Magaalada Buuhoodle iyo tuulooyinka u dhow ayaa sadexdii bilood ee u dambeeyey laga isticmaalaa lacagta Itoobiya ee loo yaqaano Birta iyo lacagta telephone-nnada la isugu xawilo ee ZAAD SERVICE. Suuqyada iyo goobaha ganacsiga kuma arkaysid wax wata lacagta shilin Somali ah. Waxayna arintaasi sababtay saamayn dhaqaale oo siyaabo kala duwan u taabatay qaybaha bulshada gaar ahaan ganacsatada, xoogsatada iyo xoolo-dhaqatada gobolka.
Weriyaha Raadiyo Ergo ee Buuhoodle Khadar Cawl ayaa warbixintan noo soo diray.