Ilaa 4 kun oo qoys oo ku nool dhulalka miyiga ah eek u xeerah deegaanka Bitaale oo Gaalkacyo u jira 40 km ayaa marki hore dhibaato ku qabay inay helaan biyo kufilan. Meesha kaliya ee dadkaas ay biyaha ka helaan waah al cee loo ku yaalla Bitaale.
Marki hore waxay ku bixin jireen lacag, biyaha ay cabayaan iyo waraabka xoolaha. Hadase waa bilaash, tan iyo markii ceelka la saaray soolarka cadceedda ku shaqeeya bartamihii bishii la soo dhaafay. Weriyaheenna Gaalkacyo Jibriil Cismaan Cilmi ayaa warbixintaan ku faahfaahinaya.









