Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Gudniinka Fircooniga oo ku badan xeryaha lagu barakacay

Radio Ergo by Radio Ergo
December 15, 2017
in Arrimaha Bulshada, Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Gudniinka Fircooniga oo ku badan xeryaha lagu barakacay

Keydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Iisho Xaaji Siidow oo 9 sano jir ah, xanuun daran ayaa haya. Lugaheeda aad ayay u bararan yihiin. Waa la dabray si uu socodkeeda u xaddidnaado. Laakiin hadda derin dhex taalla qol cooshad ka sameysan oo geed aanu u dhoweyn ayay ku jiiftaa. Halkan waa xerada lagu barakacay ee Beledul-Amiin oo ku taalla degmada  Dayniile ee Muqdisho.

Toban maalin ayaa laga joogaa markii iyada iyo walaasheed oo lix jir ah loo guday fircooniga. Dhiig badan ayaa ka baxay sakiintii lagu jar-jaray awgeed, ilaa maalintaasna lama siin wax dawo ah. Gabadhan oo weriyaha Ergo uu booqday xaaladdaas ayaa u suuragelin waysay inay la hadasho. Laakiin hooyadeed oo lagu magacaabo Nuurto Jeelow Maxamed ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in iyada oo dhibaato ka soo martay gudniinka noocaan ah ay haddana u gudday gabdhaheeda, iyadoo u aragta inuu ilaalinayo sharaftooda.

Xerada Beledul-Amiin oo keliya sagaal gabdhood ayaa isku maalin la guday, taas oo ku tuseysa sida uu gudniinka fircooniga ugu badan yahay xeryaha lagu barakacay ee Muqdisho iyo hareeraheeda.

Gabdhahan daryeel caafimaad ma helaan. Biyo kulul oo cusbo leh ayaa looga dhaqaa dhaawaca. Hooyooyinkood waxay aaminsan yihiin haddii ay dawo siiyaan dhibbaneyaasha in aysan u bogsooneyn boogta. “Dawo waxaa ugu filan biyaha kulul,” ayay tiri Nuurto. Si howsha gudniinka ah loogu fuliyo waxaa gabadhiiba looga qaatay 15,000 oo shilin oo ka yar $1.

Nuurto waxay tilmaantay in gudniinka noocaan ah uu leeyahay saameyn waareysa oo ay dumarku la kulmaan. Xanuunka ugu daran waxay dareemaan xilliyada caadada iyo dhalmada. Laakiin waxay u arkaan caado aan laga tallaabsan karin oo gaashaan u ah gabdhaha.

Fircooniga waxaa loo gudaa gabdhaha ay da’dooda u dhaxeyso 5 ilaa 10 sano jir. Xarunta Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed (SWDC) ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in sanadkan 2017 ay diiwaangelisay 500 oo kiis oo gudniinka fircooniga ah. Inkastoo aanay si buuxda u dhaqangelin haddana, dadaallada lagu hakinayo fircooniga waxaa ka mid ah sharci mamnuucaya gudniinka firnoociga ah oo ay soo saartay wasaaradda haweenka ee xukuumadda Soomaaliya.

Sacdiyo Maxamed Nuur oo ah agaasime-waaxeedka qeybta jinsiga ee wasaaradda ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in sharcigan oo sugaya ansixinta baarlamaanka haddii uu dhaqangalo uu ciqaabi doono, kuwa ku dhaqma gudniinkan.

Previous Post

Halkan ka dhegeyso xubinta qiimaha xoolaha

Next Post

Qoysas Balcad ka qaxay oo gaaray Jowhar

Related Posts

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 5, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Next Post
Dadkii ka barakacay dagaalladii Guriceel oo ay biyo-la’aan ku haysato tuulooyin

Qoysas Balcad ka qaxay oo gaaray Jowhar

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-JUN-2026

IDAACADDA 07-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUN-2026
June 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUN-2026
June 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUN-2026
June 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo