Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Guddi qaxootiga Dhadhaab ah oo u kuurgalay nolosha dadkii dib loogu celiyay Baydhabo

Radio Ergo by Radio Ergo
February 19, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Guddi qaxootiga Dhadhaab ah oo u kuurgalay nolosha dadkii dib loogu celiyay Baydhabo

File photo/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Hoggaamiyeyaasha dadka qaxootiga ah ee ku jira xeryaha Dhadhaab ee Kenya ayay hay’adda UNHCR u fududeysay socdaal ‘Booqo oo soo arag ah’ oo ay ku tageen Muqdisho iyo Baydhabo oo koonfurta Soomaaliya ah. Hay’adda ayaa sheegtay ujeedka inuu ahaa in qaxootiga lagu wargeliyo xaaladda ka jira gudaha Soomaaliya si ay go’aan xog-ogaalnimo leh uga qaataan haddii ay noqonayaan iyo haddii kale.

Ku dhowaan 40 hoggaamiye oo qaxootiga Dhadhaab ka tirsan ayaa ka qeybqaatay safarka oo ay ku galeen diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay. Waxay dhinacyo badan warbixin ka siiyeen qaxootiga xeryaha ku jira xilligan. Hadda waxaa Dhadhaab ku nool qaxooti lagu qiyaaso 230,000 oo Soomaali ah. Ilaa 18,000 oo ka tirsan ayaa iska diiwaangeliyay mashruuca lagu caawinayo dadka iskood u noqonaya ee ay hoggaamiso UNHCR.

Mursal Maxamed Cabdulle oo hoggaamiyeyaashaas ka mid ah, 12 sano ayaa ugu dambeysay Baydhabo. Weriyaha Ergo Maxamed Xasan oo khadka telefoonka kula xiriiray isagoo jooga xerada uu ku nool yahay ee Xagardheer ee Dhadhaab ayaa wax ka waydiiyay waxa uu ku soo arkay magaaladiisii hore.

Mursal: Waxay ahayd xagga nabadgelyada, caafimaadka, waxbarashada, nolosha dadki halkan ka noqday, meesha la dejiyay, cuntadooda, waxa loo qabtay iyo deegaanka sida uu yahay ayaa naloo diray. Waxaan ahay guddi xaqiiqo-raadin ah.

Ergo: Tiro intee la eg oo dadkii Dhadhaab ka noqday ah ayaad Baydhabo kula kulanteen?

Mursal: Dadki la soo celiyay oo halkan ka noqday ayaan u tagay. Waxaa naloo geeyay qolo 100 guri loo dhisay. Dadku wuu badan yahay, laakiin kuwaas hal qol ayaa loo dhisay. Laakiin dhulka iyaga ayaa gatay, lama siinin. Dhaqaalihii halkan laga siiyay bay ku gateen. Beledka geeskiisa waaye, gudihiisa ma goyn karaan. Way iska fiicnaayeen, nin walba qol baa loo dhisay, gurigana isaga ayaa iska leh oo ku qoran warqadda lahaanshaha, cidna ma siinin.

Dhaqaale ayaa la siiyaa ninka halkan ka noqda. Kaarkooda haddii uu yahay tobanle, halkan waxaa nafarkiiba la siiyaa $200. Nooliga baabuurka ama diyaaradda ayaa laga gooyaa. Xagga marka ay tagaanna nafarkiiba $200 oo kale ayaa la siiyaa. Marka haddii uu tobanle yahay $4,000 ayuu helayaa oo ay $500 ka go’eyso. Meesha [dhulka] ay deggan yihiin oo magaalada geeskeeda ah waa $2,000. Marka ay gataan ayay dowladda hoose sabarloogo u sameyneysaa. Markaas ayay ula tagayaan UNHCR oo u dhiseysa hal qol oo jiingad ah. Kuwo aad ugu faraxsan waan aragnay, waxay ka cabanayaan biyo-la’aan.

Ergo: Dadka Baydhabo ku noqday way ka badnaayeen boqolkaa. Intii kale xaggey jiraan baa la yiri?

Mursal: Waa runtaa, Baydhabo way waynaatay. Mowqifkeenna annaga waxaan saareynay dadka barakacayaasha ah, dhulka; deegaan ahaan, abaartiisa, nabadgelyadiisa iyo waxbarashadiisa. Annaga boqolkaas guri maalintaas waan ka badan waynay, beledka afartiisa gees bay deggan yihiin. Kuwo kalena sidaas oo kale way noo yimaadeen oo dad aan halkan isla deggeneyn oo geesta kale degay way ii yimaadeen. ‘Qolo nasiibkooda guri helay way jiraan’ ayay yiraahdeen. ‘Qolo aan weli helinna way jiraan’.

Marka aan meesha fiirinnay waddan soo kabanaya ayuu u ekaa. Haddii Baydhabo la dhaafo bannaankeeda ammaankeeda ma sugna. Dadkii halkan ka noqdayna dad iska normal ah oo wax helay way jiraan oo tababarro la siiyay. Dadkii guryaha meesha ku lahaa ayaa horta nolosha u fiican, [lacagtii la siiyay] bajaaj bay qaar ku gateen, qaar baabuur taksiyo ah ayay gateen, qaar ay dameer iyo gaarigiis u goysayna way jiraan oo qoryaha ka doonta nolosha.

Lix bilood waxaa la siinayay [taageero nololeed] ‘Papa Chakula’, haddii ay ka dhamaatana shaqooyin cunto ku beddelesho ah, sida waddooyinka la sameynayo, ceelalna way qodanayeen, laakiin dhulka abaar baa ka jirtay iyo biyo-la’aan.

Ergo: Waxaa jira dad lagu caawiyay dib-u-noqoshada oo haddana xeryaha Dhadhaab mar kale ku soo noqonaya. Dadkaas maxay yihiin?

Mursal: Waa runtaa, aad iyo aad annagaba way nala joogaan. Kuwo Baydhabo oon iyo gaajo kala kulmay oo hayn waayay ayaa jira. Sidee ayaad ku noolaaneysaa haddii muruqaaga keliya ku noolow lagu yiraahdo? Xoogaa way dhibeysaa, waxay u barteen sidii gacanta looga hayn lahaa.

Ergo: Ma soo aragteen dad qaxootinnimada ka reystay oo dhaqaale fiican sameeyay?

Mursal: Haa, dad aan aniga waydiiyay oo ehel aan nahay ama daris aan ku ahayn Xagardheer ayaa jira oo aan is aragnay. Waxay yiraahdeen ‘Ilaah baa mahad leh, ma soconno, waxaan sameysannay guryo, waxaan [yeelannay] bajaaj, gaari-dameerro. Shaqo cunto ku beddelasho ayaa maalin kasta naloo sameeyaa.’ Marka waxaa xusid mudan, culeys baa haysta Baydhabo. Barakace wax la yiraahdo, abaar xun baa Soomaaliya ka jirta. Wixii Bakool iyo halkaa ku noolaa iyo Baydhabo agagaarkeeda, kulli waxaad mooddaa in Baydhabo lagu wada kulmay.

Ergo: Markii aad soo noqoteen maxaad UNHCR iyo dadka qaxootiga ah u sheegteen?

Mursal: Waxaa jira dad raystay, dad soo noqonayana way jiraan. Dad wax loo qabtay way jiraan, dad aan wax loo qabanna way jiraan, dad soo noqonaya oo dhib qabana way jiraan baan niri. Dhulka abaar waaye, magaalooyinka gudahoodana ammaan waaye, warbixintaas waan siinnay.

Previous Post

Dhalinyaro sameeyay hab fududaynaya helitaanka shaqooyinka

Next Post

Wasaaradda caafimaadka oo sheegtay in sahay gargaar suuqyada lagu iibiyo

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Barnaamijka codka dhegeystaha

Wasaaradda caafimaadka oo sheegtay in sahay gargaar suuqyada lagu iibiyo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo