Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Boqollaal arday oo ku waxbarasho beelay colaad u dhexaysa laba beelood

Radio Ergo by Radio Ergo
March 9, 2018
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Boqollaal arday oo ku waxbarasho beelay colaad u dhexaysa laba beelood
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Ku dhowaad 650 arday oo 227 ay gabdho yihiin ayaa waxbarasho la’aan ku ah deeggaanka Darar-weyne oo qiyaastii 125 km Koonfur-galbeed uga beegan magaalada Ceergaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Hal dugsi sare iyo lix iskuul oo hoose-dhexe ah ayaa xirmay kaddib muddo ka badan laba bilood  oo halkaas ay ka taagntahay colaad u dhexaysa laba beelood.

Ardayda qaar ayaa hadda xoolo-raacato u ah qoysaskooda oo awoodi waayay inay deegaanka ka barakacaan arrimo dhaqaale dartood.

Qoysaska ay ardaydan ka soo jeedaan oo deggenaa tuulooyinka Garab-cad, Xamilka, Beerwaafo, Siigodheer iyo Dhaba-mamac  ayaa u barakay dhulka miyiga ah oo ka fog meelaha lagu dagaalamay iyo xeryo dadka abaarta ku cayroobay ay deggan yihiin oo koonfur uga beegan Darar-weyne. Qaar kale ayaa u barakacay magaalooyinka Ceergaabo iyo Ceelafweyn.

Ibraahim Axmed Yuusuf oo 25 jir ah, wuxuu ahaa arday dhigta fasalka koowaad ee dugsiga sare ee Darar-weyne, hadda wuxuu 20 ari ah oo ka haray 150 neef oo qoyskiisu dhaqan jireen abaarta ka hor ku raacaa baadiyaha Darar-weyne oo uu ehelkiisa ula barakacay. Qoyskiisa oo noloshoodu ku tiirsan tahay xoolaha uu maalin walba raaco, ayaan awoodin in Ibraahim ay meel kale waxbarasho ugu diraan.

Afar gabdhood iyo saddex wiil oo la dhalatay Ibraahim isla markaana dhigan jiray dugsiga hoose/dhexe ayaa hadda guriga jooga iyaga oo  waxbarasho  la’aan ah. Waalidkood ayaa ka walaacsan saamaynta ay colaadu ku yeelatay ubadkooda oo hadda wajahaya mustaqbal madow.

Isu-duwaha waxbarashada ee tuulada Darar-weyne Faarax Aadan Xirsi ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in iskuulkii carruurtu dhigan jireen ay hadda degan yihiin ciidanka Somaliland ee ku kala dhex jira labada beel ee dirirtu u dhexayso. Ciidanka oo deegaanka yimi dhammaadkii 2017 kii ayaa degay iskuulka. Agaasimaha ayaa sheegay in agabkii dhex yaallay iskuulada ay burbureen oo haddii colaado istaagto loo baahnaan doono in dib loo iibiyo buugaagtii iyo koraastiiba.

Tuulada Darar-weyne ee laga barkacay ayaa waxaa ku haray 350 qof oo dumar iyo carruur isugu jira. Qoysaskan ayay noloshoodu ku tiirsan tahay xoolaha nool.

Aamina Yuusuf Maxamed oo ka mid ah qoysaska wali ku haray Darar-weyne, siddeed carruur ah oo ay dhashay ayaa lix ka mid ah u dhigan jireen iskuulka. Wiil ka mid ah carruurteeda oo ay u dirtay magaalada Burco colaada kaddib ayaa hadda dhigta dugsiga sare ee Shiikh Ibraahim. Colaadii kahor ayuu dhigan jiray fasalka labaad ee dugsiga sare ee Darar-weyne.

Waxay sheegtay in carruurta intii kale ay hadda kula noolyihiin tuulada. Mana jirto waxbarasho ay ku haystaan. Aabohood oo fuundinimo uga shaqaysta degmada Ceel-afwayn oo 60 km u jirta Darar-weyne ayay noloshoodu ku tiirsan tahay.

Colaada ayaan ku koobnayn ardayda oo keliya, waxayna sidoo kale saamayn ku yeelatay macallimiintii iskuullada deegaanka.  19 macallin oo wax ka dhigi jiray shanta iskuul ee ku yaallay deegaanka Darar-weyne ayaa hadda camal la’aan ah. Qoyaskoodii ayayna ula barakaceen meelo ka baxsan halka ay colaadu ka jirto.

Previous Post

Barnaamijka gobaad

Next Post

Aaladaha Casriga iyo amaanta gabdhaha, oo suugaan jacbur ah laga sameeyay

Related Posts

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero

April 24, 2026
Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 24, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Next Post
Nin beeraly ah oo ka waramay habkuu u beerto shinida

Aaladaha Casriga iyo amaanta gabdhaha, oo suugaan jacbur ah laga sameeyay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 26-APR-2026

IDAACADDA 26-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 26-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-APR-2026
April 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-APR-2026
April 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-APR-2026
April 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo