Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Qoysaska Hargeysa oo sanadkii hore madax-furashada tahriibka ku bixiyay in ka badan $1.2M

Radio Ergo by Radio Ergo
January 5, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysaska Hargeysa oo sanadkii hore madax-furashada tahriibka ku bixiyay in ka badan $1.2M

File photo/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Labo boqol oo qoysas danyar ah oo ku nool magaalada Hargeysa ayaa sanadkii dhamaaday madax-furasho ahaan u bixiyay lacag ka badan $1.2M, si ay u badbaadsadaan carruurtooda oo xilli ay tahriibayeen lagu afduubay Liibiya iyo Masar. Guryihii ay deggenaayeen oo ahaa hantida keliya ee ay heli kareen ayay u iibiyeen carruurtooda, waxayna hadda deggan yihiin aqallo ay ka dhisteen dhul dan guud ah oo ay dowladda leedahay. Xabsiyada kooxaha wax afduubta iyo badda ayay ku dhinteen qaar ka tirsan carruurta madax-furashada laga bixiyay.

Isxaaq Maxamuud Taani oo ah agaasimaha waaxda ka-jawaabista tahriibka ee wasaaradda dib-u-dejinta Somaliland oo aan ka xigannay tirada guud ee qoysaska ayaa noo sheegay in kiiba ay ka baxday lacag u dhaxeysa $6,000 ilaa $8,000 oo madax-furasho ah. Xaaladda nololeed ee qoysaskan ayuu ku tilmaamay dhibaato ay dhibaato sii fuushay, maaddaama iyagoo aan waxba haynin ay khasab ku noqotay inay sameeyaan wax kasta oo ay awoodaan si ay khatarta uga badbaadiyaan carruurtooda.

Muuse Cabdi oo ka mid ah waaliddiinta carruurtooda madax-furashada u diray, wuxuu bishii Agoosto ee sanadkii hore $12,000 ku iibiyay gurigii uu deggenaa. Lacagtaas $10,000 oo ka mid ah wuxuu u diray dadka wax tahriibiya oo xero ku taalla Liibiya ku haystay gabadhiisa oo 18 jir ahayd ee Hoodo. Laakiin afar maalmood kaddib mar uu wacay si uu u ogaado in la sii daayay iyo in kale waxaa loo sheegay in wadnaha oo istaagay ay u dhimatay.

“Runtii Ilaahii lahaa baa qaatay, laakiin waxay dhibta ugu weyni tahay gabadheydii oo aanan meydkeedii arkin, lacagtii la iga qaadayna ay sii qoyan tahay oo la i yiri ka quuso labadaba,” ayuu si tiiraanyo leh u yiri Muuse. Wuxuu raggii gabadha ka haystay ka codsaday maaddaama ay dhimatay inay lacagta u soo celiyaan laakiin way ka diideen.

Ninkan oo ah xamaali bakhaarrada Hargeysa u dejiya raashinka iyo alaabaha kale waxay hadda qoyskiisa oo ka kooban toddobo qof deggan yihiin qol jiingad ah oo uu uga dhisay dhul ay dowladda leedahay. Hase yeeshee wuxuu ka walwalsan yahay in dhulkaas laga rari karo xilli kasta oo ay dowladda u baahato.

Gabadhiisa oo ahayd curadda qoyska, oo inay dhameyso dugsiga sare uu uga dhinnaa hal fasal waxay safarka tahriibka gashay Juun 2017, iyadoo sii martay Boosaaso, ugana gudubtay Yemen, kaddibna Sudan, halkaas oo ay ka gashay Liibiya.

Dowladda Somaliland ayaa wadda qorshe ay bisha Maarso ee sanadkan 2018 shaqooyin ugu abuureyso ku dhowaad 100,000 oo dhallinyaro ah si aanay u tahriibin, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay intii uusan xilka ka degin wasiirkii hore ee qorsheynta Somaliland, Maxamed Ibraahim Qabbo. Wuxuu aaminsan yahay dhallinyarada inay tahriibka ku qasbeyso shaqo-la’aanta.

Hase yeeshee, Cabdisamed Cumar Aadan oo cilmiga dhaqaalaha ka dhiga jaamacadda Hargeysa ayaa sheegay in dhaqaalaha ku baxay tahriibka lagu sameyn karay ganacsiyo fiican oo ay dhallinyaradu uga baaqsan lahaayeen halista ay naftooda ku biimeeyeen, geerida dhallinyaro badan iyo saboolnimada ay dhaxlaan qoysaska ay carruurtoodu tahriibto.

Wuxuu ku booriyay waaliddiinta inay fursado shaqo u abuuraan carruurtooda inta aysan shaqo la’aan u tahriibin, taas oo uu ku tilmaamay inay baddeli karto fikirka tahriibka shaqo doonka ah. “Qofka markii lacag la siin waayo oo shaqo la’aan ay saameyso, xaafaddiina ay lacag hayso, wuxuu aaminsan yahay in lacagtaas loo soo diri karo haddii uu magafaha gaadho,” ayuu yiri.

Yemen, Libya, Sudan iyo Masar, waa meelaha xabsiyada lagu addoonsado dhalliyarada tahriibeysa ay ku yaallaan. Inkastoo aan tiradooda la ogayn haddana dhallinyaro badan oo Soomaali ah ayaa weli lagu addoonsanayaa dalalkaas.

Previous Post

Halkan ka dhegeyso xubinta qiimaha xoolaha

Next Post

Codka dhegeystaha

Related Posts

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda

August 14, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Carruur nafaqo celin loogu sameeyay Muqdisho markii ay taageereen ganacsato Somali ah

August 13, 2026
Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan

August 12, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Somalia news, Latest news, Drought, Somali news, Mogadishu live news
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqato ku wajahaya Somaliland cunno xumo, go’doon iyo roob la’aan

August 7, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post
Barnaamijka codka dhegeystaha

Codka dhegeystaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-AUG-2026

IDAACADDA 15-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-AUG-2026
August 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-AUG-2026
August 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13 AUG-2026
August 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-AUG-2026
August 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-AUG-2026
August 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo