannada ku jira

Radio Ergo by Radio Ergo
May 11, 2018
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Cuna yari ka jirta xarunta dhimirka ee Baydhabo oo saamayn ku yeelatay bukaannada ku jira

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cuna yari ayaa soo food saartay bukaannada ku jira xarunta dhimirka ee magaalada Baydhabo, kaddib markii 30-kii bishii Maarso uu go’ay raashin ay siin jireen hay’adaha Sado, Save the Children iyo Islamic Relief. Sidaas waxaa Raadiyo Ergo u sheegay agaasimaha xarunta Aadan Cabdiraxmaan.

Agaasimaha ayaa intaas ku daray in cuna yaraanta ay keentay in bukaanada xarunta  ku jira  ay hal waqti dawo qaataan halka markii hore ay saddex jeer ay ka heli jireen. Arrintaas oo uu sheegay in ay dheeraynayso waqtigii ay ku caafimaadi lahaayeen, isla markaana xarrunta uga bixi lahaayeen.

Xarunta oo la furay 2016-kii ayaa ah xarrunta keliya ee lagu daryeelo bukaannada qaba xanuunada dhimirka ee laga kala keeno gobollada Shabeellaha hoose, Baay iyo Bakool. Waxaa hadda ku jira 150 bukaan oo isugu jira rag, dumar iyo carruur.

Aadan Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale xusay in xarunta ay yaalaan daawo ku filan bukaannada ku jira iyo waliba 78  qof oo maalin walba dawada dhimirka usoo doonta xarrunta.

Xarunta ka ayaa hadda ku tiirsan taakulayn uu ka helo qaar ka mid ah ehellada bukaanka xarrunta ku jira iyo waliba qurba joogta deegaanka. Hay’adihii horey gacanta ugu hayay ayaa xarunta siin jiray raashin isugu jira bur, bariis iyo saliid, sida uu mar kale Ergo u sheegay agaasimaha xarunta.

Bukaanada qaar ee xarrunta ku jira malahan ehelo wax u keenta, inkasta oo ay jiraan dad ehelladooda ka hela raashin si ay dawada u qaataan. Cabdullaahi Bashiir Maxamed oo walaal la ah wiil dhimirka ka xanuunsan oo xarrunta ku jira toddobo bilood iyo bar, ayaa sheegay in walaalkii uu u keeno cuno hal ama laba mar maalintii, isla markaana aanay daboolayn saddexdii waqti ee uu dawada qaadan lahaa, isaguna aanu awoodin in intaas ka badan uu u keeno.

Wuxuu sheegay in ay ahayd in bishii la soo dhaafay uu xarunta ka baxo, laakiinse markii uu waayay raashin iyo dawo ku filan uu wali u baahan yahay daryeel caafimaad oo dheeraad ah.

Halka waqti ee bukaannada xarunta ku jira ay helaan cunada ayaa ku timi dadaalo ay sameeyeen jaaliyada magaalada Baydhabo ee dalka Australia iyo ganacstada deegaanka si loo caawiyo dadka dhimirka la’ ee daryeelka u baahan. Halka daawadana ay ka helaan wasaaradda caafimaadka maamul goboleedka Koonfur-galbeed.

Wakiilka koonfurta Soomaaliya ee hay’adda Save the Children Maxamed Xaaji Aadan oo ahayd hay’addii ugu dambaysay oo muddo siddeed bilood ah gacanta ku haysay xarunta ayaa Ergo u sheegay in qorshihii ay ku caawinayeen uu dhammaaday, isla markaana aanay helin dhaqaale kale oo ay ku garab istaagaan.

Maamulka xarunta ayaa sheegay in ay baaq u direen hay’adaha gargaarka bixiya, dowlada Soomaaliya iyo ganacsatada deegaanka, laakiinse aanay weli helin ballan qaad ku aadan sidii xarrunta loo garab istaagi lahaa. Haddii xaaladda cuna yarida ah ay sidan ku sii socotona ayay  tilmaameen in ay ka cabsi qabaan in xaruntu xiranto.

Previous Post

Garoowe: Boqol qoys in ka badan oo abaaraha ku cayrtoobay oo beeralay noqday

Next Post

Cayayaan in ka badan 30 beer ku baabbi’yay degmada Afgooye

Related Posts

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo
Wararkii u Danbeeyay

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo

July 9, 2026
Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Next Post
BEERALAYDA IYO XOOLO DHAQATO KA FAA’IDAYSTAY MASHRUUC KOR LOOGU QAADAYO DAAQA

Cayayaan in ka badan 30 beer ku baabbi'yay degmada Afgooye

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-JUL-2026

IDAACADDA 09-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUL-2026
July 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUL-2026
July 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo