Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Haweenka Ceelbarde oo daryeel caafimaad la’aan ka cabanaya

admin by admin
October 23, 2017
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
120 QOF OO INDHO FIIQID IYO DAWEYN LOOGU SAMEEYAY JOWHAR
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Haweenka ayaa ah kuwa ay saameysey Isbitaal la’aan iyo dhakhaatir la’aanta ka jirta degmada Ceel-barde ee gobolka Bakool. Umuliso dhaqameedyada oo kaliya ayaa ka shaqeeya waxayna sheegeen in celi-celis bishii ay seddex ilaa shan haween ah u dhintaan dhiig-bax, kalamisa iyo foosha oo ku adkaata. bishan October Seddex haween ah ayaa dhintay kadib markii waayeen adeegii caafimaad ee ay u baahnaayeen.

Nasra Shiikh Ismaaciil oo ka mid ah seddex umuliso dhaqameed oo jooga Ceelbarde ayaa sheegtay in ilaa bishii Janaayo ee sanadkan ay dhinteen 26 haween ah oo qaarkood wadada ku dhintay, halka kuwa kalena ay magaalada gudaheeda ku dhinteen.

“Annagga umulisooyin uun baan nahay, qofna dhiig kuma shubi karno, qof noo yimidna ma badan baadin karno, labadi dumar ee ugu dambaysay ayaa dhintay toddobaad ka hor, waxaa jira haween intay dhiig baxeen u baahnaa dhiig ku shubid oo inta baabuur lagu qaaday dhexda ku dhintay xaaladaha deg deg ahna waxba kam aqaban karno”. Ayay tiri Nasra Shiikh Ismaaciil

Isbitaalkii guud ee degmada Ceel-barde ayaan shaqayneyn tan iyo burburki dowladdii dhexe ee Soomaaliya, arrintaas oo sii xoojisay baahiyaha caafimaad ee deegaanka jira.

Maxamed Isaaq Amiin afar bil kahor ayuu xaaskiisa oo saddex habeen foolaneysa, umulisooyinkii magaalada Ceelbardena ay wax ka qaban waayeen, uu gaari ku geeyey magaalada Godey.

“Wakhti habeen ah oo sagaal saac ay tahay ayaa fool qabatay,Umulisooyinka Magaalada hal maalin ayay ku qadatey waxba waa ka qaban waayeen, gaari ayaan u kireeyey, gawaarida gurmadka deg-deg  lama helo nasiid darro sidaa markaan u gaarnay cisbitaalka ayey nafti ka baxday”.

Gaariga dheereya ee aroortii kabaxa Ceelbarde wuxuu Godey gaaraa salaadda Cishe, waxaana lagu kiraeystaa halki mar lacag dhan Shan boqol oo doolar.

Caruurtii ay ka dhimatay xaaskiisa, isaga ayaa hadda aabe iyo hooyo u ah, wuxuuna hadda ka shaqeeyaa geerish, isaga oo sameeya biraha taayiradana ka bedela gawaarida, wuxuuna ka helaa boqol kun oo shilling oo uu ku maareeyo nolosha caruurtiisa.

Haweenka dhaqaale ahaan ladan ayaa loo qaadaa magaalada Godey ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo una jirta Ceelbarde 140 Km. Waana  goobta ugu dhow ee ay ka heli karaan xarrun caafimaad oo ay lacagtooda wax kaga iibsan karaan.

Haweenkaas waxaa ka mid ah Nasro Shiikh oo iyadu ah umuliso dhaqameed “Qalliinkii iigu horreeyey waxaa la igu sameeyey aniga oo canugii iigu horreeyey fooshiisa igu adkaatey oo Godey la iila cararay,laba jeer oo kalena waa la isoo qalay”. Ayay tiri Nasro.

Dhool Xuseen Maxamuud waa hooyo haysta afar carruur ah haddane leh lix bil oo uur ah waxay aad uga welwesan tahay xillga dhamada, ayadoo wali xasuusta dhibaato ay ka soo martay labadi carruur ah ee ugu danbeeyey ee ay dhashay, ilmaheedi ugu dambeeyey ayey foolanaysay mudda sedex cisho ah.

“Mandheerta keliya ayaa shan saac igu jirtay oo aan la iga soo saarin, welwelka iigu badan hadda meel aan aado ma garanayo oo dhaqaale ma awoodo aan meel caafimaad ku aado”

Dadka deegaanka ayaa xal u arka in la helo goobo caafimaad oo hooyada iyo dhallaanka ah iyo dhaqaatiir wax ka qaban kara hooyooyinka xaaladoodu adkaato xilliga foosha.

Previous Post

Dhegeyso barnaamijka Gobaad

Next Post

Keyd la’aanta dhiigga oo sababtay in la badbaadin waayo dhaawacyadii qaraxii Soobbe qaarkood

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Keyd la’aanta dhiigga oo sababtay in la badbaadin waayo dhaawacyadii qaraxii Soobbe qaarkood

Keyd la’aanta dhiigga oo sababtay in la badbaadin waayo dhaawacyadii qaraxii Soobbe qaarkood

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo