Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Baledweyne: Kummanaan ku barakacday fatahaada webiga Shabeelle

Radio Ergo by Radio Ergo
May 2, 2018
in Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Baledweyne: Kummanaan ku barakacday fatahaada webiga Shabeelle

Ciidamada AMISOM oo gacan siinaya dadka reer Baledweyne ee fatahaada webiga ka barakacaya/Jamaal Cali/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Roobab ka da’ay bartamaha Soomaaliya iyo fatahaad uu sameeyey webiga Shabeelle, ayaa ku khasbay 65,000 oo qoys in ay toddobaadkii la soo dhaafay ka barakacaan afarta xaafadood ee ay ka kooban tahay magaalada Baledweyen ee xarrunta gobolka Hiiraan. Dadkan ayaa badankoodu waxay u barakaceen deegaanka Ceel-jaalle oo ku yaalla duleedka bari ee magaalada. Sida uu Raadiyo Ergo u sheegay guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen.

Sagaal goobood oo laga sameeyey deegaanka Ceel-jaalle ayay maamulka gobolka oo kaashanaya hay’adaha samafalka ka qaybinayaan biyo iyo bacaha roobka celiya. Sheekh Xuseen ayaa sidoo kale Ergo u sheegay in dadka ku haray magaalada ay hay’adda Save the Children kowdii bishan qoys walba taleefanka ugu shubtay lacag dhan $80 oo loogu talo galay muddo laba bilood ah.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee (WHO), ayaa website-kooda ku sheegay in 4.5 milyan oo tan oo isugu jira dawooyin iyo qalab caafimaad ay ka qaybisay magaalada Baledweyne 29-kii bishii hore.

Waxaa jira dadaalo ay wadaan maamulka Hirshabeelle iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, sidii loo samata bixin lahaa dadka ay musiibado ku habsatay, halka ciidamada AMISOM ee ka socda wadamada Jabuuti iyo Itoobiya ay gaadiidka ciidanka ku raray dadka ku go’doomay gudaha magaalada.

Qoysaska ugu badan ee sida ba’an ay fatahaadu u saamaysay ayaa ku nool xaafadaha Buundaweyn, Kooshin, Xaawo taako iyo Howlwadaag. Qoysaskan oo markii hore rajo ka qabay in heerka biyuhu hoos u dhici doono, ayaa ku dhex go’doomay gudaha xaafadaha, kahor intaantay u gurman ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee fariisinka ku leh gobolka Hiiraan.

Adeeggii korontada ayaa magaalada dib ugu soo laabtay 24 saacadood oo la jaray 27-kii bishii la soo dhaafay kaddib markii uu ku dhintay nin waayeel ah oo ay qabsatay. Dadka ku haray gudaha magaalada ayaa waxaa ku adag helitaanka biyo nadiif ah, maadaama biyaha webigu ay dhex qaadeen musqulaha. Arrintaas oo xaaladda dadka weli ku haray meelo ka mid ah magaalada ka sii dhigtay mid adag, sida uu Ergo u xaqiijiyay Sheekh Xuseen.

Dhanka kale in kabadan 1,000 arday oo isu diyaarinayay imtixaanka sannad dugiyseedka ee dugsiga sare oo qorshuhu ahaa inuu qabsoomo 5-ta bishan oo ku beegan sabtida soo socota, ayaa ka baaqsanaya inay galaan. Kaddib markii biyuhu ay buux dhaafiyeen iskuulladadoodii. Carruurta ayaa la barakacay waalidkood kuwaas oo hadda badankoodu ku nool deegannada ka baxsan magaalada sida Ceel-jaalle.

Labadii sano ee ugu dambaysay ayuu webiga Shabeelle qalalay laba jeer oo isku xigta. inkasta oo aanu xilligaas fatahaad samayn, hadana waxaa uu saamayn ku yeeshay beeralleyda gobolka oo ay ka khasaareen dalagyadii u beernaa.

Labadii bilood ee ugu horreysay sannadkan oo webigu qalalay ayaa waxaa ku barakacay  ku dhowaad 400 oo qoys oo beerallay ah, kuwaas oo xilligan barakac ku ahaa magaalada Baledwayne, kahor intaan fatahaadu dhicin. Waxay hadda mar kale wajahayaan dhibaatada ka dhalatay fatahaada webiga iyagoo barakaca kala mid ah dadka magaalada.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen ayaa dhanka kale Ergo u sheegay in heerka biyaha ee magaalada dhex fadhiya hadda ay sidii hore ka yaryihiin, arrintaas oo sahli karta in si fudud gargaarka loogu qaybiyo dadka ku haray magaalada.

Sida ay sheegtay hay’adda cunnada iyo beeraha Qaramada Midoobay ee (FAO), fatahaadan ayaa ah tii ugu xumayd ee gobolka soo marta muddo badan. Roobabka xoogga leh iyo daadka soo rogmaday ayaa imanaya bilo kaddib, oo abaaro ka jiray  Soomaaliya ay ku barakaceen in ka badan 4 milyan oo qof, sannadkii la soo dhaafay.

 

 

 

Previous Post

170 Carruur ah oo qabto shaqooyin kala duwan si ay u maareeyaan nolosha qoysaskooda oo abaarti cayrtayso

Next Post

Dhoobley: Dhallinyaro abaaraha ka soo barakacay oo waxbarasho helay

Related Posts

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 5, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Next Post
Isticmaalka aaladaha oo dhibaato ku haya ardayda

Dhoobley: Dhallinyaro abaaraha ka soo barakacay oo waxbarasho helay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-JUN-2026

IDAACADDA 07-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUN-2026
June 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUN-2026
June 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUN-2026
June 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo