Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxooti dib ugu laabtay Soomaaliya kaddib sanad ay hakad ku jireen

Radio Ergo by Radio Ergo
February 21, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Qaxooti dib ugu laabtay Soomaaliya kaddib sanad ay hakad ku jireen

File/Axmed Yogol/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Dad gaaraya 317 qof oo ka mid ah qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Dhadhaab ee Waqooyi-bari Kenya, ayaa shalay dib ugu noqday gobolada Jubooyinka. Qof walba oo dadkan ka mid ah ayay hay’adda UNHCR siisay lacag dhan 200 oo doolar halka kuwa baahiyaha gaarka ah qabana la siiyay 230 doolar.

Dib-u-noqoshada qaxootiga oo ku timi rabitaankooda ayaa hakad ku jirtay tan iyo bishii afraad ee sanadkii lasoo dhaafay.

Qaxootiga hadda dib-u-laabanaya ayaa sii maraya dhulka iyaga oo ka raacaya Dhadhaab basas ay kharashkooda bixisay Qaramada Midoobay. Marka ay tagaan Dhooblay oo ku taalla xuduuda ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya ayaa qof walba wuxuu kasii aadayaa halka uu deegaan ahaan ka soo jeedo.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay shalay hay’adda Amnesty International, dhammaadkii bishii Nofeember ee sanadkii lasoo dhaafay, ku dhowaad 5,400 oo ku nool xeryaha Dhadhaab ayaan diiwaan gashanayn. Qaar ka mid ah ayaa dib ugu noqday Soomaaliya, halka kuwa kalena ay ku soo laabteen xeryaha.

Amnesty oo soo xiganaysa hay’ad Kenya laga leeyahay oo kormeer ku samaysa isu-socodka xuduuda ay labada dal wadaagaan ayaa sheegtay in sanadkii lasoo dhaafay ee 2017 oo keliya, in ka badan 24,000 oo qof ay ka soo gudbeen xadka ay Kenya la wadaagto Soomaaliya. Dadkaas intooda badan waxay ka qaxeen amni-darro iyo abaaro.

Qaxootiga aan diiwaan-gashanayn ayaan fursad u helin adeegyada ay bixiyaan hay’aduhu; sida raashinka iyo daawada. Waxay gacan ka helaan dadka diiwaan-gashan ee xerada kula nool oo laftoodu aan helin gargaar ku filan. Barnaamijka cunnada adduunka ee WFP ayaa bishii Oktoobar ee sanadkii lasoo dhaafay dhimay raashinkii ay siin jireen qaxootiga.

Dadka aan diiwaan-gashanayn ayaa khatar ugu jira in la xiro ama dib loogu celiyo Soomaaliya. Bishii Janaayo ee lasoo dhaafay ayay Amnesty waxay sheegtay in 31 dhalinyaro Soomaali ah la xiray, kadib markii lagu eedeeyey in ay  si sharci-darro ah ku joogaan Kenya.

Previous Post

Xoolo-dhaqato ay biyo-la’aan daran ku haysato Sool oo ay u soo naq-raaceen deyrtii hore

Next Post

Burco: Dadka abaaraha ku cayrtoobay oo ay ku badanayaan xanuunada dhimirka

Related Posts

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

September 23, 2026
In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Next Post
Burco: Dadka abaaraha ku cayrtoobay oo ay ku badanayaan xanuunada dhimirka

Burco: Dadka abaaraha ku cayrtoobay oo ay ku badanayaan xanuunada dhimirka

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 24-SEP-2026

IDAACADDA 24-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 24-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-SEP-2026
September 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-SEP-2026
September 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo