Qaabkan ayaa u fududaynaya dhalinyarada inay si fudud ku ogaadaan hadba shaqada markaas ka bannaan. Waxaa ilaa hadda is diiwaan geliyay dad ka badan 2,000 oo qof. Qorshahan oo shaqaynayay labadii bilood ee ugu danbaysay ayaa waxaa ilaa hadda shaqo ku helay 10 qof halka 400 oo kalena ay jawaab sugayaan.
Shaqo la’aanta dhalinayrada Puntland oo heerkeedu sarrayso waxa ay tallaabadan ka bedelayso waxaa warbixinta soo socota magaalada Garoowe innooga soo diray Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji.










