Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Dad shuban-biyood ugu dhintay Gedo

admin by admin
December 14, 2017
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Xarun lagu daryeelo carruurta naafada ah oo laga furay magaalada Ceerigaabo

Sawir/Keydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Labo carruur ah ayaa horraantii toddobaadkan cudurka shuban-biyoodka ugu geeriyootay tuulada Garsaal oo 35 km koonfur ka xigta degmada Ceelwaaq. Waxaa hadda isbitaalka Ceelwaaq cudurka u jiifa 27 qof oo 14 kamid ah yihiin dumar halka 12 kalena ay caruur yihiin.

Maamulaha isbitaalka Ceelwaaq Dr. Maxamuud Mukhtaar oo sidoo kale ah dhaqtar ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in bukaannada laga keeno xeryaha lagu barakacay ee Ceelwaaq iyo deegaannada miyiga ah ee ku hareeraysan.

Dr. Maxamuud ayaa u sababeeyey faafitaanka shuban-biyoodka inuu yahay dadka oo cabaya biyo aan nadiif ahayn iyo carruurta nafaqo-darradu hayso ee ku nool xeryaha barakacayaasha.

Roobka dayrta ayaa horraantii bishii Noofember ka da’ay dhulka miyiga iyo tuulooyinka hoostaga Ceelwaaq, taas oo keentay in biyihii roobka ee dhulka taagga sare ka soo rogmaday oo wasaqeysan ay galaan ceelashii ay dadku ka cabayeen.

Faadumo Cabdi oo deggan miyiga tuulada Kurtun-dhooble oo Ceelwaaq dhanka bari ka xigta 87km ayaa caruurteeda oo 4 gabdhood iyo 2 wiil isugu jira, waxaa shuban-biyoodku kaga dhacay gabadha ugu yar oo 4 sano jir ah. Todobo maalmood muddo laga joogo ayay deegaankeeda ka raacday gaari dameer geeyey Ceelwaaq.

Qoyska Faadumo oo xoolo dhaqato ahaaa ayay abaartu ka dishay dhammaan xoolihii ay dhaqan jireen oo gaarayay 43 neef oo isugu jira ari iyo lo’. Radio Ergo ayay uga warrantay xaaladda gabadheeda oo shuban biyoodku kaga dhacay 14 maalmood kahor. Isbitaalka ayay hadda muddo 7 maalmood ah kula jirtaa. Xaaladda caafimaad ee gabadheeda ayaa soo hagaagaysa, kadib daryeel caafimaad oo ay u heshay.

Qoysaska ay deegaan wadaaga yihiin ayay sheegtay in 20 qof oo kamid ah uu shuban-biyoodku ku dhacay, dhammaantoodna loo qaaday Isbitaalka magaalada Ceelwaaq. Halkaas oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.

Abuukar Aadan oo deggan tuulada Garsaal, wuxuu isbitaalka Ceelwaaq mudo lix maalmood ah kula jira labo carruur ah oo uu dhalay kuwaas oo qaba cudurka shuban biyoodka. Wuxuu sheegay inuu isbitaalka ku keenay gaari dameer uu ku soo kiraystay $15. Cudurka ayaa carruurta kaga dhacay muddo hadda laga joogo toban maalmood. Wiil afar sano jir ah ayuu sheegay inuu xanuunku aad u hayo, halka gabar lix sano jir ah ay iyadu roon tahay.

Deegaankii uu ka yimi Abuukar ee Garsaal ayuu sheegay in cudurku uu kusii fidiyo, dadkuna aanay haysan adeegyadii caafimaad ee ay u baahnaayeen, taasina ay ku khasabtay inuu caruurtiisa keeno degmada Ceelwaaq.

Previous Post

Xerada IFO oo qaar ka mid ah qaxootiga ku nooli beero ka samaysteen

Next Post

Cudurka jadeecada oo 15 carruur ah ugu geeriyootay meelo ka mid ah Bay iyo Bakool

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qorshe lagu horumarinayo Muqdisho oo il-dhaqaale u noqday qoysas barakac ah

July 17, 2026
Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin
Wararkii u Danbeeyay

Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin

July 17, 2026
Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug
Beeraha Iyo Xoolaha

Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug

July 13, 2026
Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo
Wararkii u Danbeeyay

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo

July 10, 2026
Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 8, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 7, 2026
Next Post
Cudurka jadeecada oo 15 carruur ah ugu geeriyootay meelo ka mid ah Bay iyo Bakool

Cudurka jadeecada oo 15 carruur ah ugu geeriyootay meelo ka mid ah Bay iyo Bakool

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 18-JUL-2026

IDAACADDA 18-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 18-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-JUL-2026
July 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JUL-2026
July 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JUL2026
July 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JUL-2026
July 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-JUL-2026
July 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo