Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

CAQABADAHA GABDHAHA KA HAYSTA WAXBARASHADA

Radio Ergo by Radio Ergo
October 9, 2017
in Wararkii u Danbeeyay
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Photo | Gabdho waxbarasho u fadhiya/Sawir/Burhaan Cadeysay

Bashiiro: Aniga markii aan ahaa fasalka 8daad ayaa waxaa isoo galay hammi guur.

Caqabado kala duwan ayaa gabdhaha Soomaliyeed ka hor-istaaga inay waxbarashada u  helaan si la mid ah tan wiilasha, isla markaasna ay meel fiican ka gaaraan waxbarashadooda, waxaa jira arrimo qeyb ka ah inaan gabadha iyo wiilka waalidiinta qaarkood u simin waxbarashada, waxaana ka mida h saboolnimada, gabdhaha oo lagula degdego guurka iyo dhaqanka Soomaalida oo aan dhiirrigelin waxbarashada  gabdhaha kaasoo u diidaya inay si siman wax ubartaan wiilka iyo gabadhaba.

Bashiiro Maxamed Cismaan  waa gabadha waxbarashadeedii uga hartay guur waxayna ka warramaysaa dhibaatooyinka ay waayo aragga u tahay ee gabadhaha ka haysta waxbarashada, waxayna tiri “Dhaqanka dadka Soomaalidu  maahan mid dhiirrigalinaya waxbarashada, aniga markii aan ahaa fasalka 8daad ayaa waxaa isoo galay hammi guur, waxaan isku dayey inaan kala leexsho waxbarashada iyo guurkii, laakiin waxay aakhirkii sababtay inaan ka haro waxbarashadeydii.” Ayay tiri Bashiiro.

Maxamed Cabdi faarax (Garweyne) wuxuu muddo dhan 36 sanadood shaqooyin kala duwan kasoo qabtay wasaaraddii waxbarashada iyo barbaarinta Soomaliya, haddana waa guddoomiyaha waxbarashada degmada Gaalkacyo ee Puntland, wuxuuna raadiyo Ergo uga warramay carqaladaha gabdhaha Soomaliyed ka haysta waxbarashada.

“Waxaan u soo joogay caqabado fara badan oo haysta gabdhaha Soomaliyeed, waxaa jira caqabado iskugu jira kuwo waqtigu ku riday, kuwo iyagu isku riday iyo kuwo waalidku ku riday, guriga inay uga dambeeyaan hooyadu way rabtaa, wiilasha haddii ay waxbarashada u raacdo markay timaddo waxay ka shaqeynaysaa guriga halka wiilku uu nasanayo, dadka Soomaaliyeed waa dad sabool u badan waxbarashadiina waxay noqotay lacag.” Ayuu yiri.

Marka laga eego u sinnaanta waxbarashada wiilsha iyo gabdhaha ayaa waalidiinta qaarkood waxay doorbidaan inay wiilka waxbarashadiisa awoodda saaraan halka gabadhana lagu cadaadsho shaqada guriga iwm. Haddiiba iskuul la geeyo gabadha Soomaaliyeed ma ahan  mid ay heer ka gaadho inta badan, sababtoo ah markii ay gaadho  da`da qaan-gaarka  ayaa nin  lagu daraa, waxaana halkaas ku burbura himiladii waxbarasho ee gabadha.

Xaawo Yusuf Axmed waaa madaxa waxbarashada xarunta horumarinta waxbarashada Gaalkacyo, waxayna ka warramaysaa dhibaatooyinka gabdhaha ka haysta waxbarashada, “Maashkilka waxaa ka mid ah gabdhaha oo looba arko mid nolosheedu ku egtahay shaqada guriga kaliya oo la dhahayo dhariga kari ilmahana xanbaar, sidaas bayna ku niyad jabtaa ama waxay ku keentaa inay ku degdegto guur.”

Burhaan Cadeysay/FM/AM

Previous Post

Barakacayaal sanadkan tegay Caabudwaaq oo aan gargaar helin

Next Post

Quick Solutions Of Crypto Boom In The Uk

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post

Quick Solutions Of Crypto Boom In The Uk

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo