Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barnaamijka Dalandool

Somaliland: tirada carruurta isku dayaya inay tahriibaan oo kordhay

Radio Ergo by Radio Ergo
April 20, 2018
in Barnaamijka Dalandool, Wararkii u Danbeeyay
0
Tahriibka oo ku soo badanaya Somaliland

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Laba boqol oo carruur ah, da’dooduna u dhexayso 10 ilaa 18 sano jir, ayaa lixdii bilood ee u dambaysey la qabtay xuduudaha ay Soomaaliya la wadaagto wadamada Itoobiya iyo Jabuuti kaddib isku dayo tahriib oo ay ku doonayeen inay uga baxaan Somaliland. Halka 50 kale oo ka mid ah ay u suura gashay inay ka gudbaan xuduuda Itoobiya, Sida lagu sheegay diiwaan-gelin uu sameeyey xafiiska wasaaradda arrimaha qoyska iyo shaqo gelinta Somaliland.

Magaalooyinka Hargeysa, Gabiley, Burco, Berbera iyo Boorama ayaa lagu sheegay diiwaan-gelinta in ay yihiin meelaha ugu badan ee ay isku dayayaan in ay ka tahriibaan. Carruurta ayaa la qabtay iyaga oo ka tallaabaya xuduudaha, sida ay Raadiyo Ergo u sheegtay agaasimaha waaxda carruurta ee wasaaradda arrimaha qoyska Khadra Cali Cabdi.

10 maalmood ee u dambaysey waxay ciidamada booliiska iyo kuwa laanta socdaalka ay ku qabteen magaalada Wajaale ee xuduuda Itoobiya ku taalla, afar carruur ah oo ka yar 18 sano. Kaddib markey ogaadeen in waalidkood aanay ka war qabin.

Ciidamada ayaa 24 saacadood carruurta ku haya saldhigyada  si aanay uga mid noqon maxaabiista kale ee dembiyada kale loo heysto. Waalidiinta ayaa kaddib laga wacaa taleefannadooda, si ay u ugu yimaadaan. Sida uu Raadiyo Ergo u sheegay taliyaha booliiska gobolka Gabiley ee Somaliland Maxamuud Cumar Suldaan.

Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in marka waalidku la soo xiriiraan ay u sheegaan astaamaha ilmaha, iyadoo qof walba oo ka yar 18 sano oo gaari dadweyne saaran ay la hadlaan waalidkiis, si ay uga xaqiijiyaan inay ka war hayaan meesha uu joogo.

Cadar Aadan Cali oo wiil yar oo 14 jir ah oo ka mid ah waalidiinta ay ka baxsadeen carruurtu ayaa Ergo u sheegtay in bishii Nofeember ee sannadkii hore, wiilkeeda oo ay la’ayd laba maalmood iyadoo markii hore ku ogeyd iskuul, lagu wargeliyey in lagu hayo laanta socdaalka ee Wajaale. Kaddib markii ciidamadu ka qabteen isaga oo saaran gaari ka yimi magaalada Hargeysa.

Wasaaradda howlgelinta shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland ayaa tahriibta carruurta u sababaysay cadaadis ay kala kulmaan waalidka, gaar ahaan marka ay waxbarashada diidaan. Waxay sidoo kale sheegtay in saamayn ku yeelato qaar ehelladooda ka mid ah ama saaxiibo u sheega in nolol ka wanaagsan tan ay haystaan ay taallo Yurub.

Saraakiisha booliiska ayaa ka digay kooxaha dadka tahriibiya ee magaalooyinka waawayn ka abaabulaan dhalinyarada iyo carruurta tahriib doonka ah.

Carruurta ka tahriibeysa Somaliland la ogaaday laba sano ka hor, xilligaas oo la qabtay 50 carruur ah oo ka tallaabaya xuduudaha ay Somaliland la wadaagto Jabuuti iyo Itoobiya.

Previous Post

Barnanaamijka takhtarka Raadiyaha

Next Post

Dad xoolo-hoodii abaaraha kaga dhammaadeen oo beero tacbanaya sannadkan

Related Posts

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 5, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Next Post
Kismaayo: Tababar ku dhiirrigeliyay dadkii Dhadhaab ka noqday inay beerahoodii dib u tacbadaan 16 December, 2016

Dad xoolo-hoodii abaaraha kaga dhammaadeen oo beero tacbanaya sannadkan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 05-JUN-2026

IDAACADDA 05-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 05-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUN-2026
June 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo