Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Muqdisho oo laga hirgeliyay hab online ah oo lagu keydin karo xogta tabarrucayaasha dhiigga

Radio Ergo by Radio Ergo
April 5, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Muqdisho oo laga hirgeliyay hab online ah oo lagu keydin karo xogta tabarrucayaasha dhiigga

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Hab online ah oo lagu keydin karo xogta tabarrucayaasha dhiigga-bixiya ee Soomaaliya ayaa bishii Febaraayo ee sanadkan laga hirgeliyay magaalada Muqdisho. Habkan oo ku shaqeynaya mobile-da casriga ah ayaa u fududeynaya qofka isdiiwaangelinaya inuu keydiyo magaciisa oo saddexan, da’diisa, halka uu deggan yahay iyo nooca dhiiggiisa.

Ururka Samafalayaasha Dhiig-bixinta oo hirgeliyay ayay tan u fududeynaysaa inay tixraacaan, lana xiriiraan kuwa isdiiwaangeliyay xilliyada gurmadka loo baahdo. Ilaa iyo hadda waxaa habkan iska diiwaangeliyay 530 qof, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Cumar Cabdiraxmaan Cali oo wax ka aasaasay ururkan, isla markaana caafimaadka ka bartay jaamacadda Banaadir.

Shan iyo labaatan qof oo ku dhaawacmay labo qarax oo koowdii bishan iyo 29-kii bishii hore ka dhacay Muqdisho ayaa noqday dadkii ugu horreeyay ee dhiig loogu deeqay iyadoo loo marayo habkan. Waxaa dhiigga ku deeqay 15 qof oo horraantii bishii hore isdiiwaangeliyay. Dhaawacyada dhiigga lagu caawiyay ayaa lagu daweeyay isbitaallada Madiina, Digfeer iyo Daarul-Shifa.

Cabdifataax Cilmi Geedi, oo ka mid ah dadka iska diiwaangeliyay habkan, ayaa markii ugu horreysay shubay 500ml oo dhiig ah. Wuxuu sheegay in habkan uu wacyi fiican u yahay bulshada isla markaana looga gudbi karo culayskii ka jiray dhiig-bixinta. Ergo ayuu u sheegay in farriin ugu soo dhacday taleefankiisa oo uga timi habka Somali Blood Donation, looga codsaday inuu tago isbitaalka Madiina oo ay wakhtigaas la dhigay qaar ka mid ah dhaawacyadii qaraxa. Habkan ayuu sheegay inuu ka ogaaday saaxiibadiis.

Dhaqdhaqaaqa magaalada oo xaddidnaa ayaa adkeeyay inay xafiiskooda tagaan si ay buugga uga baaraan dadka u diiwaangashan, sidaas daraaddeed habkan oo telefoonnadooda ay ku maamuli karaan ayaa noqday kan keliya ee ay gurmadka ugu raadiyeen dadkii dhiigga u baahnaa.

“Adeegsiga habkan wuxuu muhiimad u leedahay badbaadinta nafta aadanaha. Annaga oo adeegsaneyna mobile-keenna waxaan xilli kasta sameyn karnaa ogeysiin dhiig iyo wacyigelin, annagoo la xiriireyna dhiig-deeqayaasha joogtada ah ee noo diiwaan-gashan,” ayuu yiri Cumar.

Wuxuu intaa ku daray in habkan uu muujiyay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin badbaadinta hooyada iyo dhallaanka, iyo dadka ay soo gaaraan dhaawacyada halista ah. Wuxuu aaminsan yahay haddii ay taageeraan hay’adaha Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya in habkan uu wax ka qaban karo dalka oo dhan.

Habkan oo lagu magacaabo Somali Blood Donation ayay si bilaash ah kula degi karaan dadka haysta telefoonnada ku shaqeeya Android-ka.

Farriimo uu ururku ka dhex diro habkan ayaa loo maraa dalbashada kaalmo-dhiig, wuxuuna isdiiwaangeliyeyaasha ku raadiyaa goobaha ay joogaan oo lagu saleynayo sida ay ugu kala dhow yihiin bukaanka ama noocyada-dhiiggooda. Qofka nooca dhiiggiisa loo baahdo waa la wacaa ama waxaa loo diraa farriin-qoraal haddii uusan markaas haysan internet oo farriinta habka loo dhex marsiiyo aysan gaarin.

Cumar ayaa xusay in habkan uu sidoo kale u fududeeyo ururka inuu tixraaco dadka dhiigga-shubay si qofka aan mar kale loola xiriirin saddex bilood gudahood. Wuxuu sidoo kale isdiiwaangeliyeyaasha u sahlaa in kaalmada dhiig ee ay bixiyeen ay la sii wadaagaan saaxiibbadood. Maaddaama dadka howsha wada ay dhaqaatiir yihiinna waxay mararka qaar habkan ka dhex diraan farriimo wacyigelin caafimaad ah.

Sida uu sheegay Cumar, qofka dhiiga laga shubayo waa inaan miisaankiisu ka yarayn 60kg, isla markaana aan horay laga isticmaalin dhiiga ilaa baaritaan guud la mariyo lana hubiyo badqabkiisa.

Mutaddawiciinta dhiigga-deeqa ayaa markii hore farriimo dhiig-dalbasho ah ku qori jiray bog ay ku leeyihiin Facebook. Sidoo kale dad isdiiwaangeliyay ayay noocyada dhiiggooda iyo xiriirradooda ka baari jireen buug xafiis u yaalla tan iyo markii la aasaasay Nofeembar 2015. Waxaa buugga ugu qoran 9,000 oo qof. laakiin habkan cusub ayay sheegeen in uu u fududeeyay howlahooda samafal.

Previous Post

Qiimaha Xoolaha

Next Post

Dhadaab: Kiisaska kufsiga oo kor u kacay

Related Posts

blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Dhadaab: Kiisaska kufsiga oo kor u kacay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-JUN-2026

IDAACADDA 04-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-MAY-2026
May 31, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo