Qoysaska danyarta ah ee ku nool magaalada Laascaanood, qaar kamid ah waxay noloshooda ku tiirsan tahay shaqada ay u soo qabtaan carruurtooda. Oo waxay quutaan lacagaha ama dhaqaalaha ay carruurtu ka soo helaan shaqooyinka ay qabtaan.
Ilaa 30 qoys ayaa ku tiirsan gabdhahooda oo shaqeeya, waxay gabdhahaas oo aan gaarin 15 sano ay aruuriyaan biraha haraadiga ah, oo si bilaash ah ay ku soo helaan, kaddibna ay iib geeyaan. Lacagta ka soo gasha waxay ku biilaan qoysaskooda, sida uu warbixintaan inoogu soo diray weriyaha Ergo ee Laascaanood Faarax Dubad.










