Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Waraabe gaajaysan oo dad iyo xoolo ku dilay Awdal

admin by admin
October 24, 2017
in Wararkii u Danbeeyay
0
Haweenka qoriley oo ka cabanaya cisbitaal la’an

Photo | Sawir/dhismayaasha tuulada Qoriley/Cabdikariim/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Dhurwaa weerar ah ayaa tan iyo dhamaadkii bishii hore ee Sabteembar dad iyo xoolo ku dilay tuulooyin hoostaga degmooyinka Seylac iyo Lughaya ee gobolka Awdal. Ilo kala duwan oo deegaannadaas aan kala xiriirnay ayaa noo xaqiijiyay dhimashada 4 qof, dhaawaca saddex kale iyo inuu dhurwaagu cunay xoolo gaaraya 150 neef oo isugu jira geel, ari iyo dameero.

Weerarrada uu dhurwaaga ka geysanayo tuulooyinka oo dadka ku nool ay xoolo-dhaqato yihiin ayaa loo sababeynayaa abaarta daba-dheeraatay ee ka jirtay xeebta waqooyi ee Somaliland, taas oo meesha ka saartay waxyaabihii ay ku noolaayeen.

Cabdirashiid Ibraahim Muuse oo ah madaxa xarun yar oo caafimaad oo ku taalla deegaanka Cabdi-Geeddi oo hoostaga Lughaya ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in 14-kii bishan uu dhurwaagu gabar hal sano jirta kala baxay bogga hooyadeed xilli ay hurdeen ardaaga guriga oo habeen bar ah. Waxaa baaris mar dambe la sameeyay lagu soo helay lafaheeda.

Dadka kale ee dhurwaaga uu dilay ayaa kala ah nin wadaad ahaa oo da’diisa lagu qiyaasay 50 jir, nin dhimirka ka xanuunsanaa oo lagu qiyaasay 36 jir iyo gabar siddeed jir ahayd, sida uu noo xaqiijiyay Axmed Xuseen Badmaax oo xubin ka ah Golaha Deegaanka ee degmada Lughaya. Tuulooyinka uu dhurwaagu weerarrada ku hayo waxaa ka mid ah Cabdi-Geeddi, Riigga ina Kalowle iyo Idhaa Cadeys.

Cabdirashiid ayaa tilmaamay in xaruntooda hadda lagu daryeelayo labo haween ah oo mid ka mid ah uu waraabuhu garabka ka cunay, tan kalena uu lugta goostay. Wuxuu xusay in dhaawacyada gaaray ay daran yihiin. Wuxuu ka walwalsan yahay qaniinyada bahalka inay ka qaadaan xanuunno kale, maaddaama aan weli loo helin cirbad uu sheegay inay dili lahayd sunta ilkaha bahalka. Cirbaddaas lagama helo deegaanka oo isbitaallada u dhow ay ku yaallaan Hargeysa oo u jirta 150 km iyo Boorama oo u jirta 170 km.

Yurub Ibraahim oo lix sano jir ah ayaa ka mid ah dadka uu dhaawacay waraabaha. Xilli habeen ah, labadii bishan iyada iyo qoyskeeda oo hurda bannaanka guriga ayuu dhurwaagu faraha gacanta midig qaarkood ka goostay, madaxa iyo gacantana dhaawac ka gaarsiiyay markaas oo uu isku dayayay inuu la tago. Laakiin hooyadeed iyo aabbaheed oo ay wada hurdeen ayaa ku guuleystay inay ka dhigaan. “Markii qeyladeeda lagu kacay ayaa laga riday,” ayuu yiri Idiris Sayid Cali oo abtigeed ah. Hadda way ka soo kabaneysaa dhaawacyada gaaray. Guriga ayaana dib loogu celiyay 12 maalmood oo xarunta caafimaadka ee Lughaya lagu baxnaaninayay kaddib.

Idiris ayaa xusay in dadka deegaanka aanay socon karin habeenkii, maalintiina aanay carruurtu guryaha ka bixin, maaddaama ay la soo deristay cabsi ah inuu waraabuhu ugaarsanayo.

Xildhibaan Badmaax ayaa noo sheegay in maamulka dowladda hoose ee Lughaya uu wado qorshe lagu sumeynayo waraabaha si aanay dadku uga barakicin guryahooda. Xilli kuleyl ah oo dadku ay ku qasban yihiin inay bannaanka guryaha seexdaan ayaa lagu jiraa, sidaas daraaddeed wuxuu tilmaamay inay ciidanka heegan ku jiri doonaan si ay dadka uga badbaadiyaan weerarrada waraabaha.

Ilyaas Cabdi Cali

Previous Post

Keyd la’aanta dhiigga oo sababtay in la badbaadin waayo dhaawacyadii qaraxii Soobbe qaarkood

Next Post

In ka badan 50 carruur oo cudurka jeedeecada la jiifa cisbitaalka Afmadow

Related Posts

blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Next Post
MAAMULKA PUNTLAND OO SHARCI U SAMEEYEY TAYEYNTA CAAFIMAADKA

In ka badan 50 carruur oo cudurka jeedeecada la jiifa cisbitaalka Afmadow

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-SEP-202

IDAACADDA 09-SEP-202 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-SEP-202
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-SEP-2026
September 5, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo