Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Xoolo-dhaqato ay biyo-la’aan daran ku haysato Sool oo ay u soo naq-raaceen deyrtii hore

Radio Ergo by Radio Ergo
February 21, 2018
in Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Tamarta cadceeda oo loo isticmaalayo biyo-dhalin

Keydka sawirrada/Dad iyo xoolo ka cabaya biyaha tamarta/Muxyadiin Xusni/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Kumannaan qoys oo xoolo-dhaqato ah ayay muddo toddobaadyo ah biyo-la’aan daran ku haysataa tuulooyin ku yaalla koonfurta gobolka Sool. Dhulkan oo hawd ah waxaa bishii Nofeember ee sanadkii hore si wanaagsan uga da’day deyrta, taas oo soo jiidatay xoolo-dhaqato hayaan uga yimid gobollo kala duwan. Tan ayaa sababtay in muddo kooban lagu dhameysto biyihii berkadaha galay, waxaana dadkan ku adag inay iibsadaan biyaha keliya ee hadda la heli karo oo ah kuwo laga ganacsado.

“Ilaa lix barkadood ayaan shalay isu maray hal mid oo ay wax [biyo] ku jiraanna ma arag,” ayuu yiri Ibraahim Maxamuud oo ah 50 jir wata 50 ari ah oo aan biyo cabin 12 maalmood. Wuxuu bishii saddexaad joogaa miyiga deegaanka Candha-lule oo 55 km u jira Laascaanood. Wuxuu Raadiyo Ergo telefoonka ugu sheegay in qoyskiisa oo ka kooban toddobo qof iyo xoolihiisaba ay harraad la ildaran yihiin.

Xoolo-dhaqatada deyrtii u soo hayaantay dhulkan ayaa ka kala yimid gobollada Nugaal, Bari, Sanaag, Sool iyo Mudug oo ay abaartu saameysay. Cabdalle Xirsi Jaamac oo ah isu-duwaha gobolka Sool ee hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha Somaliland ayaa tirada xoolo-dhaqatada soo barakacay ku qiyaasay 15,000 oo qoys. Wuxuu xusay heerka biyo-la’aanta iyo dhibaatada ka dhalatay inay daran tahay oo aanay iyagu waxba ka qaban karin.

Deegaannada ay dadka isugu yimaadeen ee kala ah; Dhumay, Kalabeydh, Dabataag, Candha-lule iyo Gumurka ayay weli xooluhu ka heli karaan daaq, taas oo qasbeysa inay ku sii negaadaan, maaddaama dhulka ay ka soo barakaceen ay weli abaartu ka taagan tahay. Hase yeeshee waxa ay xoolo-dhaqatadu ka cabsi qabaan iyaga iyo xoolaha u harayba inay harraad u dhintaan.

Deegaanka uu Ibraahim ka soo barakacay oo miyiga degmada Badhan ee gobolka Sanaag ah wuxuu 270 km u jiraa meesha uu hadda joogo. Afar sano oo ay abaarta ka jirto halkaas waxaa daaq la’aanta iyo harraadka uga dhintay 400 oo ari ah.

Qoyskiisa iyo saddex kale waxay saddex bil ka hor $1,300 oo ay soo amaahdeen ku soo wada kireysteen hal baabuur si xoolahooda oo abaartu ay tabar-darreysay ugu helaan daaq iyo biyo. Inkastoo uu dhulku aad u kala fogyahay, haddana markii ay maqleen in roob ka da’ay ayay soo aadeen si ay u badbaadsadaan xoolaha u haray.

Biyaha ganacsiga ah oo booyado looga keeno meelo u jira in ka badan 70 km oo uu ka mid yahay durdurka Laascaanood ayaa fuustadii la iibiyaa lacag u dhiganta $6. Reer miyiga oo sida keliya ee ay dhaqaale ku heli karaan ay tahay inay iib u helaan xoolahooda ayay ku adag tahay inay biyahaas iibsadaan. “Xoolahu iib malaha. Kuwaan wadanno cidi eegi mayso oo waa caato,” ayay tiri Caasha Jaamac Mahad oo haysata siddeed carruur ah.

Waxaa ka dhamaaday 20 litir oo biyo ah oo saddex maalin ka hor ay ku caawisay booyad waddada mareysay oo ay bariday. Waxay sheegtay inay la cabeen saddex qoys oo kale. “Caawa wax aan carruurta siiyo ama cunto ugu kariyo ma haysto,” ayay tiri. Ari dhan 43 neef oo ay la timid deegaanka Gumburka ayay tilmaantay inay daajiso habeenkii oo keliya maalintiina ay ka ilaaliso qorraxda si aysan harraadka ugu dhiman, maaddaama ay yihiin xoolo soo maray abaar adag oo aad u tabar-daran.

Xoolo gaaraya 360 ari ahaa ayaa abaarta uga dhintay intii aysan ka soo barakicin deegaanka Xingalool oo qiyaastii 130 km u jira Ceerigaabo.

Dhulkan ceelal kuma yaallaan, biyaha barkadaha gala xilli roobaadyada ayaa ah kuwa keliya ee ay dadku helaan, hase yeeshee waa dhul keydmo ah oo mar kasta oo ay xooluhu xilli kasta daaq ka heli karaan.

Previous Post

In kabadan boqol qoys oo ku noolaa Dhadhaab oo shalay dib ugu laabtay Soomaaliya

Next Post

Qaxooti dib ugu laabtay Soomaaliya kaddib sanad ay hakad ku jireen

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Qaxooti dib ugu laabtay Soomaaliya kaddib sanad ay hakad ku jireen

Qaxooti dib ugu laabtay Soomaaliya kaddib sanad ay hakad ku jireen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo