Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Wareysi: Xoolo-dhaqato-beeralleyda Gebilley oo roobab yaraantu ay saameysay

Radio Ergo by Radio Ergo
February 11, 2018
in Beeraha Iyo Xoolaha
0
Wareysi: Xoolo-dhaqato-beeralleyda Gebilley oo roobab yaraantu ay saameysay
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Xoolo-dhaqato-beeralleyda ku nool deegaanka Geed-balaadh, oo 250km u jira degmada Gebilley ee gobolka Waqyii-galbeed ee Somaliland ayaa ka cabanaya roob ayraanta oo saameyn ku yeelatay. Maxamed Cabdisamad Qalinle oo ka mid ah xoolo-dhaqato-beeralleydaas oo Ergo lasoo xiriiray ayaa uga warramay xaaladdooda.

Maxamed: Xaaladda deegaanku aad bey u adagtahay, dadka ku noolna waa xoolo-dhaqato-beeralley oo waa dad ku tiirsan dhanka xoolaha iyo beeraha, waxayna wax beertaan xilliga Guga. Xilliyadii roobabku da`ayeen annaga nooma di`in, badanaa dadka deegaanka waxay u guureen Kilinka shanaad ee Itoobiya.

Ergo: Ma sanadkan dhexdiisaa, inta aysan roobabku idiin di`in?

Maxamed: Haa waa sanadkan dhexdiisa, oo aan abaar xooggan dareennay. Laakiin intii ka horreysan beeraha ayaa inoo soo go`i jiray oo xooluhu balka ayay inoo cuni jireen. Laakiin hadda balkii ay xooluhu xilliga jiilaalka inoo cuni jireen nooma bixin. Xoolaha waxaa ku dhacay xanuunno, marka dhibkeennu waa roob yaraan.

Ergo: Adiga maxaa dhib ah oo kusoo gaaray, ma inoo sharxi kartaa?

Maxamed: Tiro xoolo ah baa iga le`day. Xilliga aan ku talo-gali jirnay beeraha oo aan wax beeran karin, sababtoo ah roob ma jiro.

Ergo: Markaad dadka deegaanka eegto, dhibaatadan ma wada saameysay?

Maxamed: Xooluhu waa isku wada mid oo abaartu way wada heysaa, sidoo kale xanuunno ayaa inooga dhacay ariga oo laayay. Inkastoo markii dambe ay koox caafimaadka xoolaha oo ka socda maamulka Somaliland ay inoo yimaadeen oo la daweeyay.

Ergo: Waxaad ii sheegtay in dadku ay qaarkood u guureen Kilinka shanaad, meeqo KM ayay idiin jirtaa xadka?

Maxamed: Labada dhinacba waan u dhaxeynaa, Somaliland iyo Itoobiya, marka xadka bartankiisa ayaan ku nool nahay.

Ergo: Dhanka biyaha ka warran?

Maxamed: Biyo la`aanta waxaa inooga darneyd abaarta. Hadda aad ila hadleyso roob baa bilowday oo inoo da`aya. Laga bilaabo bishii March ee sanadkan maanta ayaa inoogu horreysa roob inoo da`a.

Ergo: Roobabkan hadda idiin da`aya, ma fileysaan inay baahidiinna kaafiyaan?

Maxamed: Ma ogi inay roobkani noqon doono mid sii socda. Hadduu maalmahan inoo da`o, waa laga yaabaa inuu nagu filnaado.

Ergo: Waxaad ii sheegtay inaad tihiin xoolo-dhaqato-beeralley, ma balka keliya ayaad xoolaga u beertaan, mise dalagyo kale ayaad beerataan?

Maxamed: Laba qaab ayaan wax u beerannaa. Midna waa bal aan xoolaha u beerno oo xilliga jiilaalka ay inoo cunaan, qaybna waxaan ku beerannaa dalagyada sida khudaarta iyo digirta oo aan suuqa u iib geyno.

Ergo: Xaggee u iib geysaan dalagyadaas?

Maxamed: Waxaan u iib geynaa Hargeysa, Wajaale, Boorame, iyo Gebilley.

Ergo: Cudurro idinkaga dhacay ma jiraan dalagyadaas aad beerataan?

Maxamed: Haa way jiraan, gaar ahaan yaanyada. Annaga lix bilood ayaan wax beerannaa, saddexdii bilood ee sanadka ugu horreysa wax ma beeran roobab la`aan darteed. Saddexdii bilood ee ugu dambeysayna waxaa ku dhaca wax la yiraahdo dhaxan, oo geedkii soo baxaba qallajineysa, marka sanadkan nooma soo go`in wax khudaar ah.

Content retrieved from: https://radioergo.org/old/blog?1732.

Previous Post

Wax soo saarka beeraha galleyda iyo Khudaarka oo kordhay

Next Post

Taariikhda haweenka Soomaaliyeed yay kula tahay in lagu qoro Wikipedia

Related Posts

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 22, 2026
Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland
Beeraha Iyo Xoolaha

Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland

June 16, 2026
Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
Taariikhda haweenka Soomaaliyeed yay kula tahay in lagu qoro Wikipedia

Taariikhda haweenka Soomaaliyeed yay kula tahay in lagu qoro Wikipedia

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-JUL-2026

IDAACADDA 09-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUL-2026
July 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUL-2026
July 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo