Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barnaamijka Dalandool

Somaliland: tirada carruurta isku dayaya inay tahriibaan oo kordhay

Radio Ergo by Radio Ergo
April 20, 2018
in Barnaamijka Dalandool, Wararkii u Danbeeyay
0
Tahriibka oo ku soo badanaya Somaliland

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Laba boqol oo carruur ah, da’dooduna u dhexayso 10 ilaa 18 sano jir, ayaa lixdii bilood ee u dambaysey la qabtay xuduudaha ay Soomaaliya la wadaagto wadamada Itoobiya iyo Jabuuti kaddib isku dayo tahriib oo ay ku doonayeen inay uga baxaan Somaliland. Halka 50 kale oo ka mid ah ay u suura gashay inay ka gudbaan xuduuda Itoobiya, Sida lagu sheegay diiwaan-gelin uu sameeyey xafiiska wasaaradda arrimaha qoyska iyo shaqo gelinta Somaliland.

Magaalooyinka Hargeysa, Gabiley, Burco, Berbera iyo Boorama ayaa lagu sheegay diiwaan-gelinta in ay yihiin meelaha ugu badan ee ay isku dayayaan in ay ka tahriibaan. Carruurta ayaa la qabtay iyaga oo ka tallaabaya xuduudaha, sida ay Raadiyo Ergo u sheegtay agaasimaha waaxda carruurta ee wasaaradda arrimaha qoyska Khadra Cali Cabdi.

10 maalmood ee u dambaysey waxay ciidamada booliiska iyo kuwa laanta socdaalka ay ku qabteen magaalada Wajaale ee xuduuda Itoobiya ku taalla, afar carruur ah oo ka yar 18 sano. Kaddib markey ogaadeen in waalidkood aanay ka war qabin.

Ciidamada ayaa 24 saacadood carruurta ku haya saldhigyada  si aanay uga mid noqon maxaabiista kale ee dembiyada kale loo heysto. Waalidiinta ayaa kaddib laga wacaa taleefannadooda, si ay u ugu yimaadaan. Sida uu Raadiyo Ergo u sheegay taliyaha booliiska gobolka Gabiley ee Somaliland Maxamuud Cumar Suldaan.

Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in marka waalidku la soo xiriiraan ay u sheegaan astaamaha ilmaha, iyadoo qof walba oo ka yar 18 sano oo gaari dadweyne saaran ay la hadlaan waalidkiis, si ay uga xaqiijiyaan inay ka war hayaan meesha uu joogo.

Cadar Aadan Cali oo wiil yar oo 14 jir ah oo ka mid ah waalidiinta ay ka baxsadeen carruurtu ayaa Ergo u sheegtay in bishii Nofeember ee sannadkii hore, wiilkeeda oo ay la’ayd laba maalmood iyadoo markii hore ku ogeyd iskuul, lagu wargeliyey in lagu hayo laanta socdaalka ee Wajaale. Kaddib markii ciidamadu ka qabteen isaga oo saaran gaari ka yimi magaalada Hargeysa.

Wasaaradda howlgelinta shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland ayaa tahriibta carruurta u sababaysay cadaadis ay kala kulmaan waalidka, gaar ahaan marka ay waxbarashada diidaan. Waxay sidoo kale sheegtay in saamayn ku yeelato qaar ehelladooda ka mid ah ama saaxiibo u sheega in nolol ka wanaagsan tan ay haystaan ay taallo Yurub.

Saraakiisha booliiska ayaa ka digay kooxaha dadka tahriibiya ee magaalooyinka waawayn ka abaabulaan dhalinyarada iyo carruurta tahriib doonka ah.

Carruurta ka tahriibeysa Somaliland la ogaaday laba sano ka hor, xilligaas oo la qabtay 50 carruur ah oo ka tallaabaya xuduudaha ay Somaliland la wadaagto Jabuuti iyo Itoobiya.

Previous Post

Barnanaamijka takhtarka Raadiyaha

Next Post

Dad xoolo-hoodii abaaraha kaga dhammaadeen oo beero tacbanaya sannadkan

Related Posts

Qoysas ku xarooday Burco markii casharo xanuun badan ay ka barteen roob la’aanta
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ku xarooday Burco markii casharo xanuun badan ay ka barteen roob la’aanta

October 23, 2026
Rag qoysaskooda oo barakac ah ka saaray nolol xumo markii ay abuurteen fursado ganacsi
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Rag qoysaskooda oo barakac ah ka saaray nolol xumo markii ay abuurteen fursado ganacsi

October 21, 2026
Xoolaha u dhinta bacaha ay cunaan oo ku badanaya Guriceel iyo deegaano hoostaga
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolaha u dhinta bacaha ay cunaan oo ku badanaya Guriceel iyo deegaano hoostaga

October 20, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku cusub xeryaha Dhadhaab oo wajahaya nolol xumo iyo gargaar la’aan

October 19, 2026
Xoolo-dhaqatada Shabeellaha dhexe oo iska bixinaya dayn ay qaateen xilligii abaarta
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqatada Shabeellaha dhexe oo iska bixinaya dayn ay qaateen xilligii abaarta

October 16, 2026
Somalia live news, Somali live news, Radio Ergo news, Humanitarian news
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Galgaduud: In ka badan 100 qoys oo nolol adag uu galiyay bacaadka saamayn ku haya

October 15, 2026
Next Post
Kismaayo: Tababar ku dhiirrigeliyay dadkii Dhadhaab ka noqday inay beerahoodii dib u tacbadaan 16 December, 2016

Dad xoolo-hoodii abaaraha kaga dhammaadeen oo beero tacbanaya sannadkan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-OCT-2026

IDAACADDA 23-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-OCT-2026
October 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-OCT-2026
October 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-OCT-2026
October 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-OCT-2026
October 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-OCT-2026
October 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo