Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Ayuutada casriga ah oo haweenka u noqotay fursad maalgashi

Radio Ergo by Radio Ergo
December 22, 2017
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Ayuutada casriga ah oo haweenka u noqotay fursad maalgashi

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Haween sabool ah oo ku sugan meelo kala duwan oo Soomaaliya ah ayaa sameystay ganacsiyo iyagoo ka faa’ideysanaya nidaamka ayuutada. Habkan oo ku baahsan dalka, aadna caan uga ah ayaa meelaha qaar loo casriyeeyay si loogu kaashado maalgashi. Soomaaliya kama jiraan bankiyo deymo bixiya oo caawiya qoysaska aan dhaqaale ahaan is bixin karin.

Ayuutadu waa hab ay inta badan koox haween ah isugu darsadaan lacag, taas oo muddo lagu ballamay hadba qof haweenkaas ka mid ah la siiyo.

Ururka haweenka ee degmada Kismaayo ayaa ayuutada ay isku darsadaan u maamula haween gaaraya 520 qof, sida ay Raadiyo Ergo u sheegtay Sureer Maxamed Cali oo ah guddoomiyaha ururkaas. Bil kasta waxaa haweeneydiiba laga qaadaa $3, wuxuuna ururku ku shubaa xisaab-banki oo u gaar ah. Iskaashigan waxaa qeyb ka ah haween soo barakacay, kuwo ka soo noqday xeryaha Dhadhaab iyo kuwa danyarta ah ee deegaanka.

Barnaamijkan oo socda toddobo bil waxaa ilaa hadda ka faa’ideystay toddobo haween ah. Haweenkan oo ah kuwii ugu horreeyay ee habkan lagu caawiyo ayaa hadda ku shaqeysta ganacsiyo yaryar. Ayuutada waxay ahayd in bilba qof la siiyo haweenka shirkada ku ah, hase yeeshee guddoomiyaha waxay xustay in haweenka ugu saboolsan ama xaaladda nololeed ee adag wajahaya ay u hormariyaan si ay noloshooda wax uga beddesho.

Jawaahir Cali Xasan oo korsata saddex carruur ah oo agoon ah ayaa ka mid ah haweenka ganacsiga ku abuurtay ayuutada ee ku nool Kismaayo. Waxaa lix bil ka hor la siiyay $1,500 oo ay ku furatay xarun ganacsi oo lagu iibiyo dharka, cabitaannada fudud iyo shidaalka. Fursaddan ayaa ka maaransiisay ku noolaanshaha xerada lagu barakacay ee Tawakal muddo siddeed sano ah. Waxay hadda awood u yeelatay inay bil kasta iska bixiso $70 oo kirada guri labo qol ah oo ay degtay, waxbarashada carruurta oo $90 ah iyo inay bil kasta $80 u jarto deynta lagu maalgeliyay.

Qofka sida Jawaahir oo kale loo maalgeliyo wuxuu bil kasta deynta ka bixiyaa hadba intii uu awoodo, laakiin haweenka kale oo xoogsato u badan khidmadda lagu heshiiyay ayay joogto u bixiyaan.

Jawaahir oo ka soo barakacday degmada Afmadow ee gobolka Hoose ayaa fursaddan ka hor iibin jirtay shaah iyo cunto bisil, kamana aysan heli jirin wax dhaafsiisan cuntada qoyska ee maalintaas. Heesashadeeda dhaqaale oo hooseysay awgeed, way ku adkeyd inay dugsi lacag ah geyso gabadheeda ugu weyn oo 14 jir ah oo labo sano ka hor uu xirmay dugsigii agoonta ee ay dhigan jiray.  Labo bil kahor ayay gabadha dib ugu noqotay waxbarashada.

Ayuutada noocaan ah oo wax weyn ka beddeshay nolosha qoysas badan waxay ka jirtaa magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa, Baydhabo, Gaalkacyo, Jowhar iyo meelo kale.

Ururka Nafis oo ka shaqeeya arrimaha bulshada wuxuu isku keenay haween u badan kuwa soo barakacay oo ku nool deegaanno ka tirsan Somaliland. Wuxuu ka caawiyaa in ay dhexdooda dhaqaale iska ururiyaan, sameysiga shaqo-abuur, fikradaha ganacsiga iyo sida loo kobciyo.

Muddo ku dhow afar sano oo uu barnaamijkan shaqeynayo waxaa ka faa’ideystay haween gaaraya 16,000 oo qof.

Cabdiraxmaan Cismaan Gaas oo ah agaasimaha Nafis ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in habkan oo haweenka u sahlaya yeelashada wax soo-saar u gaar ah, ay dadka saboolka ah uga maarmi karaan ku tiirsnaaanta gargaarka hay’adaha samafalka.

Ayuutada oo soo jireen ahayd waxay kaliya haweenku dhaqaalaha ka soo gala u kaashan jireen ku fushiga dano yaryar oo u gaar ah. Hase yeeshee casriyeynta lagu sameeyay ayaa abuurtay rajo ay uga gudbi karaan saboolnimada, gaajada iyo inay waayaan waxyaabaha aasaasiga u ah noloshooda.

Previous Post

Dhegeyos Barnaamijka Gobaad

Next Post

Dhegeyso xubinta qiimaha xoolaha

Related Posts

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Barakicin qasab ah oo nolol xumo galisay qoysas laga saaray xeryaha Baydhabo

September 10, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 9, 2026
Next Post
SAYLADAHA XOOLAHA OO WAKHTIGAN U BADAN KUWO AYSAN XOOLO JOOGIN KADIB XILLIGII XAJKA

Dhegeyso xubinta qiimaha xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 18-SEP-2026

IDAACADDA 18-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 18-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-SEP-2026
September 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-SEP-2026
September 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-SEP-2026
September 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-SEP-2026
September 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo