Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysaskii ay abaaraha soo barakiciyeen oo dhul laga siiyay Xaarxaarka, Mudug

Radio Ergo by Radio Ergo
February 14, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysaskii ay abaaraha soo barakiciyeen oo dhul laga siiyay Xaarxaarka, Mudug

Daado Xasan oo meesha dhulkeeda cusub wareysi ku siineysa weriyaha Ergo/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Dad gaaraya 380 qoys oo ku noolaa xeryaha lagu barakacay ee deegaanka Xaarxaarka oo 10 km koonfur ka xiga Gaalkacyo ayaa tan iyo bartamihii bishii hore u guuray dhul bannaan oo loogu deeqay. Qoysaskan oo ah reer-miyigii abaaraha ku xoolo-beelay oo aan rajo ka qabin inay dib u noqdaan ayaa dhulka la siiyay ka dhistay aqallo ka sameysan geedo iyo baco la isku xiray. Laakiin sida uu noo sheegay maamulka deegaanka qorshuhu waa in qoyskiiba qeybtiisa looga dhiso labo qol iyo musqul.

Duruufo dhinaca hoyga ka haystay ayaa sababay inay dadkan sugi waayaan inta mashruuca guriyeynta ah looga dhameystirayo. Ilaa 30 qoys oo ka tirsan waxaa si khasab dhulkii ay deggenaayeen uga saaray dadkii lahaa, qaarka kalena waxaa isugu darmay cadaadis joogto ah oo ay milkiileyaasha dhulka kala kulmeen iyo ciriiri xeryaha ka jiray.

Cabbirka qoyskiiba ku soo aadaya wuxuu u dhigmaa $200 marka la eego qiimaha xilligan ee dhulalka Xaarxaarka.

Daado Xasan Axmed oo ka mid ah dadka ka faa’ideystay fursaddan, waxay ku faraxsan tahay inuu soo dhamaaday welwelkii ay ka qabtay inay ku dhacdo hoy-la’aan mar haddii ay degtay dhul ay iyada iyo qoyskeeda oo lix qof ka kooban u madax-bannaan yihiin. Waxay ka mid tahay dad halkan soo degay labo toddobaad ka hor, kaddib markii la siiyay warqado u oggolaanayay inay soo guuri karaan, isla markaana caddeynaya in dhulka lagu wareejiyay.

Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay muddo labo sano ah oo ay deegaanka barakac ku ahayd in lagu khasbay inay ka guurto saddex xero oo kala duwan. Hadda laakiin waa qoys ka mid noqonaya dadka deegaanka.

Deegaankan cusub oo loo bixiyay Daryeel waa meel aad ugu dhow ceelka riigga ah ee Xaarxaarka. Agaasimaha arrimaha bulshada ee dowladda hoose ee Gaalkacyo, Muxyadiin Yuusuf Samatar ayaa noo sheegay in deegaanka ay biyo-gelin ka sameysay hay’adda Qatar Charity. Haan biyaha u keydisa iyo tubbo xilli kasta socoto oo ay si bilaash ah uga dhaansan karaan ayaa dadka loo diyaariyay.

Wuxuu xusay in dadka barakaca ku ah deegaanka ay gaarayaan ilaa sagaal kun oo qoys, hase yeeshee ay si gaar ah u soo xuleen boqollaalkan oo ah kuwii ugu darnaa ee aan rajo dambe ka qabin ku noqoshada noloshii miyiga. Guddiga Qaxootiga ee Norway (NRC) ayuu sheegay in uu maamulkooda ka caawiyay dib-u-dejinta dadkan iyo in loo sameeyo dukumiintiyo.

Saciido Nuur Axmed oo NRC u qaabbilsan raadinta macluumaadka iyo la-talinta dhinaca sharciga ayaa sheegtay in kaalintooda ay ahayd xaqiijinta inay dadku helaan caddeymaha milkiyadda dhulka oo ay bixiyeen dhaqaalaha ku baxaya subarloogooyinka, inkastoo uu maamulka taas la sugayo guriyeynta kama dambeysta ah. Waxay kaloo ku lug lahaayeen sida ay xustay soo xulista ka faa’ideystayaasha saxda ah.

Saciido ayaa xaqiijisay inkastoo aanay faahfaahin in ay sidoo kale gacan ka geysteen 350 qoys oo kale oo dhul laga siiyay waqooyiga Gaalkacyo. Waxay tilmaantay in milkiyadda dhulkan ay dadka siin doonto xuquuqda aasaasiga ah ee lahaanshaha, sida inay sii iibsan karaan, kireysan karaan ama sida ay doonaan ay u dhisan karaan.

Xaarxaarka oo ay ku yaallaan 12 xero oo kuwoodii ugu horreeyay ku aasaasmay dagaalladii Gaalkacyo ee 2015 ayaa ah deegaanka ugu weyn ee ay isugu yimaadeen dadka ka soo barakacay abaaraha gobolka Mudug. Sida uu maamulka deegaanka noo sheegay waxaa gargaar lacag iyo raashin isugu jira bil kasta ka bixiya hay’ado ay ku jiraan ICRC, WFP iyo Cesvi.

Previous Post

Boqollaal qoys oo barakac ahaa oo dhul laga siiyay Xaarxaarka

Next Post

Xerada qaxootiga IFO 2 ee Dhadhaab oo la xirayo dhammaandka bisha dambe

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post
Waxbarashada ardayda qaxootiga

Xerada qaxootiga IFO 2 ee Dhadhaab oo la xirayo dhammaandka bisha dambe

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-OCT-2026

IDAACADDA 08-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-OCT-2026
October 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo