Tan iyo 29-kii December markii ciidamada dowladda ay burburiyeen 23 deggaan oo ku yaalay Km13 oo ay degganaayen dad barakacayaal ah, waxaa ku xirmay afar iskuul oo kuwa hoose dhexe iyo hal dugsi oo sare, dadka ku jira xeryahaas la bur buriyeyna ay si lacag la’aan wax carruurtoodu wax uga baranaysay.
Deeganadii la bur buriyey waxaa ku yaalay 4 iskuul oo ay dhiganayeen 2,270 carruur oo 670 kamid ah ay gabdho ahaayeen, carruurtaan ayaa ka mid ahaa qoysaskii abaaraha ku soo cayrtoobay, oo si lacag la’aan ah wax uga baranayey goobahaan iskuulada la dumiyey, waxayna carruurtii banaan yaal la noqdeen qoysaskoodii.
Iskuuladaan waxaa gacanta ku hayey hay’ado gargaar, iyagoo ugu tala galay in carruuraha ku jira xeryaha barakacayaasha ay ka helaan fursado waxbarasho. Faysal Xirsi Kaariye oo ah maamulka Dugsiga hoose , dhexe iyo sare ee Maandeeq kana mid ahaa dadka barakacayaasha ah balse waxbartay maamulkana iskulada la burburiyayna ku jiray ayaa Radio Ergo u sheegay in dugisiga markii la bur burinayey 200 oo arday dhiganayeen, islamarkaasna dhammaan dugisiga qalabkiisii sida kuraas, sabuurad iyo dhismahaba la burburiyay oo cagaf la dulmariyay.
“ Ciidamada iyagoo cagaf cagafyo wata ayey noo yimaadeen goor barqo ah oo ardaydu ku jirto fasaladda, dumin ayeyna ku bilaabeen, waxaan u sheegnay in iskuul uu yahay goobtan, sidaana loo dhaaamo, hase yeeshee anniga ayay i dhaawaceen oo qori ayay igu garaaceen baadkiisa, waxaana ka dhaawacanahay dhabarka oo nabar iga soo gaaray”. Ayuu yiri Faysal.
Idiris Maamow Cali waa 14-sano jir fasalka 7-Aad ka ahaa dugsiga Gurmad oo 670 Arday ay dhiganaysan kana mid ah iskuulada la dumiyey. Muddo ku tobban ah ma uusan aadin waxbarasho waxaana uu banaanka la jiifaa qoyskiisa, oo dhulkii ay xerada ka degganaayeen laga burburiyay. Faysal waxay xeradan ku biireen bishii 7-Aad ee sanadkii 2016-ka , waxayna ka soo barakaceen gobolka shabellaha hoose, gaar ahaan kuntu waaray oo 70 kili mitir u jirta Muqdisho , halkaas oo ay uga soo salkaceen dagaalo u dhaxeeya Al-shabaab iyo Dowladda.
“Anniga runtii aad ayay ii saamaysay burburintan, waayo imtixaanka ayaa innagu soo dhawaa, mana muuqato hadda rajo ah inaan dib u helayo waxbarasho waayo iskuulkii waa nagala burburiyay”.ayuu yiri Idiris.
Dhammaan dugsiyadan ayaa ahaa kuwo si lacag la’aan ah ay carruurta barakacayaashu uga heli jireen waxbarasho, waxaana burbirintani ay keentay in carruurtii ay ula barakacaan meelaha qoysaskoodu ku sugan yihiin. Ma muuqato rajo la xiriirta in waqtiga dhow ay carruurtani fursadan dib u helayaan waayo dhulka cusub ee qayb ahaan maamulka gobolku dajiyay dadkan degaan ahaan xitaa uguma filno iskaba daa in goobo waxbarasho laga hirgeliyo.
154 macallin oo ka kooban isku darka afarta dugsi ayaa iyaguna shaqadii ay ka joogsatay kuwaas oo carruurta waxbari jiray.
Sayid Nuur Cali waa mid kamid ah waalidiinta carruurtooda ay waxbarasho la’aanta soo wajahday, waxa uu Radio Ergo u sheegay in carruurtiisa oo todobbo ah ay saddex kamid ah aysan muddo 10 maalmood ah aysan fasal xaadirin, tani oo uu ugu yeeray dhibaato daran waayo wuxuu sheegay in carruutiisu ay waxbarashada billaabeen markii ay Muqdisho yimaadeen bishii 6-Aad 2016 maadama degaankisa gaar ahaan kuntuwaaray oo katirsan gobolka shabellaha hoose ay uga soo carrareen dagaalada ka jira gobolkaasi iyo tacabka beeraha oo yaraaday sida uu sheegay. Wuxuu Ergo u sheegay Sayid Nuur inay Muqdisho ku yimaadeen gaadiid ay ka soo raaceen degmada Afgooye, waxa uuna yiri isagoo ka hadlaya waxbarashada caruurtiisa waxa uu yiri.
“ caruurta markii ay cagta saareen dhabahii guusha waxaan ahayn dad niyada taajir ka ah , balse rajadaas oo dhami marquray baaba’ay oo dugsiyadii ilmahenna ay wax ka baran jireen waxay qayb ka ahaayeen dhulkii la burburiyay, keliya dhulkaasi lama burburinine waxaa sidoo kale la burburiyay rajadii dhallaankeenna iyo mustaqbalkeennii”ayuu yiri.
Saddexda carruur ee uu dhalay Sayid waxay kala ahaayeen fasalka 2-Aad iyo koowaad, hadana waxay sheegayaan inaysan qabin rajo, ayna meelah banaan ee ay qoysasku degen.
“Carruurtii waa kuwaas marba dariiqaas ayey dhinac u cararayaan, xoolo ma loo dirsado, inay jidadkaas gawaaridu ku jiraan ayaan ka cabsi qabnaa, wax aan samayno ma naqaan” Ayuu yiri Sayid Nuur.
Maamulka hay’ada FENPS (Formal Education Network For Private Schools) oo kamid ah hay’adaha dugsiyadaasi waxbarasho sida lacag la’aanta ah ugu caawin jirtay carruurta barakacayaasha ee la burburiyay ayaa Radio Ergo u sheegay inay aad uga walaacsan yihiin iskuulaadka xirmay, hase ahaate sida uu inoo sheegay Axmed Jaamac Axmed qorsha hay’adu waa in marnaba aanu carrurutaasi waxbarashada ka joogsan
“ Waxaan qorshaynayaa inaan carruurtaasi waxbarashadooda u wadno, dhulka cusub ee hada la dajiyay ayaan qiimayn ku wadnaa si haddii suuragal tahay aan dugsi uga furno dhallaankuna u sii wataan waxbarashadooda”ayuu yiir Axmed.
Faadumo Cali Yuusuf, waa hooyada shan carruur ah, kana soo barakacday degmada Qoryoolay ee Gobolka Shabellaha Hoose, labbo kamid ah gabdhaheeda ayaa waxbarasho ku jiray balse waa ay ka hakatay tan iyo markii dugsiyada la burburiyay, waxayna u sheegtay Ergo inay saamayn badan ka dhalatay burburinta. Carruurta wax u baran jirtay ayaa dhigan jirtay dugsiga wadajir waxayna kala ahaayeen fasalada labaad iyo afaraad, waxaana qoyskan oo markii hore ka soo carararay abaarta gobolka saamaysay muddo laga joogo 2-sano ayaa hadana wajaha nolol adag maadama caruurtii waxbarasho la’aan ka noqdeen sidoo kalana meel bannaan ah ay ku hooyanayaan.
Hay’adani waxay billowday iskuulkan sanadkii 2014-kii oo iyada ayaa dhistay , waxaa macalimiinta ka howlgasha dugsigan keliya ay ahaayeen 25 macalin oo mid kasta bishii loo siiyo lacag dhan $100
Dugsiyadan afarta ah dhammaantood waxay ku yaaleen xeryaha dhaxdooda wxaana ay kala yihiin Dugsiga Dayax oo ah mid hoose iyo dhexe, waxaana subax iyo galab dhigan jirtay 600 oo carruur ah, gacantana waxaa ku haystay hay’adda DBG, Daryeel Bulsho Guud. Dugsiga Xamdi isna waxaa wax ka baran jirtay 800 , labada gelin. Waxaana Maamulaysay DRC, Gurmad 670 Arday baa dhigan jirtay waxaana maamulka haysa Hay’adda FEMPS, iyo Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee Maandeeq oo 200 oo arday ay waxa ka baran jirtay, dhammaan waa la burburiyay, waxaana xilligan carruurtaasi iyo qoyskooduba ay ku hooyanayaan gidaarada iyo geedaha hoostooda , qaarna hareeraha wadada ayay jiifaan, waxna ku karsanayaan.









