Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Keyd la’aanta dhiigga oo sababtay in la badbaadin waayo dhaawacyadii qaraxii Soobbe qaarkood

Radio Ergo by Radio Ergo
October 24, 2017
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Keyd la’aanta dhiigga oo sababtay in la badbaadin waayo dhaawacyadii qaraxii Soobbe qaarkood
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankSiddeed qof oo ka tirsanaa dadkii ku dhaawacmay qaraxii Soobbe ayaa u dhintay markii loo waayay dhiig ay si degdeg ah ugu baahnaayeen. Keyd la’aanta dhiigga waa mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee ay eersadaan dadka xaaladda degdegga ah loo geeyo isbitaallada.

Qaraxa oo 14-kii bishan ka dhacay isgoyska Soobbe ayaa sababay dhimashada 358 qof iyo dhaawaca 228 qof sida uu 20-kii bisha warbaahinta u sheegay wasiirka warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan.

“Dhiig la’aantu waxay ahayd mid xaaladda sii murjineysay,” ayuu yiri Rooble Axmed Iidle oo ah qoraa si mutadawacnimo ah ula shaqeynayay kooxda gurmadka. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay markii shan ka tirsan dadkaas ay ku dhinteen isbitaal Madiina in ay jireen afar qof oo kale oo xaaladdaas oo kale ku sugnaa oo dhiig loo raadinayay.

Agaasime ku-xigeenka isbitaal Muqdisho City ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in isbitaalkooda oo ay dhiig loo waayay ugu geeriyoodeen saddex qof, si ay u badbaadiyaan 12 kalena oo halis ugu jiray inay dhiig la’aanta u dhintaanna ay toddobo ka tirsan shaqaalahooda ku khasbanaadeen inay dhiiggooda u shubaan. Dad gaaraya 41 qof oo qaraxaas ku soo dhaawacmay ayaa la seexiyay isbitaalkaas.

Dadka lagu badbaadiyay dhiigga shaqaalaha laga shubay waxaa ka mid ah Cabdifataax Saciid Maxamed oo 22 jir ah. Isaga oo bajaaj ku kaxeynayay isgoyska Soobbe ayuu qaraxu haleelay, lugta midig, dhabarka iyo madaxa ayuu dhaawac xooggan ka soo gaaray. Muddo labo saacadood ah ayaa dhiig loo raadinayay si loogu sameeyo qalliin uu u baahnaa.

“Ma jirin dhiig noo diyaarsanaa. Xaaladdu ma aheyn mid aan fileynay, waxay aheyd dhibaato culus oo na soo wajahday, Dadka qaar markii nala soo gaarsiinayay HB-gooda wuxuu ahaa 3 iyo wax ka yar sida ay u soo dhiig baxayeen darteed,” ayuu yiri agaasimaha.

Waxaa Muqdisho ka shaqeeya urur dhallinyaro oo si mutadawacnimo ah u wacyigeliya isla markaana diiwaangeliya dadka dhiiggooda ku deeqaya, kaddibna isku xira isbitaallada dhiigga looga baahan yahay iyo dadka dhiiggooda ku tabarucaya.

Cadnaan Cabdullaahi Xuseen oo xubin ka ah ururka Somali Blood Donation ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in inkastoo aysan tirakoob sax ah haynin, ay haddana og yihiin in ay jiraan dad ku dhintay isbitaallada iyo xitaa gudaha gaadiidka gurmadka degdegga ah.

Bankiga dhiigga ee Muqdisho wuxuu xiran yahay muddo 27 sano ah. Xaruntiisa waxaa hadda ay hoy u tahay dad soo barakacay. Isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka ee magaaladana ma haystaan keyd loo baxsado xilliyada xaaladaha degdegga ah.

Previous Post

Haweenka Ceelbarde oo daryeel caafimaad la’aan ka cabanaya

Next Post

Waraabe gaajaysan oo dad iyo xoolo ku dilay Awdal

Related Posts

blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
Next Post
Haweenka qoriley oo ka cabanaya cisbitaal la’an

Waraabe gaajaysan oo dad iyo xoolo ku dilay Awdal

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-JUN-2026

IDAACADDA 04-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-MAY-2026
May 31, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo