Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Boqollaal qoys oo ka barakacay Tiyeeglow ayaa Baydhabo gaaray

Radio Ergo by Radio Ergo
February 15, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Boqollaal qoys oo ka barakacay Tiyeeglow ayaa Baydhabo gaaray

Barakacayaal hoos fadhiya geed ku yaalla Baydhabo/Muxiyadiin/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – In kabadan 1,000 qoys ayaa labadii toddobaad ee u dambeeyey u barakacay magaalada Baydhabo. Abaaro muddo soo jiray oo ay ka dhasheen, sicir barar iyo cunna yari ku haysatay degmada Tiyeeglow iyo toolooyinka hoos yimaada, ayaa qoysaskan ku khasabtay inay tagaan Baydhabo u jirta qiyaastii 270 km. Wakhtigan waxaa deegaan u ah dhirta hoosteeda iyo bannaanka xeryaha barakacayaasha. Sida ay Ergo u sheegeen masuuliyiinta maamulka Koonfur-galbeed.

Dadka imanaya ayaa ku biiraya xeryaha barakaca ee ku yaalla Baydhabo oo ay ka jiraan biyo la’aan iyo cunto yari. Waxaa intaas u dheer inaanay hoy la’aan. Qaar ayaa jiifa dhirta hoostooda, kuwo kale waxay joogaan bannaanada iyadoo inta nasiibka leh ay la noolyihiin dad ay ehel yihiin oo xerada horay usii deganaa. Xeryaha ayaa waxaa hadda ku nool dad ay maamulka Koonfur-galbeed ku qiyaaseen 88,000 qof.

Dadkaas waxaa ka mid ah Maxamed Xareed Cabdi oo 62 jir ah, isaga iyo shan carruur ah oo uu dhalay ayaa shan maalmood ka hor yimi xerada barakaca ee Sheemo oo ku taalla Koonfurta Baydhabo. Maxamed iyo carruurtiisa waxay hadda degan yihiin aqal yar oo ka samaysan geedo iyo maryo kor laga saaray. Gudaha aqalka ma yaallaan wax ay cunaan ama ku seexdaan, maadaama ay uga soo tageen Tiyeeglow.

Waxa ay cunaan ayuu sheegay in ay ka helaan dad degan xero deriska la ah. Wuxuu sheegay in da’diisa oo wayn owgeed ay ku adagtahay inuu usoo shaqeeyo carruurtiisa.

Maxamad iyo carruurtiisa ayaa soo lugeeyay 50 km. Gaari wadada marayay ayaa markii danbe ku caawiyay inuu geeyo Baydhabo. “Gabadhayda oo afar jir ah ayaan dushsa ku waday mudada aan lugaynaynay, halka kuwa kalena aan mar meel ku soo nasinayay”, ayuu yiri Maxamed.

Qoyska Maxamed ayaa ku tiirsanaa beer laba hiktar ah oo uu ku lahaa meel 8 km u jirta Tiyeeglow. Wax ugama soo go’in muddo afar sano ah oo aan deegaanka roob ka di’in. Labo sano ayuu sheegay inay cunayeen kayd raashin ah oo markii danbe ka dhammaaday.

Wuxuu sheegay in noloshoodu ay sii adkaatay markii xaaskiisii oo ahayd qofka keliya ee reerkiisu ku tiirsanaa ay dhimatay siddeed bilood ka hor. Suuqa magaalada Tiyeeglow ayuu sheegay in ay khudaar ku iibin jirtay. $200 oo uu dayn u qaatay, ayuu sheegay in ay ku adkaatay in uu iska bixiyo. Markii danbe oo uu waayay cid dayn kale siisana, dantu waxay ku khasabtay inuu markii ugu horraysay noloshiisa ka barakaco gurigiisa.

Dahabo Nuur Maxamed oo wadata afar carruur ah oo kan ugu yar uu jiro shan sano, ayaa muddo saddex maalmood ah hadda joogto xerada barakaca ee ABC2 oo ku taalla Koonfurta Baydhabo. Aabaha dhalay carruurta ayay sheegtay inuu isna u barakacay magaalada Beledwayne si uu biil uga raadiyo carruurtiisa. Dahabo ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay aanay helin wax ay cunaan. Labadii maalmood ee ka horraysana ay deriska ka heleen cambuulo iyo soor. Aqal ka samaysan geedo, baakado iyo marooyin ayay ku hoos nool yihiin iyada iyo carruurteeda.

Previous Post

Cudurka Daacuunka oo isbitaalka Gaarisa ay ugu dhinteen 8 qof

Next Post

Qiimaha Xoolaha

Related Posts

blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda

August 17, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Reer-guuraa Galgaduud oo ka cabanaya cudur ka dilaya xoolaha oo il-dhaqaale u ah

August 14, 2026
Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan

August 12, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Carruur nafaqo celin loogu sameeyay Muqdisho markii ay taageereen ganacsato Somali ah

August 11, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Somalia news, Latest news, Drought, Somali news, Mogadishu live news
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqato ku wajahaya Somaliland cunno xumo, go’doon iyo roob la’aan

August 7, 2026
Next Post
Qiimaha xoolaha ee Sayladda Bender Bayla ee gobolka Bari

Qiimaha Xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-AUG-2026

IDAACADDA 17-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-AUG-2026
August 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-AUG-2026
August 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-AUG-2026
August 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-AUG-2026
August 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13 AUG-2026
August 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo