Muxiyadiin Aadan Ibraahim oo ah madaxa talaalka ee wasaaradda caafimaadka Koonfur Galbeed ayaa Ergo u sheegay in cudurkuĀ meelaha ugu daran ee uu ka jiro wakhtigaan ay tahay degmooyinka Waajid iyo Berdaale.
9 carruur ah ayaa ugu dhimatay cudurka Waajid, halka Berdaalana ay ugu dhinteen 6 carruur ah, labadii todobaad ee la soo dhaafay.
warbixintaan oo dhamays tiran oo uu soo diray weriyaha Ergo ee Baydhabo Muxiyadiin Xusni, ka dhegeyso hoos.









